UEFA Oo Lagu Qabsaday Muuqaalka Haaweyney Ooyeeysa Ciyaarihii Euro 2012. | Laacib.net
Home » Europa League » UEFA Oo Lagu Qabsaday Muuqaalka Haaweyney Ooyeeysa Ciyaarihii Euro 2012.

UEFA Oo Lagu Qabsaday Muuqaalka Haaweyney Ooyeeysa Ciyaarihii Euro 2012.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 6-07-12 10:10 AM

Xiriirka kubada cagta yurub UEFA ayaa lagu dhaleeceeyay inay been abuur ka sameeyeen dumar taageere aheyd oo ilmo ay ka soo daadaneysay xilli Italy ay labo gool ka dhalisay xulka Jarmalka ciyaarihii Euro 2012.

Haweneydaasi oo aheyd taageere Jarmal ah ayaa la arki karaayay markii Balotelli uu dhaliyay goolkiisii labaad iyadoo ilmo ay ka soo daadaneyso, lakiin waxaa la ogaaday in muuqaalkaasi ay ka been abuurtay UEFA si ay u kiciyaan xamaasada koobka Euro 2012.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Andrea ayaa taleefano ka heshay asxaabteeda iyagoo weydiinaya sababta ay u oysay xilli ciyaarta ay ka dhineyd 60 daqiiqo islamarkaana ay isbedeli kareen wax walba.

Lakiin sida la cadeeyay haweyneydan oo sax ay tahay in ilmo ay soo dhaaftay kuma aysan ooyin goolasha laga dhaliyay xulkeeda Jarmalka, waxa ay oysay ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban markii la tumayay astaanta qaranka Jarmalka oo ay u qiirootay.

Qolyaha baahiya ciyaarta ee UEFA ay u xilsaartay ayaa sii duubay muuqaalkaas, waxaana ay baahiyeen ka dib goolkii labaad ee Balotelli iyagoo ka dhigaya inay u ooyeeyso goolasha lagu leeyahay xulkeeda.

Tv-yada Jarmalka ayaa si aad ah uga xanaaqay arintaan, iyagoo sheegay in UEFA ay meel uga dhacday sharciga baahinta tooska ah, iyagoo isticmaalay muuqaal hore loo sii duubay una ekeysiiyay inay toos tahay.

“Waxaan si cad ugu sheegnay UEFA in shacabka Jarmalka ay ka filnayaan inay si toos ah wax u daawadaan marka la yiraahdo ciyaarta waa Live. Hadii ciyaarta Live ay tahay waa inay live ahaataa” ayuu yiri Joerg Schoenenborn.

UEFA ayaa markaasi ka dib warbixin soo saartay waxaana ay sheegtay in muuqaalo la duubay aysan ku dhex isticmaali doonin ciyaar si toos ah u socota si aysan dadku ugu jahwareerin mar kale.

36 Responses to UEFA Oo Lagu Qabsaday Muuqaalka Haaweyney Ooyeeysa Ciyaarihii Euro 2012.

  1. Shaficinesta Reply

    18-July-2012 at 9:31 am

    Uefa waxay sameysay waa qalad lkn waxan fila in ay gadal ka sixo donto

  2. Dimaria Reply

    16-July-2012 at 12:10 am

    Waxas waa sharci daro uefa inay raali galin ka bixiyaan kkk mario bolattali ayaa ka dambeya weclka

  3. husien aynab Reply

    14-July-2012 at 6:47 pm

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkk jarmal wacdaradii uu ku dhigey bolatelli wey aheed mid lala ooyo lkn hada miyey la xumatey markii uu xanuunka dayey

  4. Abuukar geedi Reply

    10-July-2012 at 10:21 am

    Waliga xususnow iney tahay arsenal xarunta qalinjabinta kubada cagta cesc fabregas oo midfield ka ciyaara ayaa striker ka ahaa euro 2012 el nino maxaa ku dhacay waxuba u ciyaaray koox sandkan kuguleystay ucl dabcan kubad mataalo mmeeshaas e waa ninbow naftis sida geela unbaa lo bodboodaa arteta ayaa ku so xiga fabregas viv jabhadaha arsenal is the best club in london… .

  5. Abuukar geedi Reply

    10-July-2012 at 10:11 am

    Waliga xususnow iney tahay arsenal xarunta qalinjabinta kubada cagta cesc fabregas oo midfield ka ciyaara ayaa striker ka ahaa euro 2012 el nino maxaa ku dhacay waxuba u ciyaaray koox sandkan kuguleystay ucl dabcan kubad mataalo mmeeshaas e waa ninbow naftis sida geela unbaa lo bodboodaa arteta ayaa ku so xiga fabregas viv jabhadaha arsenal is the best club in london… .

