Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 7-08-12 1:55 PM

Ramadan Kariim akhristayaasheena qiimaha leh meel kasta oo aad joogtaan, waa mar kale iyo barnaamijkii xiisaha lahaa ee Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Barnaamijkan waxaan idinkugu soo gudbinaa wararka xanta ah ee wargeysyada qaarada yurub ay ka qoraan maalin walba suuqa kala iibsiga marka laga reebo maalinta jimcaha.

Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.

ENGLAND:

Liverpool ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid Nuri Sahin, iyadoo Arsenal iyo Tottenham ay sidoo kale doonayaan. (Daily Mail)

Manchester City ayaa loo sheegay inay miiska soo saaraan 22 milyan ginni oo noqoneysa rikoor ay difaac ku iibsadaan hadii ay doonayaan inay ka dhaadhiciyaan in Liverpool ay iska fasaxdo Daniel Agger. City ayaa laga yaabaa in dalabkeeda ay ku soo darto ciyaaryahan iyadoo Adam Johnson laga yaabo in isaga iyo lacag kaash ah loo soo bandhigo Liverpool. (The Times)

Edin Dzeko ayay u badan tahay inuusan ka tagi doonin xagaagan kooxda Manchester City sida laga soo xigtay tababarihiisa Roberto Mancini. Weeraryahanka Bosnia ayaa lala xiriirinayay inuu ka dhaqaaqayo kooxda heysata horyaalka Premier League madaama uu ka danbeeya dhanka doorashada weerarka Sergio Aguero, Mario Balotelli iyo Carlos Tevez. (Daily Mail)

Dalabkii Manchester United ee xiddiga reer Brazil Lucas Moura ayaa halis ku jira iyadoo Paris Saint-Germain ay ku dhowdahay inay ka dulqaadi doonto. Kooxda boorsada weyn ee dalka Faransiiska ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Sao Paolo, waxaana ay heystaan dhaqaale ay ku soo jiitaan 19 jirkaan khadka dhexe. (The Sun)

Ciyaaryahanka Manchester United Nani ayaa ay ku sii adkaaneysaa nolosha Old Trafford ka dib markii uu ku guuldareystay inuu heshiis cusub la gaaro kooxda. (Daily Mail)

Ninka ugi orodka badan inta ku nool dunidaan dusheeda Usian Bold ayaa ka tuugay Sir Alex Ferguson inuu fursad u siiyo inuu u ciyaaro Manchester United – lakiin waxa uu ka digay inay arintaas noqoto sida ugu dhaqsiyaha badan. Bolt ayaa yiri: “Dadka waxa ay u maleeyaan inaan kaftamayo. Lakiin hadii Sir Alex Ferguson uu isoo waco oo uu fursad ii siiyo inaan kooxda u ciyaaro, macquul ma noqoneyso inaan diido” (The Sun)

Tababaraha kooxda Swansea Michael Laudrup ayaa u sheegay Liverpool inay miiska soo saaraan 15 milyan ginni ama inay iska ilaawaan saxiixa Joe Allen. Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu dib u la midoobo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Swansea Allen, waxaana goor hore laga soo diiday dalab 12.5 milyan ginni ah. (The Sun)

Kooxda Talyaaniga ee Juventus ayaa diyaar u ah inay diirada ka weeciso Robin van Persie oo ay u jiheysato xiddiga kooxda Liverpool Luis Suarez. Agaasmiha kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa ka cabsi qaba inay seegaan saxiixa kabtanka Arsenal, waxaana uu doonayaa inay haatan u jeestaan Suarez. (Daily Mirror).

