Sir Alex Ferguson: Marka Koox Ay 45 Milyan Euro Ka Bixiso 19 Jir, Ciyaarta Waa Ay Waalatay. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Sir Alex Ferguson: Marka Koox Ay 45 Milyan Euro Ka Bixiso 19 Jir, Ciyaarta Waa Ay Waalatay.

Sir Alex Ferguson: Marka Koox Ay 45 Milyan Euro Ka Bixiso 19 Jir, Ciyaarta Waa Ay Waalatay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 9-08-12 11:14 AM

Sir Alex Ferguson ayaa ka hadlay sida uu u fajacay ka dib markii Paris Saint-Germain ay kaga adkaatay Manchester United saxiixa ciyaaryahankii kooxda Sao Paulo Lucas Moura.

United ayaa muddo dheer lala xiriirinayay 19 jirkaan, si kastaba waxa uu ogolaaday heshiis uu ugu biirayo kooxda lacagta badan ee Faransiiska isagoo saxiixay heshiis afar sanno ah , waxaana ay Sao Paulo ku heshay xiddigeeda 45 milyan euro.

PSG ayaa saxiixyo kale oo qaali ah sameysay xagaagan, iyagoo soo iibsaday Thiago Silva, Zlatan Ibrahimovic iyo Ezequiel Lavezzi waxaana ay indhaha ku hayaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee Ligue 1 tan iyo 1994kii

Ferguson ayaa aaminsan in lacagta ay suuqa ku shubeyso PSG inay wax u dhimeyso kubada cagta, si kastaba waxa uu ka digay in kooxda Faransiiska ay haatan tahay in laga baqo madaama ay noqdeen awood ku soo koradhay kubada cagta Yurub.

Waxa uu u sheegay website-ka kooxdiisa: “Waxa ay ila tahay la yaab in koox ay ka bixin karto 45 milyan euro 19 jir”.

“Si ay wax u calamaadeystaan oo ay ugu sheegaan in PSG ay timid, waxa ay la soo saxiixdeen Thiago Silva iyo Zlatan Ibrahimovic.

“Waxa ay qarashgeyeen bishii hore 150 milyan ginni. Sida aad ogtahay cida kaliya ay dhibeyso waa UEFA”.

“Sharuudaha kubada cagta yurub, uma soo baxeysid koobab yurub inaad ku guuleysato horyaalka ama aad kaalinta labaad soo gasho  - kaliya waxaad ku imaaneysaa martiqaad”.

“Waana halka aan rajeyneyno in UEFA ay awood isticmaasho. Marka aad aragto qof 45 milyan euro ka bixinaya 19 jir, waa inaad dhahdaa ciyaarta waa waalatay”.

41 Responses to Sir Alex Ferguson: Marka Koox Ay 45 Milyan Euro Ka Bixiso 19 Jir, Ciyaarta Waa Ay Waalatay.

  1. Abukar Reply

    10-August-2012 at 3:27 pm

    Oday indha balaq oohinta iska dhaaf.hadii ay lacag la’aan ku heyso ha qaraarin.sida chelsea,psg iyo city lacagta u bixiya.koob dambe ma qaadeysin laalushka rifriiyada la siinayey wu dhamaday.

  2. Arsenal fans& top boyz player Reply

    10-August-2012 at 7:43 am

    Haaaa adiga hadi laga gadi wayey miyad qarereysa o markad 40 m ku radineysay miyad xanun saneyd k.k.k.k duqa wu washay hala xiro indha maraq weynaday

  3. sir alex ferguson Reply

    10-August-2012 at 1:11 am

    waa sax u maqalmo 19jir 45m
    waa qalad in aad kabixiso lacag aad ubadan
    waxaan dhihi lahaa in lagaanaaxo psg iyo kooxda
    laga gaday

  4. Mohaa Mgrty Reply

    09-August-2012 at 3:57 pm

    Sir Alex runtii waxaad ka hadashay waa wax jira waxaa la rabay in ay ka hadasho UEFA lakiin way dhici wayday taas balse waxaan ogaaday in aad tahy qabiir magac sidiisaba iskama baxo ee waa wax ay umada arkaan marka magacaan ad sidato waa magac aad mudatay qibradeedana aad leedahay viv man u

