
Hadalkii uu dhawaan Thiago Silva ku sheegay inuusan dooneynin inuu ka tago AC Milan ayaa ka sii careysiiyay taageerayaasha kooxda kuwaasoo dalbaday inay ogaadaan hadii milkiile Silvio Berlusconi uu qorsheynayo inuu dib u maalgeliyo kooxda.
Bixitaankii daafaca reer Brazil Thiago Silva iyo hogaamiyahoodii weerarka Zlatan Ibrahimovic ee ay ku biireen kooxda lacagta badan heysata ee Paris Saint-Germain, ayay amakaag ku aheyd taageerayaal badan oo Milan ah, iyadoo kooxda ay xilli ciyaareedkii hore si ciriiri ah koobka horyaalka ugu weysay Juventus.
Halkii ay isku sii xoojin lahaayeen xilli ciyaareedka cusub ee bilaabanaya bisha August, kooxda ku guuleysatay 7da jeer Champions League waxaaba ay iska sii iibisay labadii ciyaaryahan ee ugu fiicnaa, iyadoo saxaafadana ay haatan sheegeyso in laga yaabo inay kooxda ka tagaan Robinho iyo Antonio Cassano.
“Kooxda waxa ay iska iibisay ciyaartoydii ugu fiicneyd, wax qorshe ahna ma hayaan mustaqbalka” ayay aheyd fariin lagu qoray bogga ay leeyihiin taageerayaasha Milan.
“Berlusconi inama ixtiraamayo, waa inuu ka tagaa kooxda” ayay yiraahdeen.
Milan ayaa isku dayaysay inay dhaqaalaha ka baxa hoos u dhigto sannadihii u danbeeyay iyagoo sidoo kale iska fasaxay dhowr ciyaaryahan oo gaboobay, waxaana ay farta ku fiiqayeen inay soo iibsadeey ciyaaryahano dhowr ah sida ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fiorentina Riccardo Montolivo.
Lakiin taasi ma aysan dejinin taageerayaasha careysan, oo ka warqabay waxa ay runtu tahay ka hor inta uusan Thiago Silva ka hadlin khamiistii in iibkiisa uusan isaga ka imaan balse ay Milan ka timid.
“U wareegitaankeyga Paris boqolkiiba boqol go’aankeyga ma ahan” ayuu yiri.
“Waxaan doonayaa inaan cadeeyo inaysan aheyn qaladkeyga, waan ka xumahay taageerayaasha Milan. Qoyskeyga iyo anigaba ma aanan dooneynin inaan ka tagno Milan” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Bedelka Ibrahimovic oo ahaa gooldhaliyahooda ugu sareeyay labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay ayaa ah muhiimada koowaad ee Rossoneri.
Si kastaba, wararka ayaa la xiriirinaya ciyaartoy sida weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko, kan Manchester United Dimitar Berbatov iyo kan Liverpool Andy Carroll, lakiin taageerayaasha kuma qanacsana iyagoo dareensan in seddexdaasba aysan ku heer aheyn Ibrahimovic.
hassanqalbi
23-July-2012 at 5:40 pm
viva milano
hassanqalbi
23-July-2012 at 5:39 pm
wanka xumahay hada nahay tagero yasha koxda rosa neri am so sry my life team milano is my heart 2 ciyari yahan o muhim ah aya naga tagtay
Rocisky
22-July-2012 at 9:21 am
Ac milan waxay rabta in ay noqoto arsenal
oo kale lkn macalinki qibrada laha majogo sorrey tagerayasha milan
LAMIIZ
21-July-2012 at 9:30 pm
ASC milan wey faideysatay ma aysan qasaarin sababtoo ah waxay kudhufatay waa lacak tiro badan mida kale aniga waxaay ilatahay in milan lagu leeyahay lacak maxaa yeelan wali geeda sidaan oo kale ma’aysameen marka hadaanu nahay dad waa ween ama dadka kutaxan SPORTIGA bal dib u eega arinkaa hal isbuu gudaheeda lagu iibiyay labo ceyar yahan oo u ah naadi laf dhabar VIVA deeman le iska guday kkkkk
Cassana
21-July-2012 at 7:38 pm
Midakale sanadki hore cassana kooxda qalin ayuu ugu maqnaay marka oo sobogsaday wad arakten borka ino koxda ka qaday iyo ciyaarihi qaramada yurub waxa oo kaso muqday xulkaqaranka. Miyaa ilaawden weerar yahanka da’dayara PATO sooxasusta champiolika kooxa waawen aya ka baqayo markey arkaan pato viva milan
Cassana
21-July-2012 at 7:37 pm
Midakale sanadki hore cassana kooxda qalin ayuu ugu maqnaay marka oo sobogsaday wad arakten borka ino koxda ka qaday iyo ciyaarihi qaramada yurub waxa oo kaso muqday xulkaqaranka. Miyaa ilaawden weerar yahanka da’dayara PATO sooxasusta champiolika kooxa waawen aya ka baqayo markey arkaan pato
Cassana
21-July-2012 at 7:33 pm
Ramadankariim. Marka xigta 2 nin lee miyaa kooxda lafdhaber u ah? Tankale ibra rag kafudud kana laacibsan kane da’yar ayaa lakenaa. Midakale koxda wali weynoshahay waxana lakena xidige da’yar oo werartamaayo 1 ayey islawerartamayan islana sodaganayaan. Hada dhaxda wey kadhisantahay afkahorane waa ok waxkalane waalakena viva pato
Ana waykan
21-July-2012 at 6:47 pm
BERLASCONI, WAXUU RABA IN UU KU SOO LAABTO , RAYSALWASARNIMADA TALYANIGA, SIDAAD OGTIHIINA LACAG BUU RABAA MARKAA, WAA IN UU LACAG HELAA, SI UU MAR KALE U SOO LAABTO
TALYANIGU WAA WADAN FOODO AH
Karaama
21-July-2012 at 6:34 pm
waan ka xumahay run ahaantii waxyaabaha uu ku kacay Berlusconi ma aheyn inuu diro 2daas iyaaryahan xitaa ha diro Ibra lkn in Silva la diro waan ka xumahay aad iyo aad ,walba wax u u cuntami kara naadiga masoo gadi arbo asaga iyo Geliani waa 2dulli ,iska iibiya naadiga hadaana rabin .
