Liverpool Iyo Inter Milan Oo Guulo Ku Bilowday Isreebreebka Loogu Soo Baxayo Europa League. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Liverpool Iyo Inter Milan Oo Guulo Ku Bilowday Isreebreebka Loogu Soo Baxayo Europa League.

Liverpool Iyo Inter Milan Oo Guulo Ku Bilowday Isreebreebka Loogu Soo Baxayo Europa League.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 3-08-12 8:11 AM

Kubad xoogan oo meel 20 yaardi u jirta goolka uu ka soo toogtay Stewart Downing ayaa u ogolaatay tababare Brendan Rodgers inuu guuushiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah uu ku hogaamiyo Liverpool iyadoo 1-0 kaga badiyay kooxda Blurus ee FK Gomel lugta hore ee isreebreebka kooxda Europa League.

Goolka Downing ayaa yimid ka dib markii uu ka soo galay dhanka garabka midig, isagoo adeegsaday lugtiisa bidix oo uu kubada meel gees ah ka geliyay shabaqa, goolkaas ayaana badbaadiyay Liverpool oo aan soo bandhigin ciyaar indho qabad leh, iyadoo dhaawac uu xilli hore ka soo gaaray Joe Cole.

Waxaana kooxda FK Gomel ayaa qalqal gelineysay badanaa daafaca danbe ee Liverpool oo uu u muuqday kuwa isku dhex yaacsan, waxaana ciyaarta oo 25 daqiiqo dhiman ay fursad u heleen inay kubad birta ku dhuftaan qeybtii labaad ee ciyaarta.

Lakiin tababare Rodgers ayaa ku faraxsan in shabaqooda ay soo ilaashadeen islamarkaana iyagoo gool wata ay ku soo laabanayaan Anfield halkaasoo lugta labaad ay ku martigelin doonaan FK Gomel isbuuca soo socda.

Dhinaca kale Inter ayaan shaqo badan ku bixinin kooxda Hajduk Split, ka dib markii ay 3-0 ku xaaqeen kulanka lugta koowaad ee isreebreebka Europa League.

Nerazzurri ayaa wareega 3aad ee isreebreebka Europa League ka bilaabeysa madaama ay kaalinta lixaad ku dhameysteen horyaalka xilli ciyaareedkii hore. Iyadoo lugta hore ay ka dhacday Split, halka lugta labaad ay ka dhici doonto 9ka bisha August.

Douglas Maicon, Julio Cesar iyo Giampaolo Pazzini ayaa ka maqnaa liiska loo gudbiyay UEFA ee tartanakaan ka qeybgalaya sababtoo ah waxa ay saran yihiin suuqa kala iibsiga, halka Andrea Ranocchia uu isna seegay madaama uu saaka marqaati fur u saran yahay maxkamada qaadeysa dacwada sharadii sharcidarrada ahaa.

Goolasha Inter waxa ay uga mahadcelneysaa Sneijder, Nagatomo iyo Coutinho.

18 Responses to Liverpool Iyo Inter Milan Oo Guulo Ku Bilowday Isreebreebka Loogu Soo Baxayo Europa League.

  1. baariyow Reply

    03-August-2012 at 7:48 pm

    marka hore ramadanul karim mida xigto liverpol waa tim wayn waxan dhihi lahay liverpol waa tiile wax isbadal ah kuma soo siyadin cup ay qado iska dhah waxan ka cabsana in ay sanad kan kalinta towanad weyso wayo inta kulan sxb tinimo ay dhashar natijo fican kama kenin kulanki calamiga ahay na wad arakten sida ay urafaden waxa laga raway in ay natijo wayn kakenay waxa mac qul ah in gurigoda lagu garaco marka waxan idin leyahay dagarayasha lfc sanad kasto wad botenaysin melna matagtin ee botada iska dhafa cup dadka iska leh waa layaqana mesha talo kuma haysan ee dafac iyo warar fican ken sada mesha wax kuma haysan