    • dhuhungo Reply

      09-August-2012 at 7:43 pm

      waxaan rabaa in aan ka dhiibto fikirka, kaas oo ah inanka 19 jirka ah ee u dhashay wadanka Brazil oo lagu kharash garee

  5. Suraji Reply

    09-August-2012 at 3:53 pm

    Kakakakakakaka
    qaraar miya ka.kenay
    warkaan
    waxan u.geen sanad.ki hore waxa oo werayay
    man.cty kakakakak
    war ogayga ushega peso ay hadashoh
    xalay..nah dhagaha aya lagu dhuftay
    kakakakakakakak

  6. Dalboon cadow Reply

    09-August-2012 at 2:04 pm

    Wlh waa yaap qof radineysay hadana lcg lagugu fano man waa lagaday sanadkan runti lkn markale ka bdn

  7. EDU Reply

    09-August-2012 at 1:48 pm

    kkkkkkkkkkk waa sidaaaaas

  8. Mahad napoli Reply

    09-August-2012 at 1:31 pm

    Maskiin hadoo tuuksi galaaa wax kale iska daaye xanjada uun ladagaalan

  9. M0w zaayid Reply

    09-August-2012 at 1:21 pm

    Kk habo la cabade ya isgaray 41m asa kudonayay hada 19jir lacag badan lagala bixin ma 35 jira 80m laguso gadanlaha awal chlsea 50m torres ku gadatay hadana 35m ayey kudoneysa cavani duqa beso ogolaw hadi kale wa a man utd jiri jirta kadhace wal00

  10. santi cazola Reply

    09-August-2012 at 1:10 pm

    maskiiin odeyga sanadkaan waa sanadkii xajanda uuliqi jiray markii man united deymo lagu yeeshay miyuu qaraaraa hehehe sanadkaan arsenaalaa ku leh viva gunners iyo inta taageerta

  11. Wayne Rooney Reply

    09-August-2012 at 12:46 pm

    ninkan wado abdifatax adi ciila ku hayo chelsea taageero utahay 2008 chamipions legeaq waa ka qaadanay chelsea 2011 waa ka reebnaay man utd waa kooxada aduunka u taageero badan waana kooxada aduunka ufiican man utd ka dhamoow viva man utd viva wayne rooney

  12. Abdifataah villa Reply

    09-August-2012 at 12:40 pm

    Man united gaajo hadad tihin dadka laguma qararo kkkkkkkkk

  13. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Reply

    09-August-2012 at 12:39 pm

    Hahahahahah odyga cadi mahan isga iskuma jeedo oday 5milyan ay lagag dulqaday hahahahah wa sandkow xanjad laqayay sid 2004 ow xanjad ku fakatay kkkkkkkkkk 40mly oku donayay 45mly ayaa lagu gatay kkkkkk xanaqaaa.netkkkkkkkkkkkkkkkkk

  14. cabdifitaax Reply

    09-August-2012 at 12:36 pm

    War katag dheh odaygan mesha malinkasta 6milyan oo ajanda ha lasinayo ayuu dida hazard na sasa laga dulqaday inta u kurabay iyo inta lagu qatay wax farqi ah uma dhaxen markas uu kudhaha wa lawashay kkkkkk manutd odaygan unacnay ilaa ronaldinho waa laga dulqadayay ciyartow cebtisa maha wa cadadisa

  15. Bad-booooy Reply

    09-August-2012 at 12:35 pm

    Hahahahahahahahhahahaha saf isaga bilaabay inuu cayaartooy 30+mill kaso bixiyo marka maanta inuuu calaacala maaha ferdinand imisu kaso bixiyay hala weediyo berbatov sido kale maanta marki kooxda dayn lagu yeeshtay muu ogaaday inee xuntahay lcgta inta la,eg in cayaartoo laga bixiyo tan kale psg man shetty iyo chelsea waxooda zaid waa suuqa xitaa sicir barar ku rideen latin america cayaartooyda raqiis ahaan jireen hada ayaga kiciyay moura hadi 45mill laga bixiyay wt about neymar 100+mill hahahahah.