Chelsea ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto xiddiga daafaca midig ee kooxda Fluminense ee dalka Brazil Wallace, lakiin waxa ay weli diirada saarayaan Cesar Azpilicueta kaasoo ay u arkaan dooqooda koowaad. Blues ayaa leh ciyaaryahanka boqolkiiba 40 oo ay sannadkii hore yeesheen, taasoo qeyb ka aheyd heshiiskii Deceo uu ugu biiray kooxda ka dhisan Rio De Janeiro. (Daily Mirror)

Tababaraha Swansea Michael Laudrup ayaa wadahadalo la yeelan doonta Joe Allen, isagoo doonaya inuu ogaado hadii 22 jirkaan ay dhab ka tahay inuu doonayo inuu ku biiro Liverpool. (The Times)

Kooxda Galatasaray ayaa u soo bandhigtay Arsenal heshiis 4 milyan ginni oo ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe Andrey Arshavin. Lakiin Gunners ayaan dooneynin inay ku iibiyaan lacag ka yar 7 milyan ginni. (The Sun)

Kooxda Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay isku daydo inay mar kale la soo wareegto ciyaaryahankii diirada u saarnaa muddo dheer Leandro Damiao, iyagoo ku jawareeray isku daygoodii ay Manchester City kala soo wareegi lahaayeen Emmanuel Adebayor. Spurs ayaa sidoo kale xiiseyneysa weeraryahanka Fulham Moussa Dembele. (Daily Mail)

Andre Villas-Boas ayaa todobaadkan bilaabi doona inuu kooxdiisa ka sifeeyo ciyaartoyda uusan u baahneyn. David Bentley, Jermaine Jenas, Sebastien Bassong, William Gallas iyo Kyle Naughton ayaa la filayaa in loo sheegi doono inay iska bixi karaan xagaagan, halka ciyaartoy da’yar iyagana amaah lagu diri doono. Sandro, Steven Caulker iyo Gio Dos Santos ayaa la siin doono waqti dheeri ah oo ay ku cadeeyaan inay mustaqbal ku leeyihiin Tottenham, ka dib qaab ciyaareedkoodii wanaagsanaa ee ay ku soo bandhigeen ciyaaraha Olimbikada. (Daily Mail)

Ciyaaryahanka kooxda Liverpool Craig Bellamy ayaa iska diidi doono heshiis uu isbuucii ku qaadanayo 60 kun ginni oo ay u soo bandhigtay QPR, waxaana uu taas bedelkeeda u saxiixii doonaa kooxda uu jecel yahay ee ka dhisan magaaladaiisa Cardiff City. (Daily Mirror)

ITALY:

Kooxda AS Roma ayaa isku diyaarineysa inaysan dalabna ka dhigeysan koox oo ku aadan ciyaaryahankooda khadka dhexe Daniele De Rossi, iyadoo Manchester City ay dib u soo cusbooneysiisay. (Gazzetta dello Sport)

Daafaca iyo kabtanka kooxda Faransiiska ee Monteplier Mapou Yanga-Mbiwa ayaa rajo ka qaba in labada kooxood ee Milan iyo kooxdiisa inay heshiis ka gaaraan saxiixiisa, islamarkaana uu u dhaqaaqo San Siro isla xagaagan. (Football Italia)

Kooxda AC Milan ayaa maanta si rasmi ah u bilaabi doonta inay Real Madrid kala hadasho saxiixo ciyaaryahankoodii hore Kaka, waxaana Mareykanka maanta ku kulmaya madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Gallaini iyo madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez. (Gazzetta dello Sport)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee dalka Chile ee David Pizarro ayaa qarka u saaran inuu ku laabto South America iyadoo ay xiiseyneyso kooxda River Plate. (Football Italia)

Iyadoo Inter Milan ay ka rajo dhigtay saxiixa Lucas Moura ka dib markii PSG ay tartanka soo gashay ayaa haatan u jiheysaneysa ciyaaryahanka kooxda Bayer Leverkusen Schurrle kaasoo ay ku dagaalami doonaan saxiixiisa kooxda Chelsea. (Gazzetta dello Sport)

Kooxda Milan ayaa liiska waxaa ugu jira ilaa shan weeraryahan oo ay doonayaan in midkood ay la soo wareegaan, waxaana liiskaas uu ka bilowdaa Edin Dzeko ilaa ciyaaryahanka kooxda Internacional Damiao. (Corriere dello Sport)

Ciyaaryahanka Kaka ayaa lagu soo waramayaa inuusan aqabli doonin inuu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu biiro Milan, taasoo laga yaabo inay caqabad ku noqoto Rossoneri. (Corriere delo Sport)