  2. daadir Reply

    03-August-2012 at 4:52 pm

    viva liverpool lkn waxaan jeclaanlahaa sanadkaan inaa ku guuleesataaan permanliga sanadka danbane aan iska dhex arko chambions sidi aan ahaan jirnay oo kale 2005 2006 2007 viva liverpool sanadkaane waa timid juventus ka cabsada marwada hayeee

  3. Cabdi nasir maxamuud Reply

    03-August-2012 at 2:29 pm

    Asc dhaman shaqalaha laacib net waa ku mahad san yihiin shaqada wanagsan ee bulshada u qabteyn marka hadan ka hadlo fiker kayga runti sanadkan nadiga inter waa sanad keedi ay qaadi lahayd horyalk seria iyo eure liiga wana qatar sanadkan kacabso inter juventuusna waxba umahayo sanadkan dariskaygana sido kale

  4. Abdijaliil - Gerrard 8 Reply

    03-August-2012 at 12:47 pm

    Yes. SLN sare All liverpool supports.
    Waan ku faraxsanahay guushii ugu horeeysay ee ciyaaro rasmi ah uu gaaro Brandren Rodgres. Anfieldna waan ku xasuuqi doonnaa.

    Born A RED ~
    Leve A RED ~
    die A RED ~
    — Liverpool football clup for life —

    ** You’ll Never Walk Alone **
    == livdrpool 5 champions == ..

  5. Sharaf%sharaf Reply

    03-August-2012 at 12:01 pm

    Asc dhaman bahda laacib.net sln kadib hadan aan cabiro fikirkeyka ku aadin liverpool waxan sifudud ku oran laha meel magaareyso liverpool bye bahda laacib.net

  6. Cabas m abshir Reply

    03-August-2012 at 11:36 am

    Asc dhamao bahweynta xiiseeysa isborstiska .waxan kacod sanaayaa wariya yaasha laacib.net .in eey noo soo gudbiyan .kahadalka anba kasheekenta .gabarta iyo wiilka kutartamaya xaga oroda .zamzam iyo maxamed

  7. c/salaam Reply

    03-August-2012 at 11:30 am

    Asc dhmn bahda laacib.net sln haddan ka hadlo fikradeyda sanadkan liverpol wax weyn qaban dontaa dhanka kale liverpool waxaa u soo baxayy ciyaariyahan da’yar kaasob N.sterling macalinkana wax weyn ayuu u qaban doonaa viva liverpool

  8. Hanad Reply

    03-August-2012 at 11:27 am

    KkkkkkKkkkkkKkkkkkKkkkkkKkkkkk fantastic dadow waan guulaystay wana lay cugay war miya ciyarta ninki daawaday aya war ka sheegi karo liverpol sacada iyado firinayso goal ka fujiyay waqtiga ku dheraday 1sano in laciyarayo ayey moodenKkkkkk tankale man u wan ka cabsana wana kabadina is maleh liverpol iyo QBR waa no isku kaymid kox kalin 15 jogta aya hadlaysa Kkkkkk viva man u

  9. Hassan barah Reply

    03-August-2012 at 10:49 am

    Waxba suares yuunan faaqlaynin meel magaadhayee

  10. Mr america Reply

    03-August-2012 at 10:31 am

    Run ahanti waan wax lagu farxo wlbo aan ku qadi karno horyalka ayaan qabny run ahanti iyado ciyartoy qaar kood maqan yihi aan saas samaynybo yaabo is garay

  11. Magaceygu waa hadanad yare Reply

    03-August-2012 at 10:19 am

    Waa war wangsan iney liverbool ee garnkeyda mayl kabaxsan ee kubadiso run ahantii sanad sidas iyo si kawangsan ayan urajeynahayaa viv liverbool

  12. caaqil114 Reply

    03-August-2012 at 10:15 am

    asc ramadaan kariim dhamaan asxaabta sxb sare capitano abti doon waan kaa qaaday salaantadii qiimaha badneeyd mid la mid ah ayaan hawada kuusoo marinayaa.. livertii layaqaanay ayaa soo socotee halagu tashado.. horyaalka ayaanba sugi la’ahay. viva liverpool..

