Weeraryahanka Bayer Munich Gomez Oo Lix Toddobaad Garoomada Uga Maqnaanaya Dhaawac Soo Gaaray | Laacib.net
Home » Horyaalada » Germany » Weeraryahanka Bayer Munich Gomez Oo Lix Toddobaad Garoomada Uga Maqnaanaya Dhaawac Soo Gaaray

Weeraryahanka Bayer Munich Gomez Oo Lix Toddobaad Garoomada Uga Maqnaanaya Dhaawac Soo Gaaray

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 6-08-12 11:27 PM

Kooxda Bayern Munich ayay ku noqotay dharbaaxo kadib markii  la xaqiijiyey in weeraryahankeeda Mario Gomez uu garoomada ka maqnaan doono illaa lix toddobaad kadib markii uu u baahday qalliinka lugta loogaga sameyo iyadoo  uu dhaawac soo gaary.

laacibkan ka tirsan xulka Germany  ayaa dhaawacan waxa uu ka soo gaaray kulan ay kooxda Bayern Munich sabtidii la yeelatay Werder Bremen kaasoo rigoorayaal loogaga badiyey Bayern Munich iyadoo kulankana uu ahaa mid loogu tartamayay koobka  LIGA Total!.

27jirkan ayaa la hubaa in uu ka maqnaan doono bilowga xilli ciyaareedka Bundesligaha isagoo qalliinka lagu samaynayo uu yahay mid afar illaa lix toddobaad uu kaga soo bogsan karo.

“Afar toddobaad illaa lix toddobaad oo nasasho oo uu saddex ka mid ah biro ku socon doono ayuu mari doonaa Gomez”sidaa waxaa wargeyska Bild u sheegay dhakhtarka  isboortiga kooxda Munich   Bernd Kabelka.

Bayern Munich ayaa waxaa ugaga maqan dhaawac laacibiin ay ka mid yihiin David Alaba ,Rafinha iyo Diego Contento. Hase yeeshee waxa ay kooxdu ku faraxday kadib markii la ogaaday in dhaawac soo gaaray Bastian Schweinsteiger uusan ahayn mid culus.

Die Roten ayaa waxa ay koobka Bundesligaha kulankeeda ugu horeeya la yeelan doonto kooxda  Greuther Furth  Aug. 25, hase yeeshee waxaa ka soo horeeya kulanka DFL Supercup oo ay Borussia Dormund la yeelan doonto Aug. 12.

2 Responses to Weeraryahanka Bayer Munich Gomez Oo Lix Toddobaad Garoomada Uga Maqnaanaya Dhaawac Soo Gaaray

  1. Abuushaawir Reply

    07-August-2012 at 12:49 pm

    Wan ka xumahay dhawaca gomes so garay

  2. muhanad yare Reply

    07-August-2012 at 10:44 am

    waan ka xumahay dhawac sogaray wereryahanka koxda bayar manch waa werar yahay boskisa latidona

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>