John Terry Oo La Dhimay Ganaaxiisii Champions League Ka dib Racfaan Ay Qaadatay Chelsea. | Laacib.net
Home » Champions League » John Terry Oo La Dhimay Ganaaxiisii Champions League Ka dib Racfaan Ay Qaadatay Chelsea.

John Terry Oo La Dhimay Ganaaxiisii Champions League Ka dib Racfaan Ay Qaadatay Chelsea.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 13-08-12 6:16 PM

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa diyaar u noqon doona inuu ciyaaro kulanka ugu soo horeeya ee ay Chelsea ku difaacaneyso Champions League ka dib markii UEFA ay dhintay ganaaxiisa racfaan ay qaadatay Blues.

Terry ayaa seegay finalkii Bayer Munich ay koobka kaga qaadeen bishii May, waxaana ay aheyd kulankiisii ugu horeeeyay ee ganaaxiisii casaankii uu qaaday kulankii semi-finalka ee Barcelona.

Ganaaxa ayaa la filayay inuu sii socon doono ilaa xilli ciyaareedka cusub, iyadoo Terry uu ku balansanaa inuu seego kulanka ugu horeeya ee wareega group-yada Champions League, iyo kulanka European Super Cup ee ay la ciyaarayaan Atletico Madrid 31ka bisha August.

Si kastaba, UEFA ayaa qeyb ka aqbashay racfaan laga qaatay ganaaxaas oo ay sameysay Blues, waxaan ay aqbaleen in kulanka ugu danbeeya ee ganaaxiisa 3da kulan in lagu qaadi doono 3da sanno ee soo socota xilli ka mid ah.

Taasi ayaa waxa ay la micno tahay in Terry oo 31 jir ah uu mari doono ganaax hal kulan ah xilli danbe hadii uu seddexdaas sanno gudaheed uu galo qalad kale oo dishibiliinka ah.

22 Responses to John Terry Oo La Dhimay Ganaaxiisii Champions League Ka dib Racfaan Ay Qaadatay Chelsea.

  1. dhiijey yare Reply

    26-August-2012 at 2:32 pm

    chalsae waxba udhibmayso kamaq naashaha john tery waxaa jooga difaacyo aad ufiican sida a cole devid luiz evanovic yaaqaban kara chalsae sanad kaan waan qaday goob guul taageeraha reer chaisae

  2. Shucayb canbuur Reply

    26-August-2012 at 12:57 pm

    Kkkkk terry hdii uu chelsea kamaqnaado iyo hdi kalapa waa iskumid mxaa yelay chelsea guusheeda kuma xirna john terry wxna joga difaacyo kakhatarsan sida A.cole david luiz evanovic iyo cahel terry waa difaac dagaal kipir iyo japisba garoomada la imaada chelsea wxy uwadatana waa intaas wna lagamaarmaa wna mahadsantihn dhamaantiin

  3. Siisey Reply

    23-August-2012 at 7:11 am

    Kooxada chelsea waa kooxa adag j.terry hadu fadisata chelsea mumadutinayso waxaya uu dutinwayasa drogba

  4. Young diirshe Reply

    22-August-2012 at 12:32 am

    Wlh ad ayan ugu farax sanahay kabtan terry cayaraha kobad e birima liga inu ciyaro wayo wa lafdhabarta koxda chelsea mana ahan ninlaga marmo runti

  5. Cumar guul wade ! Reply

    20-August-2012 at 11:39 pm

    Viva chelsea guuul insha alh !

  6. c/wali dibood Reply

    20-August-2012 at 1:08 pm

    waxan dhihikara waxa loosoceliyay terry waa xidigi yurub waxan dhihikara waa shumici premey leuga

  7. C/laahi. Buluuska Reply

    19-August-2012 at 5:57 am

    Haa asxabta chelsea wa gul noso hoyatay in terry racfan laga qato wayo terry lagama marmo wa halbolaha chelsea asaga iyo lanbard terry guuuuuuuuuuuuul chelsea premar leag anaka leh cid naga cikto malahan chelsea sefta gasha kalabaxday

  8. Cabdulaahi bashiir hulk Reply

    17-August-2012 at 12:39 pm

    Hulka wuu imaandoonaa marka vidic waxba kama qaadayo.

  9. Hulk Reply

    17-August-2012 at 12:34 pm

    J.terry wuu ka fiicanyahay daafacyaasha kale sobobtoo ah wuu kamas kax badan yahan wuxuuna ciyaaraa meelwalba marka kagawa iyo powell waxba kama qaadayaan sobobtoo ah messi ayaa waxkaqaadi waa yaayay ronaldo na man united ayuu wax uga qaadi waayey guuuuuuuuuuuuuuuul ay chelsea kufaraxdo.

  10. C/laahi. Buluuska Reply

    15-August-2012 at 8:45 am

    John terry waa halyega buluuska oo u qalmo difaaca caalanka

  11. jobra Reply

    14-August-2012 at 3:13 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk nin dableh ba soo laabtay priemer leagea xamaasad ma yeesheen hadaanu joogin welcome to starmford bridge daawasho wacan

  12. Marwo Reply

    14-August-2012 at 11:53 am

    Kusoo dhawaw mar labaad iyo guusha champion ee usoo socota chelsea viiiiva terry

  13. maxamad58 Reply

    14-August-2012 at 1:52 am

    asc dhamaan dad weynaha sharftale ee lasocota laaci.net waxaan qabaa fikirkayga kooxda sanadka seeftedu tagantahay ee fc chelsea inay hadana qaadidonto biri miliiga iyo champians

  14. Bilaal.cade Reply

    14-August-2012 at 12:32 am

    Asc all inta xiseysa barnamijka ciyaara way ku mahad sanyihin terry in lafasaxo waa sax wayo xamasad ayaa qaday ciyaariyahanka

  15. Bilaal.cade Reply

    14-August-2012 at 12:31 am

    Asc all inta xiseysa barnamijka ciyaara way ku mahad sanyihin terry in lafasaxo waa sax wayo xamasad ayaa qaday ciyaariyahanka

  16. Mazul sare Reply

    13-August-2012 at 9:25 pm

    So dhawow terry guul chelsea fc

  17. khaalid Reply

    13-August-2012 at 8:46 pm

    waa guul u soo hoyatey chelsea

  18. jacfar Reply

    13-August-2012 at 7:38 pm

    Chelsea guul

  19. Maxamed hadraawi Reply

    13-August-2012 at 7:35 pm

    Hadi an ahay tagero chelsea wan so dhawenena insha allaha

  20. Abdi zacky Reply

    13-August-2012 at 7:19 pm

    Chalsea iyo J.tery guul.

  21. FLASH BOY Reply

    13-August-2012 at 7:08 pm

    waaa arin Lagu Farxo racfaan Qadashada chelsea waana soo dhaweynayna viva uefa ayaa lenahay terry waa halyey ah lugaha ay ku dhaqaqdo chelsea viva blus and barca adn ac

  22. Yare Reply

    13-August-2012 at 7:06 pm

    Warkaasaa imaraaya

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>