Liverpool Oo Ku Dhow Saxiixa Weeraryahanka AS Roma Fabio Borini. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Liverpool Oo Ku Dhow Saxiixa Weeraryahanka AS Roma Fabio Borini.

Liverpool Oo Ku Dhow Saxiixa Weeraryahanka AS Roma Fabio Borini.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 10-07-12 10:02 AM

Weeraryahanka kooxda Roma Fabio Borini ayaa lagu wadaa inuu noqdo saxiixa ugu horeeya ee tababare Brendan Rodgers iyadoo lagu soo waramayo in Liverpool ay ku soo iibsaneyso 8 milyan ginni, sida laga soo xigtay BBC.

Wadahadalada labada kooxood ayaa weli socda, waxaana warkaan uu soo baxayaa ka dib markii tababaraha Reds uu sheegay in isbuucaan ay kooxda soo gabagabeyn doonto saxiixa hal ciyaaryahan ama labo ciyaaryahan.

Kooxda Merseyside ayaa lala xiriiriyay ciyaartoy dhowr ah oo uu ku jiro Daniel Sturridge, iyo ciyaaryahankii dhawaan ku biiray Tottenham Gylfi Sigurdsson, lakiin Borini ayaa noqon kara saxiixa ugu horeeya ee Rodgers ee kooxda Liverpool.

Weeraryahankan 21 jirka ah oo dhawaan ay Roma la wada wareegtay xuquuqda lahaashihiisa ayaa xilli ciyaareedkii hore ka dhaliyay sagaal gool Serie A, waxaana uu Rodgers kula soo shaqeeyay akadeemiga Chelsea, iyo markii uu amaahda ku joogay Swansea.

10 Responses to Liverpool Oo Ku Dhow Saxiixa Weeraryahanka AS Roma Fabio Borini.

  1. maxamed muuse cali Reply

    10-July-2012 at 12:52 pm

    wan ku farax sanahay

  2. salax dhere Reply

    10-July-2012 at 12:31 pm

    salaan sare asxaabta liverpool gaar ahaan barbaarta jowhar waxaan leeyahay waxaanahay sanadkaan barcelonada ingiriiska waa anaga waxaan wadannaa macalin qibrad leh guul liverpool always

  3. Mohamed ali Reply

    10-July-2012 at 12:26 pm

    Welcome

  4. Caaqil114 Reply

    10-July-2012 at 11:32 am

    waa war lagu farxo hadii uu yimaado waxaan aaminsanahay xidigaan wax badan ayuu soo kordhin doonaa.. welcome liverpol….

  5. daadir Reply

    10-July-2012 at 11:22 am

    welcom borini gacma furan ku so dhawaaw

  6. xudeyfa syl Reply

    10-July-2012 at 10:39 am

    welcome borini by liverpol viva Gerrard suarez agger scartel

  7. Welcome To Anfield Ayaan Leenahay, Waa Xidig Da’ Yar Isla Markaana Leh Mustaqbal Ifaya.

    MHDSNIDIIN LAACIB.NET.
    FIFA LIVERPOOL FOOTBALL CLUB.
    MAKE YOUR HANDS UP & LET US SAY TOGETHER” YOU WILL NEVER WALK ALONE”.

  8. Mustaf_kafi Reply

    10-July-2012 at 10:19 am

    wwwwww marka hore Sln qiimo badan iga qabta bahda wabsidka iyo tagaarayaasha Reds marka Labaad sasiixaan Aaan la gaari rabno Borini waa Saxiix runta ah mid faa.iido badan inoo leh marka gd lucky Borini

  9. Magaceygu waa hadanad yare Reply

    10-July-2012 at 10:16 am

    Wellcome fabio Boroini liverbool and&GOston ramanez viva liverbool

  10. neeshin11 Reply

    10-July-2012 at 10:10 am

    salaan kadib dhamaan bahda sportiga aniga waxay ilatahay in xidigan da,ayar uu roma iska jogo ama kubiiro arsenal vivah madrid

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>