
Ramadan Kariim akhristayaasheena qiimaha leh meel kasta oo aad joogtaan, waa mar kale iyo barnaamijkii xiisaha lahaa ee Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Barnaamijkan waxaan idinkugu soo gudbinaa wararka xanta ah ee wargeysyada qaarada yurub ay ka qoraan maalin walba suuqa kala iibsiga marka laga reebo maalinta jimcaha.
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
ENGLAND:
Kooxda Manchester City ayaa diiday dalab 40 milyan ginni ah oo kaga yimid Paris Saint-Germain oo ku aadan Mario Balotelli ka dib markii uu tababare Roberto Mancini ku hanjabay inuu iscasilayo. Tababaraha PSG Carlo Ancelotti ayaa Balotelli ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu sareysa ee diirada u saaran waxaana uu kalsooni ku qabay inuu weeraryahanka u soo jiido France. Lakiin dalabkaas aadka u weyn ayaa la diiday markii uu Mancini u sheegay madaxda City inuu isaga dhaqaaqi doono kooxda heysata Premier League hadii ninka kale ee reer Talyaani loo ogolaado inuu kooxda ka tago.(Daily Star)
Isfaham la’aanta ka dhaxeysa Mancini iyo madaxda kale ee kooxda ayaa keeneysa jahwareer kale oo ka socda Manchester City, ka dib markii tababaraha uu ku eedeeyay Brain Marwood oo ah agaasimaha Isboortiga inuu ugu wacan yahay dhaqdhaqaaq la’aanta ka jirta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. (The Guardian)
Ciyaaryahan Robin van Persie ayaa qarka u saaran inuu Arsenal u ciyaaro kulan saaxiibtinimo maalinta axada iyadoo wada xajoodkii Man United ay istaagtay. (Daily Mirror)
Liverpool ayaa ka fekereysa nolal ka danbeysa Daniel Agger, waxaana ay gabaad ugu jiraan daafaca kooxda Atletico Madrid Diego Godin. (Metro)
Juventus ayaa dalab 14 milyan ginni ay ku dalbatay ciyaaryahanka diirada u saaran Manchester City iyo Tottenham Fernando Llorente laga soo diiray. (talkSPORT)
Manchester City ayaa indhaha ku heysa inay la soo wareegto daafaca bidix ee South Korea Yun-Suk-Young. (talkSPORT)
Ciyaaryahan Victor Moses ayaa ku sii jeeda kooxda Chelsea isagoo heshiis 9 milyan ginni ah uga soo dhaqaaqaya Wigan ka dib markii gudoomiyaha Wigan Dave Whelan uu ugu danbeyn ogolaaday inuu baxo wadahadalo socda isbuucaan. (Daily Mirror)
Andre Villas-Boas ayaa u sheegay Luka Modric inuu madaxiisa ka saaro xaqiiqda ah in la iibin doono ilaa iyo inta koox kale ay miiska soo saareyso lacagta ay rabto Tottenham. Villas-Boas ayaa uga digay 26 jirkaan inuu diyaar u noqdo inuu aqbalo in laga yaabo inuu kooxda sii jooo, waxaana uu ugu baaqay inuu diyaar u noqdo sidaas. (Independent)
Brendan Rodgers ayaa ayaa la yaab ay ku noqotay lacagta ay saxaafada ku sheegeyso inuu ku qarashgareeyay suuqa kala iibsiga tan iyo intii uu kooxda yimid. Rodgers ayaa kula soo wareegay Allan ka dib markii ay bixiyeen 15ka milyan ginni ee lagu burburin karay qandaraaskiisa. Rodgers ayaana doonaya inuu sii wado ka soo adeegitaankiisa suuqa kala iibsiga waxaana uu xiiseynayaan Clint Dempsey iyo Nuri Sahin. (Daily Mail)
Queens Park Rangers ayaa fasax u siisay weeraryahankooda DJ Campbell inuu la hadlo kooxda Blackpool si uu dib ugu laabto Bloomfield Road. (The Times)
Joey Barton ayaa qarka u saaran inuu heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah ugu biiro kooxda Blackpool. (Daily Mirror)
Sunderland ayaa qiimeyneysa xaalada Jerman Defoe ee kooxda Tottenham. (Daily Mail)
ITALY:
Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa sheegay inuu dalabyo ka yimid Italy iyo France oo ku aadan xiddiga reer Italy Maria Balotelli uu ka diiday. (Football Italia)
Kooxda AS Roma ayaa lagu soo waramayaa inay ku dalbatay 12 milyan euro daafaca kooxda San Paolo Rhodolfo ka dib markii ay iska fasaxeen Gabriel Heinze. (Corriere dello Sport)