Giampaolo Pazzini ayaa laga yaabaa inuu ku biiro xagaagan kooxda Juventus, iyadoo Juve ay diyaar u tahay inay dhanka Inter u dirto ciyaaryahan Fabio Quagliarella. (Goal)

SPAIN:

Madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa maanta kala hadli doona dhigiisa Real Madrid Florentino Perez heshiiska macquulka ah ee ay kula soo wareegayaan ciyaaryahanka Kaka. (Marca)

Kooxda Atletico Madrid ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegtao daafaca reer Portugal ee kooxda Zenit Buruno Alves, iyo ciyaaryahanka kooxda Besiktas Ricardo Quaresma, iyagoo doonaya inay kooxdooda boorka ka jafaan. (Marca)

Daafaca dhexe ee kooxda Sporting Gijon Alberto Botia ayaa laga yaabaa inuu u saxiixo Sevilla 24ka saacadood ee soo socota. (AS)

Sida laga soo xigtay wargeyska reer Portugal Jornal de Notícias, ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Fabio Coentrao ayaa doonaya inuu ku laabto Portugal oo uu u ciyaaro kooxdiisii hore ee Benfica. (AS)

Arsenal, Tottenham iyo Liverpool ayaa xiiseynaya ciyaaryahan Nuri Sahin, kaasoo iska beeniyay inuu ku biirayo kooxda dalkiisa ee Besiktas. (AS)

Valencia ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto daafaca bidix ee kooxda Sporting Lisbon Emilliano Insua. (Sport)

Kooxda Deportivo Coruña ayaa la soo wareegtay ciyaaryahankii hore ee kooxda Villarreal ee ku soo guuleystay Euro 2008 iyo World Cup 2010 Carlos Marchena. (Sport)

43 Responses to Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

  1. Wiilka sanadka Reply

    08-August-2012 at 5:31 pm

    arsenal yaa ka hor imanay sankan

  2. Maxamad m.seylax xuseen Reply

    08-August-2012 at 4:38 pm

    Waw arsenal sanadkaan waa sanadkeeda yaa iska celi doona waxaa la so afjaraya 7sano oo koob la,aan ah waxaa fariin udirayaa man city man unated chelsea iyo liverbool iska jira arsenal waa arsenal hanaqsan

  3. Arsenal the world best team and believe me u will see this coming season.

  4. Hodan Nani Reply

    08-August-2012 at 9:48 am

    Asc aqiyarta sharafta le iyo tagerayasha ma untd Masha aalah ninka dunida ugu orodka badanow ku so dhawaw koxda dunida ugu wanagsn orodkaga bar lacibenta viiiiva ma u roney kagawa nani wilback and e t c

  5. A/kadir mohamed kaliif Reply

    08-August-2012 at 8:23 am

    Liverpool needs only winger & stricker like volcao,torres,cavanio…….,….

  6. Shanka Reply

    08-August-2012 at 7:22 am

    Kkkkk…chelsea weerar la,aan ayey aheyd laakin hada ya iska reebi doono hazard,marin,oscar,mata,moses o qarka saaran,ramires,torres.difacyada premier leaga daba ayey ka dhididayan.

  7. Max,ed kaabsol Reply

    08-August-2012 at 6:00 am

    Hadan nahay reer man u waxan ubahnhy o kaliya r.v.p

  8. Jeekey Reply

    08-August-2012 at 5:50 am

    Asc dhaman inta fikrada dhibaneyso waxan idin le yahay ramadan kariim marka xigta waxa la shegay nani inuu old trafed uu sii jogi doo nin maxa yelay waxa ka maqan sxbkisa cristiano ronaldo waxan donaya sanad kan hadu alle yirahdo inan garacno barcelona

  9. C/najiib bashiir daahir Reply

    08-August-2012 at 12:59 am

    Haa arsenal man und man city chalse waa wada adag yihiin balse arsenl mar labad ayay kuqaadi doontaa horyaal waa fikrada najiib uraal roomiyow shakatari 5new boys

  10. M X D Saciid Reply

    08-August-2012 at 12:09 am

    my name is maxamad nickname MXD Saciid aqayarta kan adunka ugu orod badan waa in u no imada wayo waxa ey no tahay sharaf weyn

