Falanqeynta Kulanka Xiisaha Ah Ee Juventus Iyo Napoli Ee Koobka Supercoppa Italiana. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Falanqeynta Kulanka Xiisaha Ah Ee Juventus Iyo Napoli Ee Koobka Supercoppa Italiana.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Ah Ee Juventus Iyo Napoli Ee Koobka Supercoppa Italiana.

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 10-08-12 5:46 PM

Juventus ayaa waxaa suurtogal ah in 11ciyaaryahan oo xoog leh ay la shir tegi doonaan kulanka ka dhici doona Beijing halkaa oo ay kula ciyaari doonaan kooxda Napoli koobka Supercoppa 2012-13.

Isbedelo dhowr ayaa laga yaabaa in ay ku samayso Juventus kooxdeedii la ciyaartay kulankii tijaabada ahaa ee Malaga Luca Marrone, Simone Padoin, Kwadwo Asamoah iyo Sebastian Giovinco ayaa dhici karta in lagu bedelo Andrea Barzagli, Giorgio Chiellini, Paolo De Ceglie iyo Mirko Vucinic.

Kadib markii ay kooxda Juventus ay ku soo baxday tababarayaasheeda fadeexada Scommessopoli ayaa nasiib wanaag ciyaaryahanadeeda Simpne Pepe iyo Leonardo Bonucci ay ka badbaadeen waxayna ciyaari karaan kulankan. Markii hore ayaa labadan ciyaaryahan waxaa la sheegayay in laga yaabo in ganaax ay muteystaan.

Si kasta ha ahaatee Antonio Conte toban bilood loogaga mamnuucay ciyaaraha isaga iyo kaaliyihiisa Angelo Alessio iyo ka tegitaanka tababare Cristian Stellini ayaa ka dhigeysa hubaal la’aan cidda hogaamin doonta kooxda Juventus kulanka Shiinaha ka dhacaya.

Kooxda Napoli ayaa la filayaa in ay isbedelo badan ay samayso waxana laga yaabaa in kooxdu ay la soo shirtagto kooxdii ciyaarta saaxibtinimo ee ugu dambaysay 2-0 ugaga badisey Bordeaux.

Waxaa dhici karta in Federico Fernandez, Walter Gargano, Blerim Dzemaili, Andrea Dossena iyo Eduardo Vargas lagu Paolo Cannavaro, Gokhan Inler, Marek Hamsik, Juan Zuniga iyo Edinson Cavani oo ka soo laabtay kulamadii Olympicska.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:
JUVENTUS

Buffon

Lucio, Barzagli, Bonucci

L’steiner, Vidal, Pirlo, Marchisio, De Ceglie

Vucinic, Matri

NAPOLI
FC Lorient
De Sanctis

Campagnaro, Cannavaro, Aronica

Maggio, Hamsik, Inler, Behrami, Zuniga

Pandev, Cavani

Ma Ogtahay?

- Juventus ayaan guud ahaan ciyaarihii horyaalka Serie A 2011-12 ay ku guuleysteen koobka iyagoo aan laga badin.

- Inkastoo ay ka mid tahay kooxaha ugu guulasha badan ee Horyaalka Italy balse waxa uu ahaa sanadkii 2003 markii ugu dambaysay ee Old Lady ku guuleysato horyaalka.

- Si kasta ha ahaatee, rikoorka kooxda Partenopoer waa mid liita, iyadoo saddex jeer oo kaliya ay ka guuleysatay siddeedii jeer ee ugu dambaysay ee ay kulmeen.

- Napoli ayaa gacanta sare leh labadankoox, iyadoo guulesatay kulankii ugu dambeeyey ee finalkii Coppa Italia kuna badisey 2-0.

- Marek Hamsik ayaa ka dhaliyey shan gol kooxda Juventus oo ah mid kabadan dhamaan kooxaha kale.

Napoli ayaa markii kaliya ee ay tarankan koobka Supercoppa ciyaarto waxa uu ahaa sanadkii 1990 waxayna 5-1 ugaga badisey Juventus.

