
Gonzalo Higuain ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo Real Madrid, ka dib markii kulan uu dhexmaray wakiilka ciyaaryahanka ahna aabihiis iyo agaasimaha Madrid Jose Angel Sanchez, sida ay qortay Marca.
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa xagaaga 2016, lakiin Los Blancos ayaa dooneysa inay qandaraaska u sii dheereyso islmarkaana mushaharkiisa kor u qaado, waxa uu haatan xilli ciyaareedkii qaataa 3.5 milyan euro, waxaana looga dhigayaa 4.5 milyan euro.
Higuain ayaa markaasi qaadan doona inta uu qaato weeraryahanka kale ee kooxda Karim Benzema, oo ah ninka ay ku tartamaan booska No 9 ee kooxda heysata horyaalka La Liga.
Inkastoo labada dhinac ay isku raaceen heshiiskiisan cusub, hadana laguma dhawaaqi doono ilaa iyo Madrid marka ay fasaxa ku tagto Los Angeles, halkaasoo madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu doonayo inuu kula kulmo Higuain ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiiska.
24 jirkaan ayaa Real Madrid kaga soo biiray River Plate bishii Janaayo 2009, waxaana uu ilaa iyo markaasi u dhaliyay 91 gool oo La Liga ah 162 kulan oo uu u saftay.
Juujuule
21-July-2012 at 3:26 am
Koox real madrid waa kooxda heesato horyalka liy liga xilli ciyaareedkan intii ayaa heesato koox heesato ku ma jirto waayo waxa laga helay labo ciyaar yihaan oo ugu fcn aduun waxe ciyaaran (9)waxa kala joogo laacibka aduunka c.runaldo waa ciyar yihan raadsado banooniga kuna raaxesto fc.bnc iyo aqayarta kale
c/samed banzema
20-July-2012 at 7:16 pm
waan ku farax sanahay in uu higwin ukordhiyo real madrd waayo isagaya iyo banzemaba waa labadda ciyariyahan ee ugu fiican ciyariyahannada adunka ka ciyaara lambar sagaalka
Qays
20-July-2012 at 2:59 pm
Kkk
sxbo yaal waa inu iskaga taga kooxda willku
jabra
20-July-2012 at 1:59 pm
walaalayal aniga higuan inu jogo aaad ayaa ugu faraxsanahy waxa uu kuso birey realmadird 2006 /2007 wakhtiga inu si jogo happy an ku hay wlc higuain sanadkan rajo fican ayuu gelinaya naadiga
shooter
20-July-2012 at 11:43 am
spurs can still survive…