
Arsenal ayaa xaqiijisay in Denilson uu si amaah ahaan ah hal xilli ciyaareed kale ugu biiray kooxda Sao Paulo.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ku laabtay kooxdiisii hore xilli ciyaareedkii hore, waxaana mar kale uu ogolaaday inuu amaah ahaan ugu ciyaaro xilli ciyaareedka 2012-13.
Arsenal ayaa rajeyneysay inay iska iibiyaan ciyaaryahanka khadka dhexe marka uu ku soo laabto Emirates xagaagan.
Lakiin waxa ay waayeen inay helaan koox dooneysa inay iibsato, inkastoo Sao Paulo aysan awoodin qiimaha Arsenal ay ku dooneyso ciyaaryahanka, waxaana ay mar kale hal xilli ciyaareed amaah ku qaateen 24 jirkaan.
Denilson ayaa boos joogta ah ka heystay kooxdaan reer Brazil xilli ciyaareedkii hore, isagoo saftay 478 kulan waxaana uu kooxda ka caawiyay inay ku dhameysato kaalinta 6aad ee Campeonato Brasileiro.
Ka dib markii Arsenal ay 3.4 milyan ginni kaga soo iibsatay ciyaaryahankaan Sao Paulo 2006dii, Denilson waxa uu Gunners u saftay 153 kulan isagoo u dhaliyay 11 gool.
Lakiin waxa uu boos joogta ah ka heli wayay kooxda Emirates Stadium ka dhisan taasoo keentay in xagaagii hore uu ku laabto kooxdiisii hore.
Dahir dayax midnimo
08-July-2012 at 2:33 pm
Sanadkan muxu no qaban kara wan ku rasanahay celinta laceliyay danilso maxa yelay word cup ka ayu kahela len up
ismaciil c/lahi ahmed
08-July-2012 at 1:13 pm
waxaan jeclaan lahen in naloo soo celiy xidiga da’da yare kooxda arsenal iyo xulka barsiil ee lagu magacabo denilson wayo xidigas waa xidig laga rajeenayo in uu buuxiyo boosaskii ee katagaeen xidigihore ee qadka dhexe ee koxda arsenal sida fabregas samir nasri waxana laga rabe in ee arsenal dib usoo celido koxda arsenL
waxaana larba in ee iska garab ciyaaran labada xidig ee kala ha jack welisher iyo neves denilson
khadar Ali warsame
07-July-2012 at 8:29 pm
waaan necebahay ciyaartoy noocaas ooo kale ah oo boos loo waayo sorry about it
Juan mata
07-July-2012 at 8:11 pm
Chelsea iyo arsenal waxaa weyn kooxdii xaysata dhagaweyne ama champions league
Iska ilaaw v.bers
07-July-2012 at 10:03 am
Arsenal waa warshad soo saarto ciyaaryahanad .arsenal iskuma dhajiso raga ka weyn 27jirka ah waana la arki donaa v.bers iyo wixi la hal maalo .waxan filaay inay isku garab oyaan samir nasri.vberes.kilij.waayo waa rag xamaasad hayso mar walib guul ku rajo weyn marka ciyaryahanada ka soo horjedo ma jirto wax u diidayo inay guulaystan maraka waa kox cadaadis saran misharka badan wuxu u bahan yahay guulo arsenal ha guuleyso
Nuur awdile dalka south,Africa rosecky vermaelen wilshar walcott songa sagna arteta oliver giroud robn van
07-July-2012 at 9:20 am
Arsenal wanadi laga baqo chalsea iyo mn cty mel lama mari karaan marka ninkad kacabsa jirten ayaa tegay miya niigu jurta kana kaqatarsan rvb oliver giroud viva arsenal
cabdulaah Xaji
07-July-2012 at 9:04 am
Kkkkkkkkk heyr arsinal riyo ayee ku jraan biliqo waxa ku heysa man city war nadi ma ahidin ee nadi ha sheyganina ciyaryan walba oo fican hadey inka qatan maxa nadi weyn ka tihin marka wengar. Ha iska aado haduu ceshan karin ciyaar yahanadisa.
hanad from seylici
07-July-2012 at 9:00 am
war macalinkaan asiga mawalanyahay misa aniga uqabo dinelson wa ciyariyahan awoood leh asiga maxa ugadi misa amaah ugu diri maad garvinho iyo walcot qashinkas iska iibisid
Ismaaciil qanciye
07-July-2012 at 8:56 am
Denilson waxan dhihi lahaa horta awood soo yeelo oo aad qadka dhaxe kala baxdo wilshare iyo song ramsey iyo rosicky inta ka horeysa brazil ku baashaal bye vivi cr7 ozil vnpersia song
Nuurb10
07-July-2012 at 8:46 am
Danilson iska jog meshada ayad kamuqatahe arsenal hakuso lawan viva arsenal bodolsky oliver giroud rosicky
Mohamed ali
07-July-2012 at 8:36 am
Arsenal guuuuuuuuuuuuuuul
Dhowrane10
07-July-2012 at 8:32 am
Denilson waa in uu isxisabiyaa inta anan laxisabin waxana dhihi lahaa arsenal boos kahelimayside nadigaada iskalajog viva arsenal viva van persie
Nimco xusen
07-July-2012 at 8:21 am
Danilson guul wacan byyyy