Ciyaaryahanada Bayern Munich Ee Alaba iyo Rafinha Oo Dhaawacyo Ka Soo Gaareen Kulan Saaxibtinimo | Laacib.net
Home » Horyaalada » Germany » Ciyaaryahanada Bayern Munich Ee Alaba iyo Rafinha Oo Dhaawacyo Ka Soo Gaareen Kulan Saaxibtinimo

Ciyaaryahanada Bayern Munich Ee Alaba iyo Rafinha Oo Dhaawacyo Ka Soo Gaareen Kulan Saaxibtinimo

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 21-07-12 6:02 PM

Bayern Munich ayaa labo dharbaaxo oo kulul ku dhacday kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciyaaryahanadeeda David Alaba iyo Rafinha ay dhaawacyo muddo dheer garoomada ugaga maqnaan karaan ka soo gaareen kulankii saaxibtinimo ee ay la yeesheen kooxda Napoli jimcihii.

Alaba ayaa u dhaliyey kooxdiisa goolkii lagu furay ciyaarta balse waxaa barbareeyey Paolo Cannavaro iyadoo kadibna Goran Pandev hogaanka u dhiibay kooxdiisa. Xherdan Shaqiri ayaa barbareeyey balse Lorenzo Insignie ayaa goolka guusha ay ku raacday u dhaliyey kooxda Napoli kulanka saaxibtinimo.

Waxaa la shaaciyey hadda in Alaba uu lugti bidix dhaawac ka soo gaaray kaasoo sababi kara in muddo lix ama siddeed toddobaad ah garoomada uu ka maqnaanayo, waxana uu ciyaaryahankan reer Austria uu ka maqnaan doonaa safarka ay kooxdiisu ku tegi doonaan bariga fog kahor inta aysan bilaaban ciyaaraha.

Waxana laacibkan 20jirka ah uu baaris caafimaad oo rasmi ah mari doonaa maalinta isniinta kadibna go’aan laga gaari doono daweyntiisa sida lagu shaaciyey shabakada kooxda Bayer Munich.

Rafinha ayaa isagana waxaa soo gaaray dhaawac aan u baahneyn in qalliin lagu sameeyo waxaana la filayaa ciyaaryahankan daafaca uga ciyaara Bayern in uu muddo afar ama shan toddobaad ah garoomada ka maqnaado.

Kooxda Bayern Munich ayaa kulankeeda ugu horeeya horyaalka Bundesligaha kula ciyaari doonto garoonka kooxda Greuther Furth on Aug. 24.

 

7 Responses to Ciyaaryahanada Bayern Munich Ee Alaba iyo Rafinha Oo Dhaawacyo Ka Soo Gaareen Kulan Saaxibtinimo

  1. yasmin like fernando torres Reply

    27-July-2012 at 4:07 am

    hahhha

  2. Cali xussen cige Reply

    25-July-2012 at 8:09 pm

    Waxay ilatahay in uu uqalmo abalmarnta lasinayo

  3. Abdirizack issack Reply

    22-July-2012 at 11:55 pm

    Aniga fikradayda hadi ankadibto aya waxay ilamuqata horyalka sanadkan socoda aya waxaqadi donta koxda Germanka e Baryern munich wayo qebta gol dhalintane wxa kuguleysndono ciyaryahanka lacibka sanadka messi

  4. mahamed hussein yousuf (qaddafi) Reply

    22-July-2012 at 2:57 am

    sidayna u ahyn sxb wa qasare inted leg !!!!!!!!!!!!!!!!!

  5. mahamed hussein yousuf (qaddafi) Reply

    22-July-2012 at 2:54 am

    sorry soory wan k xumhy ninki ka maqnaa ciyarti finalka maa dhawac kalna muu ku darsaday

  6. axmed luiz Reply

    21-July-2012 at 10:43 pm

    kooxda bayer munich aya qadi donto champiyon ka sanadka cusub gool dhalintana waxa qadayo goomiz waxeyna ka qade jufa

  7. SAAMI Reply

    21-July-2012 at 6:53 pm

    WAXBA MAHAN

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>