- Labada dhinac ayaa waxa ay ahaayeen kuwo kulamadoodii tijaabada ahaa aan marnaba laga badin iyadoo Juve ay 2 kamid ah saddexdii kulan ee tijaabada ahaa ay ku badisey halka Napoli ay boqolkiiba boqol ka ahayd rikoorkeeda.

Kulankan ayaa noqonaya markii labaad ee lagu ciyaaro magaalada Beijing koobka Supercoppa.

Yaa ku guuleysan doonaa kulankaan berri ka dhacaya Beijing ee koobka Supercoppa Italiana Juventus mise Napoli?

34 Responses to Falanqeynta Kulanka Xiisaha Ah Ee Juventus Iyo Napoli Ee Koobka Supercoppa Italiana.

  1. khaled Reply

    11-August-2012 at 12:39 pm

    juventus ayaa dubandoonta nopali 2-0 haduu Alle ogolaada inkastoo maluhu xunyahay oo inalagareebay Alunbaa og qaybka [Wlaahu Aclam]

  2. khalewd Reply

    11-August-2012 at 12:37 pm

    juventus ayaa dubandoonta nopali 2-0 haduu Alle ogolaada inkastoo maluhu xunyahay oo inalagareebay Alunbaa og qaybka [Wlaahu Aclam]

  3. c/samed banzema Reply

    11-August-2012 at 11:55 am

    waxatababare loo makeenayaa in uu caawa unoqdo juvo xidigii aduunka ee 2006 iminkana ciyaaraha ka fadhiistay ee cannavaro

  4. Abdiqeys Reply

    11-August-2012 at 11:51 am

    Ar ilmahan milan iyo inter tagero naboli juventus ma celinkarto wad ogtihin sida ay ni gashay horyalka juve marka xita idinka u so dhela cawa xita biri marka ay juventus ha iga dhumanin ciyalow wan idin shega hada al by juventus gul gul

  5. King espanha Reply

    11-August-2012 at 9:33 am

    Waxaa guulaysanaya juve iyadoo ay usii dheertahay in laga dhalinayo tiro dhan JUVENTUS 3-1 NAPOLI

  6. Maxamed axmed c/laahi wadni Reply

    11-August-2012 at 9:18 am

    Asc sxbyal aqyarka ah daahir ,qubajibiya ,sakriye qalid,wadni waxa gush iskale juventu 5 napoli 3

    • Jaabir ozil jaajaa Reply

      11-August-2012 at 11:01 am

      Juventus waxay kubadin donta 4 goals golashaas waxa madax kanoqon doono dhibistoda engineer pirlo halka dhalintoda umadax kanoqon doono vidal and pepe or matri

  7. maxamemd daahir oo ku mgc dher AAyarta Reply

    11-August-2012 at 8:24 am

    caawa waxaa badindoono nopoli ayaa shan iyo ebar ku badin doonto sxb kulanka caawa cavani hat trick labo kamid hamsik

  8. Gawsayare Reply

    11-August-2012 at 8:13 am

    Hadan sadal kabax sho ku lankan waxa juventus aya sedax gol iyo hal ku badi nesa juvants 3 naboli

  9. Saadaq s~x~c Reply

    11-August-2012 at 8:00 am

    Asc dhaaman bahda laacib.net waxa kubka qaadi dona juventus waxayna ku qadi donta 2~1 golashana waxa dhandona matri andirea pirlo

  10. Xuseen Milano Reply

    11-August-2012 at 4:56 am

    Napoli ayaan urajaynayaa cupka juventus musuq maasuqleey 3 0 ayaa laku dhufunaa wax sanad walba hoos u dhikaaya horyaalka inuu xaraarad yeesho waa ayada

  11. liii Reply

    11-August-2012 at 3:31 am

    Asc all
    Akhyarey ani hadan fikradayda an qiyaso waxan qaba cupka ina uu ku bashalidono hamsik
    1 vs 0 juv

  12. C/risaaq maxamed nuur JABSHE. Reply

    11-August-2012 at 1:19 am

    Waxan gusha siina juvantus 2 napoli 1

  13. alex cirro Reply

    11-August-2012 at 12:35 am

    asc aqayaarta kahadasha sportiga waxan dhihilahaay waxaqaadeso koxda juve waayo rikoor ayaa uyaala ooan lagabadin seriea talyaniga

