
Tababaraha xulka Italy ayaa ka soo tagay ciyaartoyda Juventus iyo Napoli madaama ay maanta ciyaarayaan koobka Supercoppa Italiana, waxaana uu xulkiisa ku soo daray 8 ciyaaryahan oo aan weli Italy u safan, ciyaarta saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan England.
Weeraryahanka AC Milan Stephan El Shaarawy ayaa ka mid ah kuwa la siiyay fursad ay ku ciyaaraan kulankoodii ugu horeeyay ee Italy ciyaarta ka dhaceysa 15ka bishaan caasimada Switzerland ee Berne. Iyo sidoo kale daafacyada Milan Mattia De Sciglio iyo Francesco Acerbi.
Atlanta ayaa iyadana seddex ciyaaryahan oo cusub ku leh xulka weeraryahan Manolo Gabbiadini, daafac Federico Peluso iyo goolhaye Andrea Consigli.
Ciyaartoyda kale ee aan weli xulka u safan waxaa ka mid ah goolhayaha Genoa Mattia Perin iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sampdoria Andrea Poli.
Kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus iyo kooxda ku guuleysatay Coppa Italia ee Napoli ayaa maanta ku kulmaya koobka Super Cup ee ka dhacaya Beijing, taasoo ka dhigeysa mid adag in ciyaartoydooda ay ka qeyb qaayaan kulanka arbacada.
Italy iyo England ayaa labo bilood ka hor ku kulmay wareega 8da ee Euro 2012, halkaasoo ay xulka Azzurri ku badiyeen rigoorayaal ka dib barbaro goolal la’aan ah oo ay iska dhaafi waayeen. Italy ayaa gaartay finalka koobkaas, lakiin waxaa 4-0 kaga qaaday Spain.
Xulka Italy ee arbacada ka hortagaya England:
Goolhaye: Andrea Consigli (Atalanta), Mattia Perin (Pescara), Salvatore Sirigu (Paris Saint Germain)
Daafac: Ignazio Abate (AC Milan), Francesco Acerbi (AC Milan), Davide Astori (Cagliari), Federico Balzaretti (AS Roma), Mattia De Sciglio (AC Milan), Daniele Gastaldello (Sampdoria), Angelo Ogbonna (Torino), Federico Peluso (Atalanta)
Khad Dhexe: Alberto Aquilani (Fiorentina), Daniele De Rossi (AS Roma), Alessandro Diamanti (Bologna), Antonio Nocerino (AC Milan), Andrea Poli (Sampdoria), Ezequiel Schelotto (Atalanta), Marco Verratti (Paris Saint Germain)
Weerar: Mario Balotelli (Manchester City), Mattia Destro (AS Roma), Stephan El Shaarawy (AC Milan), Manolo Gabbiadini (Atalanta).
shiine hasan
11-August-2012 at 3:04 pm
run ahanti markad maqashid itali ayaa la cayaresa england waxaad daremesa in ey jirto in ey ciil gosto englan balse arinta sida ey filayan manoqoneso waayo italiya waa wadan qibrad qaas kawato yurubta kale england ma maqli karto italy waa hogamiyaha yurub .cayarta arbacada waxena ku dhamandonta 3-0 waxan badin donta italy baloteli .destro iyo al sharawi ayaa ka dhalindonan
Jiji milanist
11-August-2012 at 1:42 pm
Forza azzuri.
Zaki
11-August-2012 at 1:08 pm
Doqoni dibir kama daasho iglana azuura kama harto ee maxa samenaa heeee hadeey saan u indha adag yihiin tageraha igla lkn waaa iska tumenaaa hadana kkkkkkkk xavi iyo fardinal iyo ramos biqwe owen maxee dhahee kulankii ero 2012 ala birlaaa kuma lahooo
Fabio borini
11-August-2012 at 12:36 pm
England wey badin donta wayo waxey qabta cilki uero ga mar italy waxbo mesha uma yalo.
lacib.net polski carzola ARTETA BENZEMA hiGUwain ozil kaka vemelen wilsher SONG 'olivr giroud harunyare
11-August-2012 at 12:14 pm
asc all and lacib.net england guuuul
Muqtaar
11-August-2012 at 11:54 am
Waa laga adkaanaa ingland waxaa laaga badinayaa 2 gool iyo waxba
Mohamed mohamud
11-August-2012 at 11:41 am
Waxaa badinaya ciyartas 3lions azuri waa laga aarsanayaa
Lucas
11-August-2012 at 11:01 am
Aaway fabio borini philipo inzachi ga cusub
azuura
11-August-2012 at 10:31 am
Kkkk war egland iska dhiiba sadaxda dhibcood aa ciyaartas azuura iskama celinkartaan