  11. Altezo Reply

    07-August-2012 at 11:48 pm

    Dhmn aqyaarta qiimaha iyo sharafta mudan wad slmanthn marka xigta aniga waxan raja kaqabaa Dzeko inuu isii joogi doono if allh sys

  12. mohamed united Reply

    07-August-2012 at 9:48 pm

    wwaa inay iska diyaariyaan dhibcaha nadiyada chelsea arsenal man city liverpool iyo 16ka kale ee nadi
    viiiiiiiiiiiiiiiiiivvvvvvvva manchester united

  13. Dhalxa yare Reply

    07-August-2012 at 8:38 pm

    Asc akhayarta dhaman team walba waxii ku soo kordha wan arki doona team walbana guul ayan urajayna

  14. Gothane Reply

    07-August-2012 at 8:32 pm

    Waaw runt ayaa laga hadlay maxaa yelay chelsea waa abig team man und. arsenal. Liverpool iyo man city ha diyaariyan 6point…..

  15. van sakariye Reply

    07-August-2012 at 8:04 pm

    sxbayaalow kaas ha iga qabanina ARSENAL UU WAX KA SHEGAY CML >>> VIIIVA ARSENAL

  16. Eden hazard ch fc Reply

    07-August-2012 at 7:46 pm

    Viva chelsea ya kaari kara chelsea

  17. Salman.yare Reply

    07-August-2012 at 7:26 pm

    Kaka milan

  18. Sarhaye Reply

    07-August-2012 at 7:07 pm

    Waryaadahen bal dib iskugu noqdaa oo arsenal ma wax la dhigma aya jira adunka vps noolo waaliga

  19. Sarhaye Reply

    07-August-2012 at 7:07 pm

    Waryaadahen bal dib iskugu noqdaa oo arsenal ma wax la dhigma aya jira adunka vps noolo maaliga

  20. axmed varmalien ** Reply

    07-August-2012 at 6:08 pm

    manta suuq madowad aya jiro ma nuurayo lkn juventus waxa dhihi laha nagadaya pezzini inter ayu wax u qawan wayay daminka

  21. Mubarak Reply

    07-August-2012 at 4:29 pm

    Kanu 3 chelsea 2 markii la dhahayey rera chelsea goronka ayey da wanayen miyaa

  22. Ahmedyare Reply

    07-August-2012 at 4:09 pm

    Asc akhyarta melkasta oo ad joogtan soon wanaagsan fikirkayga aniga manta suuqu ilama kacsana lkn waxa xiisaha leh oo an arko manta ayaa ah nink aduunk ugu dheereeya inuu duunayo inuu fotfoolna dheelo marka waxaan leeyahay kusoo dhawaw footbal kusoodhawae united sida loo ordo bar difaacyada viva united

  23. Arsenal 5 van prs 3 chls 3 Reply

    07-August-2012 at 4:04 pm

    Waaaaaa warey pdlsk ya celini waaaaa warey crld ya celini waaaaa warey ya wada celini manaa yabine ma yabten vivi wilka da’da yar olx chmln and kadiru no 10 ngamia f c

  24. Maxamed xasan rabiica Reply

    07-August-2012 at 3:45 pm

    Wan qaba fikir ahaan inan waxa ka o,gano tarikhda kubadda cagta aduunka

  25. Ziiadis Reply

    07-August-2012 at 3:41 pm

    Waxaam leeyahay oradyahanka aduunka kusoodhawaaw m.u waa naadiga ugu fcn aduunka viva m.u.t.d

  26. Arsenal 0 - 5 Chelsea, 1999 Carling cup 4th Round At Highbury Reply

    07-August-2012 at 3:35 pm

    VIVA KINGS OF EUROPE CHELSEA FC REER ARSENAL WALIGIIN HEERKAAS GAARI MAYSAAN

  27. Chelsea 2 kanu 3 Reply

    07-August-2012 at 3:32 pm

    Viva Arsenal and real madrid

  28. Handovic Reply

    07-August-2012 at 3:18 pm

    Asc all aqayarta anega wan sodhawena usain bolt inka oradka badan viva kagawa man utd guuul

  29. caaqil114 Reply

    07-August-2012 at 3:06 pm

    nuri sahin nookeena wuuna anfacayaayee.. juve weey riyooneeysaa heli meeysaan suarez waa halka xidig ee lagu tashanaayo weerarka.. viva liverpool.

