
Zlatan Ibrahimovic ayaa labo gool dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee Ligue 1 isagoo ku caawiyay kooxda lacagta badan ku firdhisay suuqa kala iibsiga ee Paris Saint-Germain oo labo gool oo looga horumaray uu ka dhigay 2-2 ciyaar ay Lorient marti ku aheyd guriga PSG ee kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka Faransiiska.
PSG, oo la ciirciireysa saxiixyo cusub oo ay ka mid yihiin Ibrahimovic iyo Ezequiel Lavezzi ayaa la filayay inay si la yaqaano u qaadi doonaan horyaalka ciyaareedkaan, lakiin waxa ay ku bilowdeen si shaki uu ku jiro ka dib markii daafacooda Maxwell uu shabaqa kubad iska geliyay ciyaarta oo socota 5 daqiiqo.
Lorient oo lagu tiriyo kooxaha iska tabarta yar ayaa ka yaabsatay taageerayaashii soo xaadiray Parc des Princes oo rumeysan waayay waxa ay arkayeen markii Jeremy Aliadiere uu kubad la dhaafay dhamaan daafaca PSG ka dib markii uu dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta.
Ciyaaryahankii hore AC Milan Ibrahimovic ayaa hal gool soo celiyay bartamihii qeybtii labaad, goolkaasoo ahaa mid quwan iyo farsamo leh, waxaana uu ka dib ugu barbareeyay PSG gool rigoore ahaa oo uu dhaliyay qeybihii danbe, iyadoo casaan laga qaatay kooxda Lorient.
Kooxda horyaalkaan difaacaneysa Montpellier ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Toulouse kulankoodii ugu horeeyay horyaalka maalintii jimcaha, halka Girondins Bordeaux ay 3-2 ku tumeen kooxda Evian.
Binusirad
12-August-2012 at 12:29 pm
Ninkan wanin an cadi ahayn
caaqil114
12-August-2012 at 9:58 am
war kuwaan PSG hadeey san qaadin horyaalka kaalinta 2aad ka fiiri.. iyada iyo lyon koobka u adaa midkood..
C/kariin cali axmed c/kariin raamos
12-August-2012 at 9:26 am
Marka hore a s c dhamaan inta jecel lacib.net hadii aansadaaliyo kulanka cawa chelsea iyo mancher city waxa badintodonto chelsea iyodoo kubadindoonto 4;2 eykalahelidonto f.torqe iden hard remeres iyo terry
KHAdeR KEYOW
12-August-2012 at 9:11 am
ibra cadi mahn
moha-Abraham. Arsenal Boy
12-August-2012 at 9:09 am
Kakakakakakakakakakakkakakaka
PSG lacag ayay Rabaan inay cup ku Gataan sida Man city & chelsea..
Looooooolz
Meesha Qibrad Aa la’ Rabaa dheh
Ha’ idin ku taagnaato
Maweel Roma
12-August-2012 at 8:59 am
Hampalyo IBRO
Waxad Tahay Halyeey Kubad Hormar Leh Ayn Ku Rjeynaa Viva
Z IBRO 18