Agaasimaha kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa xaqiiyay in Antonio Conte uu sii ahaan doono macalinka kooxda, inkastoo laga mamnuucay ciyaaraha muddo 10 bilood ah. (Gazzetta dello Sport)
Kooxda Juventus oo weli suuqa ugu jirat inay soo xerogeliso weeraryahan weyn oo ay kula shirtagaan Champions League ayaa rajo fiican ka qabta inay soo xerogeliyaan Fernando Llorente kaasoo diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxdiisa Athletic Bilabo. (Tuttosport)
Kooxda Ingariiska ee Chelsea ayaa lagu soo wamarayaa inay u calaamadeysatay daafaca kooxda Juventus Stephan Lichtsteiner mid ka mid ah ciyaaryahanada diirada u saaran xagaagan. (Football Italia)
Ciyaaryahanka laga nacay kooxda Real Madrid Drenthe ayaa ku sii wajahan Serie A waxaana xiiseyneysa kooxda haatan u soo kacday Serie A ee Torino. (Tuttosport)
SPAIN:
Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo kula jirta weeraryahanka Argentina Gonzalo Higuain oo ku aadan heshiis cusub, iyagoo doonaya inuu saxiixo heshiis ku sii heynaya Santiago Bernabeu ilaa 2018. (AS)
Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay saxiixyadeeda muhimka ah sameyso ilaa iyo maalinta ugu danbeysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ah maalinta 31ka August, waxana u qorsheysan inay maalintaas oo xerogeliyaan xiddiga Tottenham Luka Modric. (Marca)
Ciyaaryahanka reer Holland Joris Mathijsen ayaa in badan sii aheyd ciyaaryahan Malaga ah ka dib markii uu heshiis la gaaray kooxda dalkiisa ee Feyenoord. (Marca)
Osman
14-August-2012 at 2:19 am
We are 2013 champions insha-alah
Maxamed
13-August-2012 at 1:27 am
Vpersi aadban ubahanahay isaga hadu ino yimado anaga champion ah shaki la’aan
Aden kani
12-August-2012 at 10:59 pm
Man utd is the best team in the world
Gaas
12-August-2012 at 4:44 pm
Vpr hatago meesha uu ku qanac san yahay wuu is mahdiyay
Maxamad cali
12-August-2012 at 2:00 pm
Mudrij aad ayaan ugu baa hanahay.
A~rashid
12-August-2012 at 12:33 pm
Viva arsenal soqa manuraya manta
Abshir abdi adan
12-August-2012 at 11:42 am
Maadaama aan tageero kooxda Man united wxn kula talin laha oo aan jeclaan laha iney nosoo iibiso ciyaartoy nooga ciyaaro qadka dhaxe
Shafici
12-August-2012 at 9:53 am
Vpr hadu ka tago arsenal uma dhutineso wayo waxa jogo weriyahano badan sida groud podilisky marka arsenal vpr wey kama marmata hadi la gadaya juva aya leh viva arsenal
Daabo
12-August-2012 at 8:53 am
Waxaan aad ugu farax sanahay sida wngsn ee liverpool suuqa ugu jiro sanadkan wax naga xiga malaha horyaalka waxaan dhihilaha taagera yaash man. Iyo arsinal. Chelsea waxba umahaayo sxb yaa sheyda ka ah suufi iyo salee iyo nuur waxaan adin dhihi lahaa sanadkan by by kacabsada liverpool iyo xidigeheyda by
Aguero
12-August-2012 at 7:10 am
Reer man united maxasuusatiin why alweys me kkkk home &away waa lagu dubtay kk viva city
Abuukar sholi
12-August-2012 at 6:55 am
Nuri sahin hadu arsenal yimada waxa macqul ah iney arsenal ku guleysato chambion leaga insha alah
Nasir nastro
12-August-2012 at 1:31 am
united maa umaleysaa mesha oo team shiid eh oo lacag ka fikireeso city boletolli lacag kuma doorsanryso mario boletolli why always me goalko united ka dhalshay last season ilaa hada xasuusta viva city haha
oyaaa
12-August-2012 at 1:28 am
Suuuuqa wax ljiro maaaaaaahan manta viiiivaaa man unatit
A/risaq
11-August-2012 at 11:04 pm
Viva chelsea
Welcott
11-August-2012 at 10:25 pm
Abdi adan farah
Jad
11-August-2012 at 7:54 pm
Haday hesho vpr waxay kuguu laysanaysaa koobka horyaalka ingiriiska
Mahamud
11-August-2012 at 6:26 pm
Rvp man united ayu imana next week ciil halodhinto
Maxamed rooble cali
11-August-2012 at 7:13 pm
Maxamuud saas ha dhihin vpr wax oo nagala maqanyahay malahan ileen laacibiin naguma yara laacibin badan hade meel iskugo tagtane wa qasaro marka waxa dhaheyna hadow yimado wa kheer hadoona imanina koobka wa laqadaya muran la aan
