Ruugcadaagii Hore Ee Real Madrid Raul Oo Goolkiisii Ugu Horeeyey U Dhaliyey Kooxda Al Sadd | Laacib.net
Home » Maqaal » Ruugcadaagii Hore Ee Real Madrid Raul Oo Goolkiisii Ugu Horeeyey U Dhaliyey Kooxda Al Sadd

Ruugcadaagii Hore Ee Real Madrid Raul Oo Goolkiisii Ugu Horeeyey U Dhaliyey Kooxda Al Sadd

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 5-08-12 3:53 PM

Raul ayay ku qaadatay hal kulan in uu goolkiisii u horeeyey u dhaliyo kooxda Al Sadd oo uu ku biiray kadib markii rigoore uu u laaday kooxdiisa kulan ay la yeesheen kooxda Mesaimeer Sabtidii.

Kabtankii hore ee xulka Spain ayaa u soo xilli ciyaareedkan u soo wareegay naadiga ka dhisan dalka Qadar kadib markii uu labo sano uu u ciyaarayay kooxda Schalke isagoo kooxda ku hogaamiyey inay gaaraan heerka Semifinalka ah tartanka horyaalka Yurub ee Champinska 2010-2011,

Al Sadd  ayaa gool ku hormartay daqiiqadii 16aad isagoo uu goolkaana u dhaliyey Nadir Belhadj strike, hase yeeshee daqiiqadii u dambaysay ciyaarta ayaa garsoorihii kulankan tilmaamay rigoore kaasoo uu u saxiixay kooxda Al Sadd Raul.

Ruugcadaagan No7qaata ayaa haysta horyaalka gool dhalinta UEFA waxana uu kulanka uu u saftay Al Sadd uu qeyb kamid ah ahaa kabtanka kooxda kadib markii la bedelay
Abdulla Koni.

Natiijada ay kulankan ka gaartay Al Sadd ayaa ka dhitey mid ay ugu gudubto ciyaaraha semifinalka ee koobka loogu magac daray Sheikh Jassem cup halkaa oo ay ku wada ciyaari doonaan kooxda haysata koobkaas ee Al-Arabi.

3 Responses to Ruugcadaagii Hore Ee Real Madrid Raul Oo Goolkiisii Ugu Horeeyey U Dhaliyey Kooxda Al Sadd

  1. abdulla koni Reply

    05-August-2012 at 11:12 pm

    raul waa kabtan spainsh waana kabtanki hore nadiga real madrid waana kabtan ficile

  2. farey farsamo Reply

    05-August-2012 at 5:05 pm

    raul waa kabtan qaran mid naadi waana halyee caalami ah lkn da.da ayaa kadaba timid

  3. Nasir Reply

    05-August-2012 at 4:41 pm

    Ahey wa u qalama a:-*

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>