Barcelona iyo Real Madrid ayaa waxaa sii wadeen guulihii ay gaarayeen diyaargarowga xilli ciyaareedka waxayna labada kooxood ay guulo ka gaareen kulankii Arbacada ay ciyaareen.
Barca ayaa waxa ay 2-0 rigoorayaal ah uga badisey Manchester United kadib markii 90kii daqiiqo ee ciyaarta barbarro ku dhamaatay iyadoo kulankana uu ka dhacay Sweden. Balse kooxda Madrid ayaa 5-1 ugu awood sheegatay AC Milan kulan ka dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Haddaba, waxa aan halkan ku eegeynaa waxa ay labada kooxood ka barteen kulamadan iyadoo toban maalmood ay ka harsan tahay bilowga horyaalka La Ligaha.
ALBA OO KU WANAAGSAN DAAFACA BIDIX EE BARCELONA
Jordi Alba ayaa markii ugu horeysey Arbacadii hore oo kaliya tababarka la qaatay Barca kadib markii uu ka soo qeybgalay tartankii Euro 2012 iyo Olympics.
Balse daaficii hore ee kooxda Valencia ayaa si dhaqso ah ay kooxdu u aamintay kulankii Man United isagoo dhowaan uun ku soo biirey naadiga mana qalbi jebin naadiga.
Alba ayaa bedelay Adriano iyadoo 25 ka dhiman tahay ciyaarta, laacibka ka soo qalin jebiyey La Masia waxa uu u muuqday mid aan ka tegin weligii kooxda Catalan, Alba isagoo weeraro qaadayay waxana uu soo dhigayay baasas ay Barca ku raadisey inay ku guuleysato.
Goolhayaasha Barca oo ah kuwo lagu aamini karo goolka
Ciyaar kubbad haysashada ay ahayd mid kooxda Barca ay ku wanaagsanayd, ayay hase ahaatee waxa ay ugu mahadcelineysaa goolhayaasheeda guushii ay kama dambayntii gaartay.
Victor Valdes ayaa gool ka badbaadiyey kooxda kadib markii Wayne Rooney uu rigoore u laaday kooxdiisa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta. Goolhayaha kale ee kooxda Barca Jose Pinto ayaa isna gool kale oo rigoore ah ka badbaadiyey kooxda iyadoo goolkana uu soo laaday Ashley Young kadib markii rigoorayaal la isla gaaray kulanka saaxibtinimo.
Pinto ayaa rikoorkiisa rigoorayaasha ee Catalans waxa uu yahay mid la yaab leh- waxa uu badbaadiyey 7 rigoore 20 rigoore oo uu wajahay iyadoo saddex kamid ahna aysan shabaqa gelin oo banaanka martay.
Labada goolhaye Valdes iyo Pinto ayaa la eedeeyey xilli ciyaareedkii la soo dhaafay hase yeeshee tan ayaa daliil u ah in goolka Barca ay ilaalinayaal goolhayaal wanaagsan xilli ciyaareedka 2012-13.
Weeraryahanka Di Maria Oo Aan La Celin Karin
Angel Di Maria ayaa marka uu kubbada lugta la helo waxa ay tahay mid iska cad waxa dhici doona, Di Maria ayaa weerarkiisa waxa uu noqday mid aan la celin karin isagoo hore u sii kaxeeya kubbada lana dhaafa daafacyada ka horimanaya. Wayna adag tahay sida loo raaco ciyaaryahankan. Taas ayaa waxaa laga arkay labadii kulan ee ugu dambaysay ee uu daafacyada AC Milan iyo MLS qalqal geliyey isla markaana goolal ka dhaliyey.
Waxana uu ku qasabay kulankii AC Milan in 7 ciyaaryahan ay daafac noqdaan isla markaana ay ku soo koobmaan afka hore ee goolka AC Milan.
KAKA oo saddex baas oo uu dhigey goolal laga dhigey
Kaka waxa uu ciyaaraya nus saac isagoo ka hortagay kooxdiisii hore(iyo kooxda laga yaabo in mustaqbalka ku biiro). Waxana uu ahaa nin si wanaagsan u ciyaaray kulamadii tijaabada ahaa ee Maraykanka lagu ciyaaray.
Mana iska lumin waqti in uu Milan xusuusiyo waxa uu samayn karo. Shantii daqiiqo ee ugu horeysey ee uu ciyaarta soo galay isagoo bedeley Mezut Ozil labo jeer oo uu taabay ayaa mid waxa uu noqday mid gool ku dhalan gaaray halka kii labaadna uu baasay kubbad meel wanaagsan dhigey taasoo si sahlan uu Ronaldo gool ku dhaliyey.
