
Daafacii hore ee kooxda Siena Emanuele Pesoli ayaa silsilad iskula xirey albaabka xarunta FIGC ee magaalada Rome isagoo sheegay in uu cuntada ka soomayo kadib markii lagu ganaaxay fadeexada sharadka .
Ciyaaryahankan ayaa la ganaaxay saddex sano fadeexad ku saabsan sharad si aan sharci ahayn loo dhigey waxaana lagu dhowaaqay go’aanka lagu ganaaxay Jimcihii.
Maanta ayuu bilaabay Pesoli cabasho uu ku diidan yahay go’aanka laga gaaray waxaana uu dalbaday in si toos ah uu u hor yimaado dadka eedeeyey ee kala ah Filippo Carobbio iyo Carlo Gervasoni.
Pesoli ayaa isku xirey albaabka la galo xarunta xiriirka kubbada cagta Talyaaniga ee Rome waxana uu saxaafada u sheegay in uu bilaabay in uu cuntada ka soomo.
Ganaaxa ciyaaryahankan ayaa waxa ay qeyb ka tahay cadeymo sidoo kale loogaga ganaaxay ciyaaraha tababaraha Juventus Antonio Conte muddo toban bilood ah iyo kaaliyihiisa Angelo Alessio oo siddeed bilood isna la ganaaxay.
Dadkan la eedeeyey ayaa waxaa ay qaadan karaan racfaan bisha August labaatankeeda.
21 July ee sanadkan ayaa Pesoli waxa uu u saxiixay heshiis kooxda Verona ee ka dhisan dalka Talyaaniga.
Ahmed wali
11-August-2012 at 4:14 pm
Inu dhinto ayaan jeclaan lahaa galkan
Najib
11-August-2012 at 4:05 pm
Waxa laga yaba in loqafif sho hadi usan kusijoro waxan urajey ana cafis by
shiine hasan
11-August-2012 at 3:45 pm
tababaraha juventus conte aya mudan ganaaxan 3da sano ah
gulshan cade
11-August-2012 at 3:32 pm
Qoladaan runta isku sheegin kala qabta u dambeeyso gudiga anshaxa italia wa qaldan yahiin kumanaa egan doona mar walbo waxan u taganahay xaquuqda ciyaartoyda guud marka ma filaayo in an ku kala dhamaan doona sida tan waxaan bulshada ama bahda sportska u cuntamine ma garwaaqsan doona ileen waxan matalna wa bulsha weynta sportga tageerto mel walbo hajoogan waxaano kalane wa shaqadeena wuuuuuuuuuuuuuw
van sakariye
11-August-2012 at 3:30 pm
kkkkkk asey u taala nabbeee
gulshan cade
11-August-2012 at 3:25 pm
Ma filaayo in ganaaxay suurto gali doona sababto ah hilikilyo court aya racfaanka lagu qaadaya sanadkan gudahiisa marka inta ka xumaatay ganaax ceenkan ah ha isdajiyaan anaga waxaas shaqadeena tahay oo kala tuureyno meel fagaaro ah