  13. c/samed banzema Reply

    03-August-2012 at 10:04 am

    liverpool ayaa sanadkan qaadaysa europa leagaha viva guul liverpool

  14. mohamed,toress Reply

    03-August-2012 at 9:51 am

    Kkkk wlh mararka qaar waxa ku qabanaysa iska dhaaf webkan waxan layaabanahay mid ayaa waxay kaga dhagtay kanuu3 chelsea 2 war waxas intaad iska dhaafto wax hal maalin dhacay ayuu ahaaye hada sokama ay sumcad badna magaceeda ma taqaanaa mesha u ku qoronyahay yaab hadana kaas waxa iga sii daran kanle waxan xasuuqi donaa arsenal man u iyo chelsea war adiga intee jogta horta yaa kaa cabsanayaba maxad xasuuuqi sero b wax ma dhaantide

  15. Capitano Abti Doon MacQulsome Reply

    03-August-2012 at 9:08 am

    Asc Dhmn Bahda Sports-Ka & Webka Laacib.Net, Sln Qaas Ah Dhmn Taageerayaasha The Kop, Sida Caaqil114, Sln Kadib:

    Waa Guushii Ugu Horeysay Ee Kulan Caalami Ah Ee Macalin Brendan Rodgers, Tan Iyo Markii Uu Xilka Kala Wareegay Tababarihii La Ceyriyey Ee Kenny Dalglish.

    Sidoo Kale Waa Guushii Ugu Horeysay Ee Ay Liverpool Ku Soo Gaarto Meel Ka Baxsan Garoonkeeda, Iyadoo 5-Tii Kulan Ee U Danbeysay 4-Kamid Ah Barbaro Ku Dhameysatay, 1 Jeerna Afka Ciida Loo Daray.
    Waana Kulankii 140-Aad Ee Ay Liverpool Ciyaarto Koobka Europe League.

    Kulankaan Ayaa Ahaa Kulankii Sadexaad Ee Ugu Dhaqsiyaha Badnaa Ee Abid Ee La Ciyaaro Koobkan.

    Kaptanka Labaad Ee Naadiga Jammie Carracher Ayaa Ciyaaray Kulankiisii 700-Aad, Isagoo Kulabisan Maaliyada Gaduudan Ee Reds, Halka Raheem Sterling Uu Noqday Xidigii Ugu Da’da Yaraa Abid Ee Kulan Caalami Ah U Ciyaara Taariikhda Team-Ka Liverpool, Isagoo Da’diisu Ahayd 17 Sano & 238 Maalmood.

    Lugta Labaad Ee Kulankaan Ayaa La Ciyaari Doonaa Usbuuca Soo Aadan Maalinimada Khamiista Ah.

    Thanks Laacib.Net.

    MAKE YOUR HANDS UP & LET US SAY TOGETHER” YOU WILL NEVER WALK ALONE”.
    KEEP CALM AND BELIEVE IN LIVERPOOL.

  16. Cali Reply

    03-August-2012 at 9:02 am

    Waa sidaa oo luis kuburiye kanixiye suarez uu maqnaa Ya is gaaray chalsea m.united arsenal iyo m.city ayan sii xasu qeynaa

  17. Abdifataah villa Reply

    03-August-2012 at 8:36 am

    Asc dhaman bahda laacib.net liverpool sanadkan sidi hore mahan waxan iyo wax ka weyn ba wey so socdan viva liverpool

  18. Farhan Reply

    03-August-2012 at 8:30 am

    K.k.k.k.k. Ad ayan ugufaraxsanahay iney guleysato liverpool madama ukamaqna lacibka suarez

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>