Bayern Munich Oo Beenisey Warar Sheegayay Inay Dooneyso Andrea Pirlo. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Germany » Bayern Munich Oo Beenisey Warar Sheegayay Inay Dooneyso Andrea Pirlo.

Bayern Munich Oo Beenisey Warar Sheegayay Inay Dooneyso Andrea Pirlo.

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 9-07-12 9:25 PM

Naadiga Bayern Munich ee ka dhisan dalka Jarmalka ayaa beeniyey warar sheegayay inay lacag dhan 10 million oo Euro ay u bandhigeen kubbad sameeyaha kooxda Juventus Andrea pirlo.

Laacibka qadka dhexe ee xulka Italy Pirolo oo 33jir ah ayaa ahaa aaladii ka dambaysay in aan kooxda Juventus dhinaceeda dhulka la dhigin  isla markaana ay ku guuleystaan horyaalka Serie Ada waxana uu sidoo kale si weyn ugaga dhex muuqday xulka Italy ee gaaray sanadkan kulanka finalaha ee Euro 2012.

Madaxa Bayern Munich Karl-Heinze Rummenigge ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay:

“Bayern marnaba lama samayn wax xiriir ah kooxda Juventus iyo weliba sidoo kale Andrea Pirlo iyo la taliyaashiisaba,”.

Bayern Munich ayaan dooneyn Pirlo oo xilli ciyaareedkan halgan galaysa mar kale sidii ay ula tartami lahayd kooxda Borussia Dortmund oo sanadkii labaad ku guuleysatay horyaalka Bundesligaha hase yeeshee Bayern ayaa soo gaartay kulankii finalaha ee koobka Champion League.

Pirlo ayaa heshiis gaaraya illaa sanadka 2014ka waxa uu kula joogaa naadiga Turin waxana uu laacibkii hore ee kooxda AC Milan dhaliyey 3 gool 73 kulan oo kulamada Seria Ada ah ee uu saftay sanadkii hore.

Kubbad sameeyahan ayaa noqday laacibkii ugu wanaagsanaa kulankii ay xulka Italy ugaga guuleysteen rigoorayaasha xulka England tartankii Euro 2012 isagoo dhaliyey rigoore dunida oo dhan la yaabtay qaabka uu u laaday Pirlo.

 

 

 

7 Responses to Bayern Munich Oo Beenisey Warar Sheegayay Inay Dooneyso Andrea Pirlo.

  1. MohameD SayiD Reply

    10-July-2012 at 1:28 pm

    Asc bahda jcl ciyaaraha. Hadan ka dhiibto fikir keyga aadan Pirlo & Bavarianca injiner pirlo wa mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican qadka dhexe Lkn Bayern uma bahna wayo waxay hesata da’yar kubadaha sifican u kulawada Toni_KROOS & the best Midffielder legend of Tiger is BASTIAN_SCHWEINSTIEGER

  2. Maxamedcade Reply

    10-July-2012 at 7:11 am

    Magacayga baaba saaran mesha waa yab hadan ka hadlo fikirakayga waxaan dhihi lahaa bayern uma bahna birlo balse waxa jira dad jecel in birlo u tago bayern si do kale saxafada rer yurub waxay la,asanyihin wax ay shegan sidas la,ajliged ayey war ugu dhigayan si lo bahiyo bayern na ay u tiro ma rabo birlotj

  3. feysal Reply

    10-July-2012 at 2:02 am

    Andry inu hero yahay oo tayo leeyahay midaas la iskuma heeystee waxa dhahdaan juve horta diyaar ma utahay ineey iibineeyso xitaa hadii 30m aay gaaran no for sale any price

  4. c.x.h Reply

    09-July-2012 at 9:51 pm

    PIRLO waligisa juve kama tagaayo wuxuu ku dhamesanaa juve xitaa ilmahisa juve ayey u dheeli doonaan

  5. Abdikafi fantastic Reply

    09-July-2012 at 9:44 pm

    Arsenal ayuu kufiicanyahay inuu imaado kadibna hart uuka dulqado banooniga hart hayeeey arteta kkkkkkkkkkkkkkkkk arteta wuu isbarey man city bolateli hayeey santos shut up kkkkkkk song baa rabtey ina jabisid lkn santos ayaa kuhelay viva arsenal viva podoski and giroud

  6. u Reply

    09-July-2012 at 9:35 pm

    andry pirlo waa laacib hasayeshe waa.da

  7. saahil abdulaahi Reply

    09-July-2012 at 9:31 pm

    hadeeeey hesho pirlo dad ayeey noqon leheed bayar lolz

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>