  16. Wayne Rooney Reply

    09-August-2012 at 12:35 pm

    ani waxa layaabanahay ninka soqoray warbixinkan sxboow Saed Mohamed Balaleti adi man utd miyaa nacebtahay horta waa ka yaabay mida lucas moura waa soqortaye mida robin van persi ma soqortid man utd ma ubahno lucas moura nani iyo valecia hesta robin van persie hada soo iibsan waa ciil iyo qasaaro qabo taageerayaasha chelsea man city iyo liverpool iyo man city viva man utd markasto guul man utd markasto viva rooney

  17. hanad yare Reply

    09-August-2012 at 12:33 pm

    masakiin calacal badanaa reer asschester kkkkkkkkkk
    odeygan sanka cas leh waaba hypocrites. isaguba sawtuu ku rabay 41 million isla laacibkan 19 jirka ah ,
    ku helyo ku amaanay ku waayo ku caayay buu wadaa kkkkkkkkk
    viva ancelotti and leonardo

  18. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Reply

    09-August-2012 at 12:21 pm

    LUCAS MOURA WAA NEW RONDALDINHO WUUNA U QALMAA LACAGTAAS YARAANTA AYUU LAACIB KU YAHAY REER MAN U HA IDINKU TAAGNAATO

  19. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Reply

    09-August-2012 at 12:14 pm

    ODAYGAN ISAGAA WAALAN ISBA 40 MILLION OO EURO AYAA LAGA SOO DIIDAY LACAGTA AY PSG KU IIBSATAYNA WAA 45 MILLION OO EURO MARKA ISAGA ISMA ARKO MIYAA

  20. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Reply

    09-August-2012 at 12:13 pm

    ADIGABA 40 MILLION AYAA LAGAA SOO DIIDAY OO 5 AYAA LAGAAGA DULQAADAY MARKA ADIGA MA FIYOOBEED?

  21. Waayeel Reply

    09-August-2012 at 12:12 pm

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkk alle qaraar badana deynta iskadhib dhe waxad sogadato kurone

  22. asc all and lacib.net run.ahanti sirka waa runtis maxa yelay ninkan wlh saadmodan maha wa nin qibrad iyo mastax ka buuxdo footbalkana uma rono in 19 jir 45 aad ka.bixiso waana wax.lalayapo by wa runta siralx forguson

  23. abdirahman Reply

    09-August-2012 at 12:02 pm

    asc dhaman shaqalaha laacib sxb odoygaan wuu walayay ee mesha isaga tag dheh hadii uu lacag quri karin muxu nadiga kadamacsan yahay sxb lacag ayaa lacag dhasho ayaa horay luu dhahay ee hurda ka kac kudheh suqa wali wuu furan yahay ciyartiyne waa buxan ee soo gado kudheh

  24. abdirahman Reply

    09-August-2012 at 12:01 pm

    asc dhaman shaqalaha laacib sxb odoygaan wuu la wayay ee mesha isaga tag dheh hadii uu lacag quri karin muxu nadiga kadamacsan yahay sxb lacag ayaa lacag dhasho ayaa horay luu dhahay ee hurda ka kac kudheh suqa wali wuu furan yahay ciyartiyne waa buxan ee soo gado kudheh

  25. Ahmedyare Reply

    09-August-2012 at 11:59 am

    Asc runtee lacagto waaxuntahay lkn wax macquul ah mahan in 19 jir lagabixiyo lacag gaaraysa 45m waa wax lala yaabo lkn psg way dharsantahay lkn uefa waxaa fcn inay sharci adag kasoo saarto sooqa kala ibsiga ciyaartoyda maxaa yeelay waxa ay kooxaha qaarsamaynayaan wax loo adkaysan karo ma ahan

  26. Abdiqeys Reply

    09-August-2012 at 11:58 am

    Asc al sir mesha ebelba ben ben u ku hayey marka mesha waxa yimid rag besada xarayo marka sir iska sabar cml mida kale wilkan u qalma besada laga baxshay wlh wa lacib adun by al

