
Galatasaray ayaa ku dhawaaqday in Felipe Melo uu mar kale amaah hal xilli ciyaareed ah kaga soo biiray Juventus, iyadoo heysata fursad ay si joogta ah u iibsan karto dhamaadka xilli ciyaareedka.
Kooxda heysata horyaalka Turkiga ayaa siisay kooxda ka dhisan Turin 1.75 milan euro oo ay amaah uga qaateen ciyaaryahanka reer Brazil xilli ciyaareedka soo socda, waxaana ay bixin doonaan lacag kale oo dheeri ah oo gaareysa 6.5 milyan euro hadii ay go’aansadaan inay si joogta ah u la wareegaan ka dib heshiiskiisa amaahda.
Gala ayaa sidoo kale ku xaqiijisay website-keeda in Melo uu qaadan doono sannadkii mushahar gaaraya 2.9 milyan euro iyo lacag dheeri ah oo uu ciyaar kasta qaadanayo 25 kun euro.
29 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore sidoo kale amaah ugu ciyaaray kooxda ka dhisan Istanbul, kuwaasoo doonayay inay si joogta ah kula wareegaan ciyaaryahanka xagaagan.
Si kastaba, waxa ay ku qaateen mar kale amaah ka dib markii ay diideen inay bixiyaan lacagtii ay Juve weydiisatay markii ay doonayeen inay wada iibsadaan.
Munassar
10-August-2012 at 3:32 pm
lana noqo luqadas sxb
gala boy
10-August-2012 at 2:57 pm
felipe welcome again to turk telekom arena gala waa gala viva muslera,burak yilmaz, ambarabat, hamit altintop, ebua, elmader and selcuk inan the lions of istanbul