Ferguson: Kenny Dalglish Waxaa Lagu Ceyriyay Sida Uu Ula Dhaqmay Arintii Isirka Ee Suarez. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Ferguson: Kenny Dalglish Waxaa Lagu Ceyriyay Sida Uu Ula Dhaqmay Arintii Isirka Ee Suarez.

Ferguson: Kenny Dalglish Waxaa Lagu Ceyriyay Sida Uu Ula Dhaqmay Arintii Isirka Ee Suarez.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 20-07-12 11:18 AM

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan in Kenny Dalglish looga ceyriyay Liverpool sida uu u xaliyay dacwadii isirka la xiriirtay ee ku socotay Luiz Suarez xilli ciyaareedkii hore.

Dalglish, oo ka tagay Anfield bishii May ayaa taageeray Suarez inkastoo weeraryahanka Liverpool lagu helay danbigii lagu heystay ee ahaa inuu cunsurinimo kula kacay daafaca United Patrice Evra.

“Lama aanan yaabin in Kenny uu baxay” ayuu yiri Ferguson.

“Milkiilahooda John Henry waxa uu sida muuqa uu fiiriyay dhacdadii Suarez, waxaana uu dareemay inaan loo xalinin si hagaagsan”

Ferguson ayaa intaa ku daray: “Hubaashii ma aheyn wax fiican inay sidaasi wax u dhacaan[taageerada Dalglish ee Suarez], taas ayaana qasab ah inay qeyb ka aheyd ceyrintiisa”.

Suarez ayaa lagu ganaaxay sideed kulan iyo 40 kun ginni xilli ciyaareedkii hore dhacdadaas darted.

13 Responses to Ferguson: Kenny Dalglish Waxaa Lagu Ceyriyay Sida Uu Ula Dhaqmay Arintii Isirka Ee Suarez.

  1. lous suarez Reply

    21-July-2012 at 1:50 pm

    waar waa duq waalan wr orod man utd si dheh man city iyo mario altihad ayay kuu fadhiyaane

  2. Caaqil114 Reply

    20-July-2012 at 4:53 pm

    asc ramadaan kariim dhamaan asxaabta, aniga waxaan oran lahaa hadalka seerka waa arin kale, iyo u jeedooyinkale ayaa kuhoos jira, dalglish kooxda heer hoose ayuu geeyay halkoob ha qaadee laakiin horyaalka waxba kama aheeyn kooxdana wuuku wareeray dib u dhacaas ayaa lagu ceeyriyay, waliba isagoo heestay rag qatar ahaa oo lookeenay sanadkii hore waxba sooma kordhin, marka in halsano lasiiyo ayaan qabay inta aan laceerin, hadii laceeyriyana waxba maahan, ewelba hoos boo geeyay kooxda..

  3. messi Reply

    20-July-2012 at 3:19 pm

    viva saf. ilka dheeree markale ayaa laganaaxayaa

  4. Mahad napoli Reply

    20-July-2012 at 2:31 pm

    Ramadan karim waxaan ku jirnaa bil qeeyresan marka aanu kafaa ideesano viva all muslims in the world

  5. dacad Reply

    20-July-2012 at 2:21 pm

    asc wr wr salan kadib waxan jeclahay inan waxa maskaxadeyda ku jira inan la qeybsado bahda sport ee lacib ku xiran, suaaaaal ? maxey tahay sababta john terry dacwadiisi cunsiriyada ku saleysaneyd dib logu dhigay bisha 7 ee hada socota Suares na loo dadajiyay miyeysan u muqan iney tahay cunsiriyad ku dhaqaqay xiririka rer eglan sababto ah wilkoda rer egland dacwadiisa dib bey u dhigten ninka ajnabiga ahna 8 kulanba garka loo galiyay walaahi inanan tagerin koox ka dhisan egland oo dhan lkn taas wey iga yabisay

    mahadsanidin walaha ka qeyb qadanaya fekarkan

  6. somdhagow Reply

    20-July-2012 at 1:02 pm

    S.A.F waa macalinka aduunka marka Liverpool & Kenny Dalglish wax jira mahan waa baa ba Luiz Suarez Asna Runta wuu ogyahay Haduunsan AKhlaadqda Ilaalin 10 kulan ayaa luga Dhiyaa iyo 50 ganni viva Sir Alex Ferguson

  7. lfc c.g leeskama hadlo poolo Reply

    20-July-2012 at 12:08 pm

    sow ufahmay ma.aha odayga mana ahan tabare ferg FA GA ayaa wado man u caalamka ayaane og tabare iyo koox uma jeedo ee is adkeeya hadii ay wax taqaano barcelona 2bo final kaama qaadeen poolo hawed web iyo kutashada iyo penalty been viva lfc iyo inta runta kahadasho*

  8. 88888888888888888888888888888888888--2 Reply

    20-July-2012 at 11:52 am

    tababaraha caalamka waa runtiisa viva kooxda caalamka man united .,

  9. collag Reply

    20-July-2012 at 11:44 am

    Ha hala eryo liverpool

  10. maxmed deeq Reply

    20-July-2012 at 11:43 am

    odayga waa runtis maxaa yeeleywaa waaya arag tawabarahisa kuracsana sidey

  11. streak farcha Reply

    20-July-2012 at 11:35 am

    sir waaa xamadeysan yahay marka wuxuu rabo ayuu kahadlaa diglish natiijo xumo ayaa loo ceyriyay ~

  12. date boy Reply

    20-July-2012 at 11:32 am

    kkkkkkkkkkkkk sir alex waa nin culus wixii jirah ma qariyoh nin kaas waa the best tabare ugu fiican aduun ka viva alex

  13. Bashiir carab Reply

    20-July-2012 at 11:28 am

    Wax kama jiraan arinta .freg. Oo sheegaya king dalglish waa.tababarah. ugu fiicnaa soomara taakhriiqda liverpool iyo premier legue waqtiga ayaa ka hiiliyey

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>