Roma Oo Xaqiijisay In Liverpool Ay Dooneyso Weeraryahankooda Fabio Borini. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Roma Oo Xaqiijisay In Liverpool Ay Dooneyso Weeraryahankooda Fabio Borini.

Roma Oo Xaqiijisay In Liverpool Ay Dooneyso Weeraryahankooda Fabio Borini.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 10-07-12 2:33 PM

Agaasimaha Isboortiga Roma Walter Sabatini ayaa qirtay in Liverpool ay dalab rasmi ah u soo bandhigtay oo ku aadan ciyaaryahanka reer Italy Fabio Borini.

Warar soo baxayay 24kii saacadood ee u danbeysay ayaa qeexayay in kooxda Anfield ka dhisan ay ku dhow dahay ciyaaryahanka, waxaana haatan taas xaqiijiyay Sabatini.

“Xiiso rasmi ah ayay Liverpool u heysaa Borini” ayuu Sabatini maanta u sheegay saxaafada.

“Waxaan xaalada la qiimeyn doonaa agaasimaha guud Franco Baldini iyo kooxda, sida ugu macquulsan ayaan arintaan u wajihi doonaa”.

Roma ayaa lahaanshaha ciyaaryahanka heshay bishii hore, waxaana uu wadar ahaan ugu fadhiyaa 9 milyan euro, halka Liverpool lagu soo waramayo inay ku dooneyso 10 milyan euro.

Wararka ayaa soo jeedinaya in Roma laga yaabo inay iska iibiso Borini oo ay lacagtaas u isticmaasho inay ku soo xerogeliso weeraryahanka Siena Mattia Destro.

8 Responses to Roma Oo Xaqiijisay In Liverpool Ay Dooneyso Weeraryahankooda Fabio Borini.

  1. King absam Reply

    10-July-2012 at 8:58 pm

    Wlh wanku farax sanahay cml koooxdeyda eee dhinaca werarka iska dhiseysa!

  2. Maweel Roma Reply

    10-July-2012 at 5:13 pm

    Aad Ayn Ugu Xumahay Inu Ka Tago Fabio Caasimada Ileyn Wa Halyey Hada So If Baxaayo Roma_na Wa Iney Iska Ilaalisaa Xaladahaan O Kale Iney Iska Fasaxdo Qof Iyada Ku Qanacsan Viv Totti Erik Lamela And Daniele De RosSI

  3. Mata Reply

    10-July-2012 at 5:11 pm

    Chelsea B ayu ahaan jiray borini wa qatar runti mcalinka livpol meshas ayu kashaqeyn jiray marki mourinho u chelsea mcalinka u aha isna B chelsea u mcalin ka aha wa qatar cyaryahankan

  4. Mahad napoli Reply

    10-July-2012 at 4:35 pm

    Gacmo furan kusoo dhawaaw

  5. ahmed fap Reply

    10-July-2012 at 4:13 pm

    PRAVO

  6. saha Reply

    10-July-2012 at 3:44 pm

    wan idin salamay asxabta the kop xarifkan anas carabo luqade ayu ku hadla wanba fahmi la ahay tan kale borini wan so dhaweynena hadan nahay fanska ugu rabshada badan i like liverpool club

  7. Good legends back Reply

    10-July-2012 at 3:39 pm

    Horta ciyaarihii way dhamaadeen hada laakiin waxaan rajaynayaa ina chelsea sanadka soo socda inay mar 2 ku guulaysato uefa champion league.

  8. Anas.carabow Reply

    10-July-2012 at 2:59 pm

    Wamsonawenaya pheremelega horyaalingal wahoryal fecan wanasonawenaya fabio borine weryahan daiyar uradbadan liverbor walagabsa waxanakafecan yahay

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>