Home » Horyaalada » England » Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 01-August-2012

Ramadan Kariim akhristayaasheena qiimaha leh meel kasta oo aad joogtaan, waa mar kale iyo barnaamijkii xiisaha lahaa ee Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Barnaamijkan waxaan idinkugu soo gudbinaa wararka xanta ah ee wargeysyada qaarada yurub ay ka qoraan maalin walba suuqa kala iibsiga marka laga reebo maalinta jimcaha.

Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.

INGARIIS:

Manchester City ayaa 35 milyan ginni ugu dhaqaaqeysa xiddiga kooxda Real Madrid Gonzalo Higuain, madaama ay u muuqato inay tartanka Robin van Persie kaga harayaan kooxaha Manchester United iyo Juventus. Madaxa City Brian Marwood ayaa u olaleynaya in loo dhaqaaqo 24 jirka reer Argentina halkii la isku dayi lahaa RVP. (Daily Mirror)

Man United ayaa u muuqata inay haatan ugu cadcadahay saxiixa Robin van Persie, ka dib markii ay soo muuqatay in Juventus ay ka laba labeneyso inay ku dalbato 20 milyan ginni iyo mushahar 190 kun gini isbuucii ah oo uu dalbanayo Robin van Persie. (Daily Express)

Weeraryahanka Liverpool Andy Carroll ayaa loo soo bandhigi doonaa mushahar gaaraya 100 kun ginni  isbuucii si uu u aqbalo inuu ka tago Liverpool oo uu ku biiro West Ham United. (Daily Mirror)

Kooxda West Ham ayaa sidoo kale u soo bandhigi doonta sideed sanno oo qandaraas ah ciyaaryahan Andy Carrool, taasoo ka dhigi doonta inay ku qarashgareeyaan weeraryahanka 36 milyan ginni. (The Sun)

Real Madrid ayaa ku hanjabeysa inay ka dhaqaaqi doonto dalabkeeda Luka Modric , ka dib markii Spurs ay dalbatay in heshiiska 36da milyan ginni laga dhigo mid kaash afka hore ah. Spurs ayaa ogolaatay inay ka soo dabacdo doonitaankeeda 40 milyan ginni lakiin waxa ay diideen inay aqbalaan lacagta watqiga dheer lakala siinayo ee ay soo jeedisay Real. (The Sun)

Kooxda Gunners ayaa waqti uu ku socdaa iyadoo laga yaabo inay weysi Santi Cazorla, madaama kooxda Malaga ay galeyso wadahadalo ku saabsan cidii iibsan laheyd kooxda. (Daily Mirror)

Fiorentina ayaa dib u soo nooleysay xiisaheeda ku aadan weeraryahanka Arsenal Marouane Chamakh, halka Barcelona ay ka fekereyso inay u dhaqaaqdo Alex Song. (The Times)

Kooxda Liverpool ayaa dooneysa inay 7 milyan ginni ku soo xerogeliso ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal Manuel Fernandes oo u ciyaara kooxda Turkiga ee Besiktas. (Daily Mirror)

Weeraryahanka Liverpool Craig Bellamy ayaa la filayaa inuu si joogta ah ugu dhaqaaqo Cardiff City xagaagan, ka dib markii Cardiff ay ogolaatay inay bixiso musharkiisa 80ka kun ginni isbuucii ah. (The Times)

Demba Ba ayaa u muuqda inuu sii joogi doono St James Park ka dib markii la dhaafay waqtigii heshiiskiisa lagu burburin karay 7 milyan ginni kaliya, iyadoo kooxo badan ay dhaaftay fursad qaali ah. (The Times)

Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa ku dagaalamaya saxiiixa ciyaaryahanka kooxda Celtic Victor Wanywama. (Daily Mail)

Kooxda Trabzonspor ayaa dooneysa inay la wareegto daafaca Manchester City Kolo Toure, kaasoo ay hal sanno kaga hartay qandaraaskiisa Sky Blue. (Daily Mail)

ITALY:

Tababaraha kooxda Roma Zdenek Zeman ayaa u diyaar garoobaya inuu soo dhaweeyo daafaca kooxda Palermo Balzaretti kaasoo la filayo inuu dhawaan si rasmi ah ugu biiro kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga. (Gazzetta dello Sport)

