
Zlatan Ibrahimovic ayaa ku bilowday bilow wanaagsan kooxda uu dhowaan ku biirey ee PSG isagoo saddexdii daqiiqo ku dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey ciyaar ay wada kulmeen kooxda DC United iyadoo ciyaartuna ka dhacday garoonka RFK Stadium ee magaalada Washington DC.
Hase yeeshee weeraryahanka reer Sweden ayaan saameyn badan sameyn goolka kadib isagoo la bedelay 38 daqiiqo marka ay ciyaartu socotay.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa sheegay ciyaarta inta aysan bilaaban in uu Ibrahimovic ciyaarsiin doono 40-45daqiiqo.
Goolkaa kadib ayaa roob weyn uu ka da’ay garoonka isagoo roobku watay gugac iyo biriq waxaana ciyaarta la hakiyey muddo 45 daqiiqo ah.
Hase yeeshee markii ay ciyaartu dib u bilaabatay ayaa kooxda DC United waxay si dhaqso ah ku barbareysey ciyaarta iyadoo ka dhigtey 1-1 iyadoo uu goolka u dhaliyey De Rosario.
PSG ayaa fursado badan heshay hase yeeshee waxaa ka badbaadiyey goolhayaha kooxda DC United ee Joe Willis oo bedel ku soo galay.
httpv://www.youtube.com/watch?v=m3pcTDJGwYU
Saadaq
29-July-2012 at 1:41 pm
Ibro wu kuficanyahay melkasta uutago guul ban urajeynaya fifa
cabdi goobe
08-August-2012 at 1:40 pm
ibra wa nin u qalma inuu waqti yar goal ku dhaliyo
diinaka
29-July-2012 at 11:52 am
seee cml laacib.net video-gaan ma ahan mid shaqeeynaaayo
haykal
29-July-2012 at 11:36 am
bravo…..bravo…..zlatan. the pest no:9
xudeyfa syl
29-July-2012 at 11:32 am
ibro wa xidig meshi u tago wacdaro ka dhigaya sanadkan horyalka farance wa wa weyn ayu noqonaya