  30. Nuur awdile Reply

    07-August-2012 at 3:02 pm

    .k.k.k.k.k wawaraaay viva arsenal

  31. Lamaak jijigaawi Reply

    07-August-2012 at 2:55 pm

    Victor moses iyo Cesar azpalicueta ayaa chelsea imanaya

  32. Deco Reply

    07-August-2012 at 2:53 pm

    Viva arsenal

  33. macalin santuunji Reply

    07-August-2012 at 2:49 pm

    waan ku salamayaa magaceyga wa macalin k.k.k.k.k waxan la qoslayaa juventus kulahaa suarez ayaan keenenaa k.k.k.k war xitaa riyo kuma arkeysaan suarez mida kale ma waxad na modeen arsenal oo suuq ah juventus waxan dhahayaa arki maysid ee is daji marka tagerayasha liverpool waxan u shegayaa in ay koxda ay baxar in ay ku jirto misna rajadii kaalin 4aad in ay baxar weyn ku jirto hadaan wax la keenin maxa yeelay arsenal puduliski iyo corzola ayay keensatay weliba puduliska wa nin dhameestir bdn wan ka baqayaa hadana hadu sii jogo v.persea o hadana u so kacayo welsear marka hadana aan arkayo totonham o is dhis isku wado marka maxa naga go.an inaa u so baxno chanpionka sanadkan hadan u so bixiweyno koxda way u dhamanesaa marka ani hada sida wax u socdaan wan u baqayaa liverpool maxaan samenaa wa yaab

  34. Rubac Reply

    07-August-2012 at 2:37 pm

    Arsenal waxa jogo rvp o yaqano qaabka cech golol loga dhaliyo marka taa xisaabta halagu daro dhinaca kale reds waxan leyahay hurdada ka kaca

  35. kayse Reply

    07-August-2012 at 2:35 pm

    Idinku waxaad doontaan iska soo qora liiskii markii dhawayd aad ronaldo 1 kaga dhigteen baa noogu filan beenta wargaysyada yurub ee goal.com ku jirto waa been PSG ma doonayso LUCAS may doontaan MODRIC

  36. united Reply

    07-August-2012 at 2:32 pm

    suuqa maante ma kacsano cml

  37. Abdalla safarka Reply

    07-August-2012 at 2:25 pm

    Kkkkk husein bold sodhawaw walarabaa wax ordisiyo difacyada prmier leaga sida j.garagher iyo terry kkkkk kusodhawaw united qosol marka imatit old traford ayu yaalaaa kk viva manu and safarka

  38. Abdimuqtar Reply

    07-August-2012 at 2:24 pm

    Hayey ka cabso usain bolt ninka ugu orodka badan dunida. Kkkkkkk.

  39. Abdalla safarka Reply

    07-August-2012 at 2:19 pm

    Rvp wuxu kuwajahanyahay teamka ma utd isbuca sosocdana wa ciyaryahan katir united waan ogahay tagero arsenal ma aminayan lkn danta aya aaminsineso viva manu and safarka

  40. Nuur bolay Reply

    07-August-2012 at 2:18 pm

    Vv arsenal

  41. Arsenal 0 - 5 Chelsea, 1999 Carling cup 4th Round At Highbury Reply

    07-August-2012 at 2:14 pm

    VIVA KINGS OF EUROPE CHELSEA FC ARSENAL WALIGIIN HEERKAAS GAARI MAYSAAN,

  42. Arsenal 0 - 5 Chelsea, 1999 Carling cup 4th Round At Highbury Reply

    07-August-2012 at 2:13 pm

    VIVA KINGS OF EUROPE CHELSEA FC ARSENAL WALIGIIN HEERKAAS GAARI MAYSAAN

  43. Yaaaaaaaaaaabka Reply

    07-August-2012 at 2:06 pm

    Rvp iiib mahan e liverpool hala aado ayan idin leyahay

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>