  27. Maannaf Reply

    09-August-2012 at 11:49 am

    Waa wax lala yaabo in 19 jir laga bixiyo lacag intaa la eg

  28. axmadeey maaliyada Reply

    09-August-2012 at 11:42 am

    Kkkkkkk adeeyga reer brazil ayuu taajir nimada u diidan yahay il mohoodaba laguma gato soow maahan lakin meeshuu kahad layo waa inaad fahan taa intaadam mic qabsant ayaareey kkkkkkk

  29. Cade Reply

    09-August-2012 at 11:39 am

    Kkkkkkkkkkkkkkkkk duqa waa looga adkaada daraad aaba ladhaahayay tijaabo caafmaad ayuu maraaya man u agadatay ooooh sory waa laga dulqaaday isku gurub aan ladanka dhigaa hanayga tumee

  30. Cyare9@hotmail.com Reply

    09-August-2012 at 11:38 am

    Waa runtiisa maxa yelay wa nin qabiir ah sababto ah 19 jir 45m uma qalmo

  31. ibra chalsea Reply

    09-August-2012 at 11:35 am

    asaga walan maxayelay wax mahayo markaasu leeyahay weywaasheen
    Ka carar mesha lacag qof aan gashay ganacsigiisa fa’iido ma helaayo

  32. Barca Reply

    09-August-2012 at 11:35 am

    Calaa qalka dhaf hada lacag haysan runaado 80 loga gadanayay macqul ma ahan maxu idhi wayay hado run shegayo 45 hadaysa caqli gar ahan 80 caqligala

  33. cabdiraxman jecliya jabka man u Reply

    09-August-2012 at 11:35 am

    K.k.k.k.k.k.k.k.k.k.
    Sirka adiga hada lacag heysan dadka lacag aye heestaan
    ka ka ka ka ka ka ka ka ka ka
    oday ooyinta iyo calaacalka joooji kkkk warkas wa i mara
    vivi liverpool vivi gerrard

  34. Gurey Reply

    09-August-2012 at 11:29 am

    Viva psg

  35. Arteta Reply

    09-August-2012 at 11:29 am

    ALA ODAYGAAN MUXUU WASHAY OO MARKUU ROONEEY EVERTON KA SOO IIBSANAYEY ASAGOO 18JIR AH UUNA KA BIXIYEY 30MILYAN MAXAY AHAYD 6SANO KA HOR.. WAA XASUUSTAA ARSENAL AYAA RABTAY MARKASUU QIIMAHA KOR GEEYEY KANA BIXIYEY ROONEEY WUXUUSAN U QALMIN ADEER BEERTII AAD ABUURTAY 6SANO KA HOR AYAA SOCOTA EE KA BAYR YUUSAN DAADKEEDU KU QAADINE KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK JECLIYAA MARKA MU WAX KA SOCDA MEDIAHA KU CABADAAN MALA JOOGI KARO XAARKOODA….. VIVA ARTETA VIVA ARSENAL VIVE ARSENE WENGER, VIVA CAZORLA, VIVA PODOLSKA, VIVA GIRUOD, VIVA WILSHERE… ARSENAL 10-0 MAN UTD——

  36. iam ese ade hanad+ 27785713922 Reply

    09-August-2012 at 11:27 am

    Qarar man u iska aamusa 38 m$ ayee kurabeen fargusan asaa walan lacg qoor sxb hadii kale 6- 1 ayaa man cty kadhalinee kkkkkkkk

  37. C.qaadir Reply

    09-August-2012 at 11:24 am

    K.k.k. Psg sanadkaan caleentaa kukacsan mess 200 € hakabixiyaan
    waan kaxumahay
    sir alex lacag badan suqa kuma jecla

  38. C.qaadir Reply

    09-August-2012 at 11:22 am

    K.k.k. Psg sanadkaan caleentaa kukacsan mess 200 € hakabixiyaan

    waan kaxumahay
    sir alex lacag badan suqa kuma jecla

  39. ibrahim sh c/rihaman Reply

    09-August-2012 at 11:21 am

    runti waa sax maxaa yelay ma eynan arag guul iyo guuldarada ayaada arki dooonto hadeyy wax qabbaneyso lacag

  40. Caamir zaki Reply

    09-August-2012 at 11:19 am

    K.k.k. Wlh wa wax runa 19 45 Euro uma qalmo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>