  14. Max'ed Sadheere Reply

    10-August-2012 at 9:28 pm

    Juventus ayaan ku qiyaasay aniga lkn xaqiqada allahu aclam

  15. Feysal Reply

    10-August-2012 at 8:29 pm

    Naboli2 juv 1

  16. xudeyfa syl Reply

    10-August-2012 at 8:20 pm

    waxa u noqon dona cup ugu horeya xili cyredka hdu alle idmo koxda naboli wa kox weyn lkn kan wa keni bianconeri ya hor istagi kra viva juvnts

  17. boojo Reply

    10-August-2012 at 8:06 pm

    asc ramadaan kariim dhamaan asaxabta lacib net iyo aqrista yashoda waxaa qadeyso napoli pandev cavani hamsik

  18. Ali farah Reply

    10-August-2012 at 7:58 pm

    asc dhaman umad muslimka ah hadii fakirkayga kahadlo 2 koox way adag yihiin qiyaastayta napoli ayaa badinaysay halkaas ayey guusha kuraacaysa napoli 2 juve 1 waxayna soo bandhigayaan 2 koox ciyaar wanaagsan

  19. Abukar yusuf Reply

    10-August-2012 at 7:56 pm

    Napoli aya badani ayan qaba anika

  20. Cilow Reply

    10-August-2012 at 7:41 pm

    Sanadkan waa sanadka juventus napoli rikor ayan ugu badina insha alah juven 4 napoli 0

  21. Ali Reply

    10-August-2012 at 7:37 pm

    Insha’allah waxa aan aminsanahay in ay badineyso juventus
    haddii Alle idmo tomorrow night

  22. Cabdi nasir maxamuud Reply

    10-August-2012 at 7:18 pm

    Asc aqayarta sharafta leh hadan fikerkayga ka hadlo waxa badin doonto nadiga facaweyn napoli waxeyna ciyarta ku dhaman donta 2napoli juventus 1

  23. Vermaelen Reply

    10-August-2012 at 7:08 pm

    Wey adagtahay in kubada Italy la saadaliyo balse wax kasto waxa ay ku xirantahay qaab ciyaaredka 2 kooxod ay laso galan garonka waxan aminsanahay in Napoli ay ku guleysan donto koobkan

  24. dahirdayax Reply

    10-August-2012 at 6:59 pm

    napoli ayaa badineyso waxeyna ku badineysaa rigoore rigoore

  25. Nuurb10 Reply

    10-August-2012 at 6:31 pm

    Wa waray ya adkan donahee

  26. Zaacim Reply

    10-August-2012 at 6:15 pm

    Waw wilasha walter mazari dhulka aye kujidayan marwada duqda ah napoli 3 juve 0 dzamalik cavani ilner viva napoli

  27. Abass ufurow Reply

    10-August-2012 at 6:14 pm

    Napoli 1 juventus 3

  28. Saalax zaaid Reply

    10-August-2012 at 6:11 pm

    Asc iyo ramadaan kariim laab.net iyo akhyaarta ku xiran sadaasha ciyaarta juve ayaa badini napoli way ka jilcantahay sanadkii hore iyadoo ay katagen ciyaartoy sida lavezi juve3 1 napoli

  29. C.mudalib yare Reply

    10-August-2012 at 6:07 pm

    Waxaa qadidona juventos guuuul

  30. nuur milano Reply

    10-August-2012 at 6:04 pm

    napoli edeson cavani hamsik inler kadhalin doonaa forsa napoli

  31. kayse Reply

    10-August-2012 at 6:02 pm

    WAW viva NAPOLI.
    OLD LADY sariirta caawa kkk
    CAVANI & HAMSIK
    NAPOLI 2-0 JUVE again.

  32. Wilshere Reply

    10-August-2012 at 6:02 pm

    Waala garaaci doonaa juve cupkan napoli cid kumahaysato insha alah

  33. osman 2012-2013 guneres Reply

    10-August-2012 at 6:02 pm

    naboli 2-1 juvantus

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>