
Liverpool ayaa ku soo gabagabeysay ciyaaraheeda saaxiibtinimo ee xagaaga guul 3-1 ah oo ay ka gaareen Bayer Leverkusen, iyadoo uu Anfield ku soo laabtay tababaraha kooxda Bayer Leverkusen ahna halyeeygii hore Liverpool Sami Hyypia.
Ciyaaryahanka da’da yar ee 17 jirka ah Raheem Sterling ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool isla bilowgii ciyaarta ka hor inta uusan Lucas u labeynin ka hor dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta.
Bedelo badan oo ay sameeyeen labada kooxood qeybtii labaad oo uu ku jiro Andy Carroll kaasoo goolka seddexaad u dhaliyay Liverpool.
Lakiin kooxda Bundesliga ka socota ayaa ku danbeysay gooldhalinta ka dib markii Sidney Sam uu hal gool u soo celiyay, inkastoo natiijada aysan waxba ka bedelin.
Kooxda martida loo ahaa ee Liverpool ayaa afar bedel ku sameysay line-upkeedii Europa League ee ay ka badiyeen FC Gomel, iyadoo Glen Johnson, Danile Agger iyo Marti Skrtle la nasasiiyay waxaana bedelay Martin Kelly, Sebastian Coates iyo Jamie Carragher.
Fabio Borini ayaa isna lagu soo darin kooxdii ciyaarta saaxiibtinimo ciyaareysay inkastoo uu bartamihii todobaadkaan gool u dhaliyay Reds, halka ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee ku soo biira Joe Allen uusan ka qeyb qaadan madaama uu isku diyaarinayo kulanka saaxiibtinimo ee xulkiisa Wales.
Dhinaca kale, Sterling ayaa ahaa lama filaankii ugu weynaa ee line-upka Liverpool, iyadoo 17 jirkaan uu ku soo bilowday markii ugu horeysay ciyaar ay kooxda waa weyn ee Liverpool ay ku ciyaareyso Anfield.
Xiddigii hore ee Reds Hyypia, ayaa isna dhan kale la soo shir tagay line-up culus, iyadoo ciyaartoyda Jarmalka ee Stefan Kiessling iyo Lars Bender lagu soo bilaabay.
Mohamed
13-August-2012 at 1:42 pm
Liverpool wayso labatay nadi iska celin karana majiro snadkan wasanadkii guusha liverpol wan sidanaa
Garaad asad
13-August-2012 at 12:33 pm
Sanadkan koxda uu horkacayo anfil boy her sare ayay gareysaa kobab badana wey qadaysaa sida fa cup ka horyalkana kalin fican ayay ka galeysaa
Qaasim Il CapitaNo Totti
13-August-2012 at 11:50 am
Sanadkaan Waa sanadkii Reds Waa Sanadkii Aan ka Bixi Laheen Abaarta Cup La’aanta Viva Reds
Farhan aganje
13-August-2012 at 10:52 am
Asc ramdan karim nadiga red waxayna qadi cupka premiershipka ee gul wanagsa
Farhan aganje
13-August-2012 at 10:49 am
Asc ramdan karim nadiga red waa sanadkodi waxayna qadi cupka premiershipka ee gul wanagsa
Mahamed somali
13-August-2012 at 10:46 am
Asc liverpool sanadankan is the pest BY SOMKEY
Daud cerkuje
13-August-2012 at 8:58 am
Asc dhaman tageraysha liver sanadkan waa sanadke liver eyqaade lahed cub macalin shaqa wacan
maxamemd daahir oo ku mgc dher AAyarta
13-August-2012 at 7:58 am
asc dhaman tageraha sharfta le he liverpool waxan idin dhaaha ramadaan nul karin sanadkan waan sanad kii liverpool waxana urajeyna ine capha soo ado eyna qado yurub lige by by dhaman tageraha liverpool
ahmad suarez
13-August-2012 at 2:17 am
Reds o isbadashey ayan manta dawaday xaqiqdi nadiga ugu kubada qurxon premier league ayan dhihi karaa sisankaan
sudeysi ahmed awaale adde
13-August-2012 at 1:29 am
asc asxabta liverpol wanadiga adunka e uk
abdi aziz
12-August-2012 at 10:46 pm
asc ramadaan wanagsan reds welcome back
Magaceyga waa salmaan niiniilef7
12-August-2012 at 10:45 pm
Kooxda liverpool wa nadiga calamka ugu isbiridka badan lkn sanadkan guusha iyadaaleh ok
Maxmed xashi
12-August-2012 at 10:21 pm
Asc waw liverpool waa naadi wacan sanadkaan iyada ayaa iska leh kubka
Abdifataah villa
12-August-2012 at 10:08 pm
Asc dhaman bahda laacib.net slan kdib rahem sterling wa laacib da yar wana ku faraxsanahay gool ka u dhaliyay sanadkan wa sanadkena tageraha liverpool salan qaas ah mel walba o aad joogtan
japaan
12-August-2012 at 9:36 pm
Viva new messi raheem isterling waa xidig mustaqbal ifaayo leh farsamadiisa heer sare tahay viva liverpool
Lucas
12-August-2012 at 9:06 pm
Raheem starleng. Waa ciyaaryahan aan caadi eheyn neymar wuu ka laacibsanyahay mustaqbalka waana la arki doonaa
Abdi kani
12-August-2012 at 8:53 pm
Asc aqyarey ramadan karim lucas solabashadisa wa mid ay hormar u ah liverpool
abas cirit
12-August-2012 at 8:50 pm
surez lucas ageer captain g and other we will the all cups
Mahad napoli
12-August-2012 at 8:27 pm
Raheem stearlig waa ciyaaryahanka mustaqbalka ee liverpool