
Juventus ayaa ku guuleysatay koobka Supercopa Italiana ka dib markii ay 4-2 kaga badiyeen 9 ciyaaryahan oo Napoli ah ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday Bird Nest Stadium ee magaalada Beijing.
Napoli ayay aheyd kooxdii hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 27aad ee ciyaarta markii Cavani uu kubad firaaqo ah ku helay Buffon, islamarkaana uu shabaqa ku hubsaday kubada.
10 daqiiqo ka dib waxaa goolka Cavani ka jawaabay Asamoah oo ay u aheyd kulankiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah ee uu u safto kooxda Juventus tan iyo intii uu kaga soo biiray xagaagan kooxda Udinese.
Inta aysan dhamaan qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Napoli ay mar kale hogaanka qabatay ka dib markii Pandev uu kubad qurux badan ka dul qaaday Buffon daqiiqadii 41aad ee ciyaarta, waxaana qeybtii hore lagu nastay 2-1 oo ay ku hogaamineysay Napoli.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaysan si degdeg ah waxba isku bedelin ilaa iyo daqiiqadii 71aad markaasoo rigoore ay heleen Juventus, waxaana rigooradaas gool u sarifay Vidal.
Lakiin Napoli ayaa niyadjabkeeda uu halkaas ka bilowday waxaana labo casaan ah ka qaatay Pandev oo loo maleynayo inuu aflagaadeeyay calanwadaha iyo Zuniga oo labo jaale ku qaatay labo qalad uu kala galay.
Waxaa sidoo kale taribuunka la saaray tababaraha kooxda Napoli, waxaana ay ciyaarta 90kii daqiiqo ku dhamaatay barbaro 2-2 ah waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah.
30kii daqiiqo ee dheeriga ah oo ay Napoli ku ciyaareysay 9 ciyaaryahan ayayna Juventus ka faa”ideysatay, iyadoo Maggio uu gool iska dhaliyay ka dib laad xor ah oo uu soo tuuray Andrea Pirlo.
Waxaana ciyaarta hurdo u sii diray Vucinic oo baas ku taabo ah ka helay Marchisio kaasoo shabaqa isna dhex dhigay.
Juventus ayaa markii shanaad ku guuleystay koobka Supercoppa, iyadoo xilli ciyaareedkii horena ku guuleysatay markii ugu horeysay horyaalka Serie A tan iyo fadeexadii Calciopoli.
Juventus oo uu ka maqan yahay tababaraheeda Antonio Conte kaasoo ciyaaraha laga mamnuucay muddo 10 bilood ah ka dib fadeexadii sharadka, waxaana kursiga keydka ka bedelay Massimo Carrera oo caawiyihiisa ah, kaasoo Juve qabtay kulankoodii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah.
Nur,cirmar
14-August-2012 at 11:31 am
Aadban ugu faraxsanahay guusha juve aykagartay napoli waxan ku xisabtamaynaa koxda iyo owoda ay kutagantahay
Cabdi caziz hasan osman
13-August-2012 at 2:20 pm
Viva juve. júvé gul ayan ku rajeyna ka dhabey an leyahy cheilini inu lugtisa kuxiro barca
xudeyfa syl
12-August-2012 at 9:03 am
wa bilowga cup sanadkan juvnts waxna kuxiga horyalka and champion league viva juvnts
Cali dhoof
11-August-2012 at 8:55 pm
Asc all asxaabta juve iyo waliba laacib.net run ahanti naadigan facaween awoodiisa sanadaan waaloojedaa mana ahan wax la inkirikaro napoli waan iuqubeenay milan iyo inter ayagana waxaan leeyahay taageera kanoqda seria A da sxb yaal macalinkan sii hendona shaqada macalin conti waa laacib hore oo juve ah wuuna yaqaan qabka juve viva marwada duqda ah
cade
11-August-2012 at 8:48 pm
waad salaamantihiin dhamaan bahda laacib.net dabadeedna waxaan u hambalyeeynaa taageeraha juvee iyo ciyaaryahan vichunic
Islaaw socdaal
11-August-2012 at 7:54 pm
Hayaay macalinka cusub ee juventus ninkii yaqaana yaqaan waa daafacii birta ahaa ee juve iyo xulka faca weyn ee italy massimo Carrera shalay waxaan ku barnay conte maantana waa libaxii hore ee juve intaa kadib waxaan gaarnay guul weyn forza juve
axmed varmalien
11-August-2012 at 7:41 pm
asc biancaneri walaga yaaban yahay coach la.aan aye badisay viva juventus and pirlo
kayse
11-August-2012 at 6:57 pm
War aamusa juve layne NAPOLI waxa ujabiyay refree ga iyo maggio way idinka awood wayn yihin 2 casaan iyagoo qaatay. Kkk
Canbe
11-August-2012 at 6:47 pm
Fifa juve sanadkan wa sanadkedi halagalexdo
Najib
11-August-2012 at 6:36 pm
Cedi ma ah wan qabana napoli wayihi juve aya bilow day an bitin kuqaden na sanad kahor yal ka
mataan
11-August-2012 at 6:09 pm
juve caadi maahan. walee waraa kadhicidoona chapionka sanadkaan
Abukar
11-August-2012 at 6:07 pm
Juv sanadkan waa laga cabsi qabaa.waxay u egtahay in mar labaad ay qaadi doonto seria Aka iyo championka.
c.x.h
11-August-2012 at 6:06 pm
JUVE sanadahaan dambe ayada ayaa iska leh horiyalka champion-ka rajo fcan ayaan ka lenahaya viva vidal
Mustaf canjex
11-August-2012 at 6:03 pm
Asc aqyrta juventun waa tean an cadi ahay
daawga
11-August-2012 at 6:00 pm
Juve viva horyaalkan ku daray iyo champka waxaas wa howla hiinee