Markii dambe koorno uu soo tuuray Kaka ayaa waxaa madaxa ku dhaliyey Sergio Ramos halka uu gool kale uu soo dhisayna uu dhaliyey Jose Callejon.
Inkastoo Kaka uu la kulmay dhibaatooyin ah in uusan kulamo badan safan ayaa hadana waxaa weli ka muuqda niyad wanaagsan.
SAHIN oo aan sii joogi doonin waqt dheer
Jose Mourinho ayaa waxaa uu sheegay marka wax laga weydiiyey mustaqbalka Nuri Sahin kadib kulankii Glaxy in ciyaaryahanka qadka dhexe ee Turkiga uu iska tegi karo hadduu doono. Isagoo loo tixgeliyo Sahin ciyaaryahanka shanaad ee qadka dhexe, waxana ay tahay hubaashii inuu koox kale raadsan doono.
Safarkii kooxda ee Maraykanka Sahin waxa uu ka ciyaaray daafac bidix si uu u nasiyo Fabio Coentrao maadaama uu Marcelo ku maqnaa tartanka Olympics.
Dhinaca qadka dhexe Sahin waxa uu ka dambeeyaa ciyaaryahanada kala ah Lass Diarra, Xabi Alonso, Sami Khedira iyo Esteban Granero. Haddii ay kooxda keensato Kula Modric waxa ay sii fogeyneysaa fursadiisa ah inuu ka helo boos kooxda Real Madrid.
azii
17-March-2013 at 8:27 pm
wher’s A.C??
WARDI
11-August-2012 at 8:36 am
WAXAN KULA TALAINAYAA INANAY ISKU HALYN BAR TOOBABARE KU XIGEENKA
Ahmed qeyr
10-August-2012 at 11:20 am
Waxa isleyahay kaka wax ka lacibsan mawa laho
maxamemd daahir oo ku mgc dher AAyarta
10-August-2012 at 10:47 am
waxaa qaadi dona lacibtinimada waxaa qaada ya rooney ama ronaldo sanadkanka horyalka waxaa qada man unitd k k k k k k k k k k k k k nin maqan lama sogo
Maxamed axmed c/laahi wadni
10-August-2012 at 8:39 am
Han kadhibato fikirakeyga waxan usad lin lahay fif man unti rooneyand rayna gigisa
Nazzario
10-August-2012 at 5:16 am
Barca viva iniesta inter milan viva miliito liverpool viva suarez
momed suarez
10-August-2012 at 5:02 am
xaqiiqdi real madrid hormarka ay isku dayayso barcasina waay samayn karta ee quuqlayda tageerta realmadrid lien messi haaw dhaqaan siigsanta iyo shortiga barca for ever haydigo taagnato madrid
momed suarez
10-August-2012 at 5:00 am
xaqiiqdi real madrid hormarka ay isku dayayso barcasina waay samayn karta ee quuqlayda tageerta realmadrid lien messi haaw dhaqaan siigsanta iyo shortiga barca for ever haydigo taagnato madrid iyo quuqlaydeda
Yaasin aksaay
09-August-2012 at 10:14 pm
Tas maLayaaab leh xidig walbn barca imado asa iska fah mayo kubadaha mcn ey dhelyn injinerada kubada cagta qasatan injiner xavi
sharma kidavi
09-August-2012 at 10:06 pm
waaan aan xagaan kusoo tabinayaa in ay tahy kooxda real madrid kooxda aduunka ugu adag waxaana igayaabiyay guushii ay kagaareen kooxda wayn ee acmilan waliba waxaa si wayn ii xajab galiyay balaaayarka khadka dhexe ee ricardo kaka 15 minutes waxaa uu ku bixiyay 3 goal soo cajiib maahan maxaa binjiga looga hayaa
qeys
09-August-2012 at 8:55 pm
kaka marku joogay AC milan ayuu ahaa laf dhawarka kooxda AC MILAN balse markuu yimid real madrid ayaa waxa la dagay towa baraha koxda ee morinho
van sakariye
09-August-2012 at 8:16 pm
wax lala yaabo maahan in — ALBA— UU si dhaqso leh uu’ula qabsaday barca nadiga uu ka so takay ayuu ku wanaag sanaa qaran ka La Rajo na wuu ku wanag sanaa ViVA BARCA AN ARSENAL
Man utd fans up
09-August-2012 at 8:15 pm
Wax aad hada noosheegteen majiaaan somali haday xataa idaacad furato dayn mayso qabyaalad waxaa meesha kamaqan halyaygii xalay laga yaaabay ee nani iyo shinji kagawa