jayhand
21-July-2012 at 3:46 pm
ramadan kerim to all acmilan ma’aha tii ugu horaysay ee kudhacda koo naadi ah waad xasuu sataan arsinal man united sanadadii ugu dan beeyaay dhaqaale yaraantu waydhacdaa marwalba ma’aha in ay ka calool xumaadan
abdihakim
21-July-2012 at 3:17 pm
asc dhamaan.sallaan kadib waxaan idiin sheegayaa tageerayaasha MILAN, ha ilaawina in mulkiilha nadiga ee Berlusconi uu yahay nin siyaasiya waayadan damena lagu xamanayay in xaga siyaasada lagaga tabar badan yahay dhibaato xaga dhaqaalaha ah , maraka odaga dhinacaas buu u rabaa lacaga badan kamana helayo meel aan naadigiisa ahayn waayo lacagta keliya ee labadaas nin sanad kii qadan jireen waxay wax way ka taraysaa taageerayaal badan oo xaga siyaasada ah, taas waa in xisaabta lagu daraa ,kkkkkkkkkkkkkk
nuur milano
21-July-2012 at 2:23 pm
barlaskoni kooxda iska iibi qof yahoow meesha waxba kuma heysid kooxda waad bahdishay iskaga tag meesha
Pato
21-July-2012 at 1:50 pm
Runtii waan ka xunahay arintaan sorry Milan
maxamed madka
21-July-2012 at 1:20 pm
Aad ayuu u qaldan yahay maalqabeenka leh kooda ac milano waayo hada ayuu kala diray laacibiintii kooxda laf dhabar u ahaaa lakin war jiraaba cakaarow iman
4m south africa
21-July-2012 at 12:44 pm
Sorry my team u will be the team of teams viv acmilan 4ever
Milano
21-July-2012 at 12:40 pm
Aad ayaan uka xumahay ciyaartoydii qaaliga ahaa ee laka diray nadiga waana layaabanahay dhaqaale la aanta xun ee kudhacday naadiga acmilan perlesconi waa hapoon inuu iska iibiyo naadigaan
Caaqil
21-July-2012 at 12:03 pm
Asc dhamaan dhalinta soomaaliyeed iyo bahda laacib.net taageerayaasha ac milano mawaxaad ilaawsantihiin labadaan ciyaaryahay iney maalin un garoomada kabixi lahaayeen teeda kale meeqa ciyaaryahan oo laf dhabar ah ayaa soo martay naadigan sida bareezi albartiini nesta iyo iyo kuwa kabadan marka waxba ma aha kategida ciyaaryahanadaan viva milano
Sharaabi
21-July-2012 at 11:57 am
Waxan layabanahay dadka qaar ineysan waxba ka garaneyn sportga sida muno okale hase ahate fikirkeyga mowducan koxda Ac milan weyku qaldaneyd iibinta xidigahoda ugu wanagsan wana iney tilabo wanagsan qaadaa oo eykenan badalkoda
END 2 END
21-July-2012 at 11:53 am
Aniga ahaan waan ku raacsanhaey AC MILAN iney iska iibiso labadas nin coz waxey helaayan daqli fiican naadiga maalmahaan danbe hoos u dhac xaga dhaqaalaha ayaa heestey marka kuwa ka raqiiisisan ayeey ku helaayaan lagactee ka heleen labadas nin marka is dajiye dheh taageerayaasha !!
muna
21-July-2012 at 11:40 am
bilahi calayk carol naga wata lacag la aan hablaha buuhoodle kuwooda tageera liverpool way maceen qashinkan dherarka badan
muna
21-July-2012 at 11:38 am
bilahi calayk carol naga wata lacag la aan
Anwar
21-July-2012 at 10:28 am
Asc milan waxey gashay waqti xun lkn wax dhici karo lama saadalin karo waqtiga ayaan ka war sugeeynaa milan guul ayaan u rajeeynaa .
c.x.h
21-July-2012 at 10:12 am
milan arsinal iyo parma kuwaas ayey la mid noqoene laf dhabarada kooxda iska so dira dhaha juve wey isa sii dhisee saas aan rabaa abaah
Siyaad
21-July-2012 at 9:56 am
Hadaamu nahay tageeraha milano waan ka xunahay milkilaha inuu naga diro baalasha aan ku duuleene hada ka hor u xuudiray pirlo oo lafdhabar noo ahaa hafdane 2ba ciyaryahay oo baalsheena sorri !!