lafoole
11-August-2012 at 6:06 pm
kkkkkkkkkkkkk waxaa la yab ah mancini in uu ku han jabo waan is casilayaa is casil dheh markiisa hore taba bare wanagsan ma eheen mario Balotelli halagado ayan qabaa sawabtoo ah lacag aad u badan ba lagaray lacagtaas ayaa ka faido wanagsan Balotelli
iidle
11-August-2012 at 5:37 pm
Ha ku daagnato kooxda manchestar utd ma heleyso in ey riyo ku arto Robin van persie wali gey ey sa arkin waxa u ku sidan beydonaa Fly Emerates stup ok by dhaman laacib.net
Maxamed rooble cali
11-August-2012 at 7:16 pm
Iidle sxbnaa marka hore rali ahaaw vpr anaga wax oo nagala maqanyahay malahan ee adaa moodo horay wan u soo sheegnay adiga ama vpr celi ama so daay koobkan yaa leh man u maka celi karta ayaa lataganyahay
abdalla h keynan
11-August-2012 at 8:04 pm
aqyarta hadan helno rvp aqyarta wax naga horistagayo horyalk majero
cabdiraxmaan gallan
11-August-2012 at 5:21 pm
victor mosses welcome to chelsea world club
Abdiweli
11-August-2012 at 5:41 pm
Aniga waxaan dihi laha ciyarta biri chelsea iyo manchester city inay kuguleysaneyso koxda man city
Iiley chamakh
11-August-2012 at 4:53 pm
Kkkk viva arsenal
Cali baashi
11-August-2012 at 4:47 pm
Waxan kufarax sanahay sida ay suuqa kala iibsiga ugu jirto we will be hppy if we are suporter,s of chelsea viva cavani
caaqil114
11-August-2012 at 4:19 pm
maanta suuqa barca ayaa ka maqan.. hadana barca maba u baahna ciyaartooy weeyba ka bateen.. liverpool sidaas haku sii wadaan ha keenaan nuri sahin iyo dempsey.. viv suarez gerrard and borini..
Mohamed sive
11-August-2012 at 3:42 pm
Rvp aniga oo tagera man city rvp waxaanku latalin lahaa in uu iskajoogo landon iyo arsenal tefakale waxaan umahad celinayaa xidiga reer purgal cristiyano ronaldo7 kadib markii u ugu deeqo carurta somaliya 30 miyan waadku mahadsantahay ronaldo
Mabruuk
11-August-2012 at 3:08 pm
rebort manici haduu ufirsanlaha kalmadihii afkiisa ka so baxaye sigaba isla yabilaha
M.imey
11-August-2012 at 3:05 pm
Super mario la’antii man.city majirayso sxbkay cali gadhgadh rvp wuu idin nagaan doona
Cabdishakuur
11-August-2012 at 2:59 pm
Waxa aan aad ugu faraxsanahay tababaraha cusub waxa uu doonayo taasoo kuaadan dampsey
Cheiga
11-August-2012 at 2:58 pm
Rvp demalaha waaba uu iska joogi sidaan filaaayo waayo maba arkaynaba wax dhaqdhaqaaq ah
kayse
11-August-2012 at 2:58 pm
Suuqu xamaasad malaha maanta waayo waxa maqan
MAN U & BARCE
Nuurb10
11-August-2012 at 2:49 pm
Laguma dhara karo van persie lkn wajogaa sidey ilataha ani joog ayan ku leyahay sxb henry wa kula taliya wana imana sanadkan kadib koxda madama duq ow noqday ciyalka ayu wax bara labado sanana wa cayari karya kama duqsana gigs iyo v’lmbrd
Ladan
11-August-2012 at 2:41 pm
Maanta suuqa ma nuuuuuraaaaayo
Maxamed rooble cali
11-August-2012 at 7:10 pm
Ladan adiga man cty hadey suuqa ka maqantahay mawaxad mooda in oo suqa nuureynin iska imaaw man u
maska
11-August-2012 at 2:40 pm
suuqa waa berhayahan chelsea way ka baxday waxaan rajaynayaa inay kusoo noqoto reer chelsea dhamaantood waxay sugayaan warka ah inuu yimaado hulk iyo cavani
hassan
11-August-2012 at 2:38 pm
Moses walcome to Chelsea<3
Yahye
11-August-2012 at 2:34 pm
News ka hadii fcbarca ku jirin nur maleh
zubeyr
11-August-2012 at 2:34 pm
manta suqu wax jira mahan sababto man u ugama jedo vivi man utd
abdalag
11-August-2012 at 2:34 pm
welcome suni sahim ayaan leenahay waa naadi weyn wax badana waad noo keeni karata hadaa kusoo biirto
Kaskey
11-August-2012 at 2:27 pm
Mantay suuqa kala iibsiga nuur malahan
Cecska
11-August-2012 at 2:26 pm
Viva arsenal
ÖMÄR MÔHÅMËD (õmàr òzíl)
11-August-2012 at 2:26 pm
Suqa kala ibsigga xiso maleh aqayarey
Yaaaaaaaaaaabka
11-August-2012 at 2:25 pm
RVp halaga quusto hee rer man u ha idinku tagnato