Palermo ayaa ku heli doonta iibka Balzaretti 4.5 milyan euro, iyadoo taageerayaasha Palermo ay ka careysan yihiin heshiiska ay kooxdooda la gashay kooxda AS Roma. (Corriere dello Sport)

Kooxda Lazio ayaa dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda ku aadan daafaca reer Italy ee kooxda Newcastle ee Premier League Davide Santon, waxaana ay isku dayayaan inay ciyaaryahanka da’da yar dib ugu soo celiyaan Serie A. (Corriere dello Sport)

Kooxda Inter Milan ayaa kali ku noqotay ceyrsashada ciyaaryahanka kooxda Sao Paulo Lucas Moura ka dib markii Manchester United ay ka baxday doonista ciyaaryahanka reer Brazil. (Tuttosport)

Ciyaaryahanka kooxda Inter Milan Andrea Ranocchia ayaa meesha ka saaray wararka la xiriirinaya kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus, isagoo sheegay inuu qandaraas kula jiro Inter ilaa iyo 2015 islamarkaana uu ixtiraami doono qandaraaskiisa kooxda. (Football Italia)

Madaxweynaha kooxda Lazio Lotito ayaa sheegay in madaxweynaha Palermo uu u adeegsaday magaciisa si Roma ay miiska u soo saarto dalabkeeda Balzaretti madaama Palermo ay sheegtay in Lazio ay ku soo biirtay tartanka ciyaaryahanka, taasoo uu sheegay madaxweynaha Lazio inay aheyd been uu iska sameystay madaxweynaha Palermo. (Football Italia)

Kooxda Milan oo dhibaato ay ka heysato inay la soo wareegto daafaca iyo kabtanka Montepelier Mapou Yanga-Mbiwa ayaa waxa ay la micno tahay inay ku laabtaan xiisihii ay u hayeen ciyaaryahanka Cagliari Davide Astori. Milan ayaa dooneysa daafac dhexe ka dib markii xagaagan ay kooxda ka tageen Nesta iyo Silva. Waxaana ay Monteplier ay isku fahmi waayeen lacagta ciyaaryahan Mbiwa iyadoo kooxda Faransiiska ay dooneysa 18 milyan euro halka Milan ay taagan tahay 6 milyan euro. (Football Italia)

SPAIN:

Milkiilaha kooxda AC Milan Silvio Berlusconi ayaan weli meesha ka saarin in kooxdiisa ay dooneyso inay xagaagan la soo wareegto xiddigoodii hore ee reer Brazil Ricardo Kaka. (Marca)

Ciyaaryahanka daafaca kooxda Real Madrid Pepe ayaa sheegaya in mustaqbalka ciyaaryahan Kaka inuu ku jiro gacmihiisa islamarkaana uu yahay qofka kaliya ee og halka uu doonayo inuu ka ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda. (AS)

Ka dib markii ay la soo wareegaan Jordi Alba, Barcelona ayaa dooneysa inay ka dhigto saxiixeeda labaad daafaca 27 jirka kooxda Liverpool Daniel Agger, oo ay doonayaan inay ku dalbadaan 20 milyan euro, lakiin Liverpool ayaan dooneynin inay iska iibiyaan ciyaaryahankooda. (AS)

Daafaca kooxda Real Madrid Arbeloa ayaa heshiiska u kordhiyay kooxdiisa Real Madrid isagoo qalinka ku duugay heshiis cusub oo ilaa iyo 2016ka ah. Qandaraaskiisii hore ayaa ku ekaa 2014. (AS)

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee kooxda Malaga Santi Cazorla ayaa u dhow inuu u dhaqaaqo Arsenal ka dib markii kooxda Malaga ay ka soo dabacday lacagtii lagu burburin karay heshiiskiisa kooxda oo aheyd 45 milyan euro, waxaana ugu wacan xaalad dhaqaale xumo oo soo wajaheysa kooxda reer Spain, madaama milkiilayaasha carabta ay doonayaan inay iska iibiyaan. (AS)

Kooxda Barcelona ayaa xiriirkii ugu danbeeyay la sameyn doonta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atletic Bilabao Javi Martinez marka uu ka soo laabto ciyaaraha Olimbikada, waxaana ay doonayaan inay meel ku ogaadaan xaalkiisa ka hor inta aysan ujeesan meelo kale. (Sport)