CR7
09-August-2012 at 7:47 pm
REAL Madrid ba sanadka lila champion ligu cope dely bku guulaysan doonta insha_allah
arawelo
09-August-2012 at 7:39 pm
REAL Madrid ba sanadka lila champion ligu cope dely bku guulaysan doonta insha_allah
m.ozil k.benzema x.alonso c.ronaldo a.demarei s.ramos pepe iker caslus
09-August-2012 at 6:35 pm
ilmaha taageero barc waxaa usheegaa in ay cagaha dhigtaan waxa jooga aabaha kubada aabaha koobka waa kuwaan barc waxaa taageero lo leeyda dameerlayda kirishbooyada coosleeda waana gabdho
duceysane tageraha barca
09-August-2012 at 5:56 pm
Real boolo lack ma.u xidigaha sanadka j.alba and d.vila and a.iniasta xavi c.fabrigas l.messi viva barcelona
First chelsea second barca fans
09-August-2012 at 5:44 pm
Waxa ka hadasheen ayaaba ika yaabisay cinwanka aya ah mid cajiib ah lkn qodobada kaliya waxa ka helay alba o aad moodo nin horay uku so ciyaaray barce
ducaysane
09-August-2012 at 5:43 pm
Viva FC Barcelona,Viva TiTo,Viva Leo Messi,Viva Iniesta,Viva Xavi,Viva Fabregas,Viva Pinto,Viva Alves,Viva Valdes,Viva pique,Viva Puyol,Vival Alba,and VIVA ALL FC BARCELONA PLAYER!!!Guuuuuuuuuuuuuuul weligiiiiin
cabdiqani mohed(macalinka barca
09-August-2012 at 5:40 pm
aduunka ma jirto koox 20Sano ugu wanaagsan kubada cagta iyo laacib 3Sano kugulaystay kubada dahabka ah .waa kooxda kaliya ee mouriho kayaabisay 5-0 kusalaantay ciyaartisi ugu horaysay xasuus madawna galisay taariikhdiisa 3 jeerna ganaax iyo lacagba kuxukuntay .real waahore waxway ahayd lkn hada makhaayada spanya catalan ayay ushidan tahay.
marwaan
09-August-2012 at 5:37 pm
Viva rikaardo kaka and donaldo
Ilyaas gurey
09-August-2012 at 4:41 pm
Waxa umaleya ineysa real ey mucjisadedi lasobixidonta sankan ayna qadi donta horya spain
Ahamed
09-August-2012 at 4:00 pm
Kkkkkkk sxb taasi waariyo maxaa yeelay away macaliminta maad ilooday inyesta messi zanjas fabricas xasuusnoow xavi iyo waliba david villa
Abdalla Cocacola
09-August-2012 at 3:41 pm
Si muuqato cinwaanka qoraalka iyo waxa aad ka hadasheen isma laha kulamadii xalay kama aydan faaloon ee kaliya waxaad inoo buubuuniseen barcelona & real madrid
caaqil114
09-August-2012 at 3:39 pm
sahin liverpool ayaa boos ka heleeysaa ee kusoo dhowoow..
hamse abdirizak
09-August-2012 at 3:38 pm
kulanka man u iyo barca waa kulankii ugu horeeyey ee sxptinimo oo ay barca kabadiso man.. rigoolayaal lagu kala badshaana maaha wx guul lagu tilmaami karo just nasiib baan odhan karaa realna waa naadiga uga wanaagsan caalamka majiro naadi dalkiisa ka qaaday 32 liig amawareeg majiro naadi qaadey 9 chmp taasuna waata usahashay in uuu noqdo naadiga aduunka ugu wacan
Yazeedkan
09-August-2012 at 3:26 pm
Welcome to arsenal sahin ka soo tak gumeeysiga
khabiirka
09-August-2012 at 3:21 pm
waaw saas ayaa laga rabaa man u naadiga qarniga waa naadi jira 5 iyo wax la jira waa in laku garaacaa naadiyada noocaas oo kale ah
Maxamed gubta
09-August-2012 at 3:21 pm
Dimariya laacib iska dheh kaka waxay soda dajintoonta ac milan
maxamad
09-August-2012 at 3:12 pm
laliga markaan barca ayaa leeh in sha alah
maxamad
09-August-2012 at 3:11 pm
kkkkkkkkkk man utd miyaa iwaal barca ku aaday fifa waba walantahay viva barca viva xavi and messi
C/qaadir
09-August-2012 at 3:04 pm
Realmadrid laliga ayada leh marki labaad insha.alah