Weeraryahanada Real Madrid Benzema Iyo Higuain Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid PSG. | Laacib.net
Home » Horyaalada » France » Weeraryahanada Real Madrid Benzema Iyo Higuain Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid PSG.

Weeraryahanada Real Madrid Benzema Iyo Higuain Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid PSG.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 12-08-12 4:34 PM

Gonzalo Higuain iyo Karim Benzema ayaa noqday ciyaaryahanadii ugu danbeeyay ee Real Madrid ee iska diida inay u dhaqaaqaan Paris Saint-Germain ka dib markii ay u soo dhawaatay kooxda Faransiiska.

Weeraryahnada ayaa lagu soo waramayaa inay diideen dalabyo qaali ahaa, waxaana ka doorbideen inay koobab kula guuleystaan Real Madrid.

Sheekha iska leh PSG Sheikh Al-Khelaïfi ayaa qarashgareeyay 250 milyan Euro intii uu iibsaday PSG. riyadiisa waa inuu kooxda Faransiiska ah ka dhigo mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub, waxaana uu hore u la soo wareegay Javier Pastore, Ezequiel Lavezzi iyo Zlatan Ibrahimovic ciyaartoy kale oo lacago qaali ah ku yimid.

Si kastaba, sida laga soo xigtay Marca, ninka reer Qatar ayaa ku guuldareystay inuu la soo saxiixdo Karim Benzema iyo Gonazlo Higuain, xitaa markii uu si toos ah u la hadlay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez.

Sida lagu soo waramyo dalabkaan aan hore loo shaacin ayaa la sheegayaa inuu ka badan intii ay Benzema kaga soo iibsatay Real Madrid kooxda Lyon.

Iyadoo kulankoodii ugu horeeyay ee PSG ay 2-2 la gashay Lorient xalay, Al-Khelaifi ayaa laga yaabaa inuusan weli ka soo dhamaan suuqa kala iibsiga.

13 Responses to Weeraryahanada Real Madrid Benzema Iyo Higuain Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid PSG.

  1. Nuur gawow Reply

    22-August-2012 at 10:27 am

    Aniga waxan ku faraxsanahay imatinka (van persi) waxana filaya in u waxa bdn ka badali dono man utd

  2. Yahya Reply

    16-August-2012 at 5:10 pm

    Asc dhaman
    Bbh

  3. Muhudiin Reply

    13-August-2012 at 4:19 pm

    Wa arin layab leh mana aqbale karno hadano nahnay tagerayasha real in an gadno labo ciyariyahan o qali ku ah agtina

  4. BABADINHO Reply

    13-August-2012 at 4:10 pm

    yaa real katagi karo oo koob ka cararaayo

  5. Mahmoud owen Reply

    13-August-2012 at 3:34 pm

    Kacabso lacibka c.Ronaldo wa lacib iska filan

  6. Saciid Bashi Reply

    12-August-2012 at 9:22 pm

    PSG waawalantihiin

  7. saciid bashi Reply

    12-August-2012 at 9:17 pm

    PSG weeriyoonoyane riyada hakabaxaan

  8. Suldaan cumar Reply

    12-August-2012 at 5:59 pm

    PSG HADI DHAB UGU BAHANTAHAY BENZEMA CIDna kama hor istagi karto dalabkeyda.balse macado dalabkowda inu sx yahay iyo in kale.Benzema wa keyni karta Psg.walibo waxa u ka garab ciyaara ibra

  9. darwiish yare Reply

    12-August-2012 at 5:57 pm

    runtii waxaan qabaa in lacibka higuen iyo karem bezema aanay jirin xaagagan mel ay uga baxaan santiago barnebu iyaga oo ku qanacsan joogitaanka garoonkaa iyo waliba iyaga oo badanaaba la qaybsada guulaha is daba jooga ah ee ay gaadhayso real madrid… thank u all real for ever

  10. Nuurb10 Reply

    12-August-2012 at 5:17 pm

    Waku farxsanahay diditanka benzima iyo sxbks ay iska diden germany

  11. Nuurb10 Reply

    12-August-2012 at 5:16 pm

    Waaku mahad sanyihiin diditanka ay diden viva penzima ronaldo ozil Dimaria xabi alonsa sergo ramos nuri sahin viva arsenal and r’madrid

  12. Axmednur Reply

    12-August-2012 at 4:49 pm

    Kkkkkkkkkk pSG waan ka xumahay

  13. Realmadrid Boy Reply

    12-August-2012 at 4:40 pm

    kkkkkkkkkk

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>