  6. Abuukar geedi Reply

    10-July-2012 at 9:40 am

    Waa wax folxun o sharciga sogudbinta tooska aan waafaqsaneyn uefa waa iney raali galin kabixisa kadibna ay ganax duldhigta camera man-ka taageera azuri ee sida qaldan u isticmaalay warbaahinta uefa italy wana tageeri kartaa sxb lkn kabadbadin baad sameysay

  7. xaraf Reply

    08-July-2012 at 8:18 pm

    Ascfikirkeyga hadaan dhiibto waqalad tageero oynaa ya in la fadeexeeyo raali gelin haka bixiso uafa iyo ninka caytamaayo

  8. Axmed cismaan Reply

    08-July-2012 at 2:36 pm

    Wa ay kuqaldanyihin xiriirka Uefa arintan waana in raligalin kabixiyan

  9. Maxamed Reply

    08-July-2012 at 9:00 am

    Waa yaab waana lama filan in uefa ay arintaan ookale ay samayso waan daawanayay ciyaarta waana arkay hawenayda xiliga ay ciyarta socotay waxan uqatay inay ka oy niyso golasha laga dhaliyay lkm mida in lays waydiyo lo bahanyahay ayaa ah imisa daqiqo aya kadhina 6
    daqiqo ay a ka dhinayd waxayna awodi karen inay barbareyan o o y usariyen marka surto gal ma aha inay golasha ka aysay ayaan leeyahay uefana wa inay rali gelin ka bixida

  10. Maxamedcade Reply

    08-July-2012 at 8:54 am

    Waa yaab waana lama filan in uefa ay arintaan ookale ay samayso waan daawanayay ciyaarta waana arkay hawenayda xiliga ay ciyarta socotay waxan uqatay inay ka oy niyso golasha laga dhaliyay lkm mida in lays waydiyo lo bahanyahay ayaa ah imisa daqiqo aya kadhina 6
    daqiqo ay a ka dhinayd waxayna awodi karen inay barbareyan o o y usariyen marka surto gal ma aha inay golasha ka aysay ayaan leeyahay uefana wa inay rali gelin ka bixida waa maxamed cade jooga muqdisho wadajir

  11. Baaruud Reply

    07-July-2012 at 9:41 pm

    Sir alax ferguson waxan ku sheegi laha innu montiniho inu ka harin madama u dhahay inu wan rapa

  12. Arteta Reply

    07-July-2012 at 7:52 pm

    Hadaba mamulka laacib.net wa iney qabtan dadka aflagada qoraya mahan meshan mel cay ama aflagado wa web-site sport qofka caytama wa qof jahil ah qof wax yaqan ma caytamo

  13. Nasri yare Reply

    07-July-2012 at 7:38 pm

    Waxas ben waye nagtan Balloteli goalashisa aye la oysay. KUMAMAKE

  14. Bactitori Reply

    07-July-2012 at 6:59 pm

    Markuu suuqa kala iibsiga markuu furmo waxaa soo iibsaneenaa kaka

  15. jimcalae Reply

    07-July-2012 at 6:07 pm

    arinkasi waqalad unabahan in raligelin lagabixiyo waceynkaaa

  16. Adan diiriye Reply

    07-July-2012 at 8:45 am

    Calanka ha u ooysa ama guuldara ha ka ooysa waa hawl u taala germany iyo inta taageerta

  17. Ridwaan puskud Reply

    07-July-2012 at 5:17 am

    Ani ahan waxan leyahay u e fa wey qaldantay lkn wey tosin donta

  18. Kulmiye c/laahi kulmiye sneijdar Reply

    06-July-2012 at 10:52 pm

    Sxb uefa wey ku qaldantahay go aankaas sxbtey mulki wey ilaqabtaa arinkaa uefa raali galin ha ka bixiso wexeysameyen

  19. M'o Bossaso Reply

    06-July-2012 at 9:02 pm

    uefa waa dawlada adunka lkn way qiratay khaladkoda

  20. Mohaa anaa kuwaso Reply

    06-July-2012 at 8:03 pm

    K5kkk0 mohaa afka aan kaa wasi kk:-D

  21. Mandela Reply

    06-July-2012 at 8:00 pm

    As.c run ahanti wa qalad ay gashay uefa si ay xiisaha iyo xamasada kobka kor ugu qaado.. Sidas oo kale ayad qalad ugu jirtan inad aflagado an tobiga khuseynin aad so gudbisan, ma xamasad u yelid bay idinka tahy idinkan reer lacib.net.

  22. Sacid beene o jogo u s c Reply

    06-July-2012 at 7:05 pm

    Wan qayasi kara waxa ey la oysay gabadha waxana waye waxu qaran ale badiyay italiya ha ka badiso ? yurub wali kama dhicin final 4 iyo 0 la iskaga badiyo wa ceb iyo folxum

  23. mohaa heliwaa macqulsom Reply

    06-July-2012 at 6:12 pm

    Laacib.net ninka gabadha aflaagaadeenayo hadalkiisa maad meesha ka saartan umada kale oo fakarkooda nadiifka ahba waad ka bixisaan ee qofka gabadha magaceeda wato meesha ka qabta emailkiisa xitaa yuusan mar danbe fikir ka soo bixin aflagaado cad ayuu soo qoray waadna soo gudbiseen taas aad aan uga xumahay laacib.net in aad sidaas sameysaan ee isku dayo in aad naga tir tirtaan qofka bulshada dhibaatada ku dhah wado mahad sanidiin

  24. Nimco wase adna anaa ku waso Reply

    06-July-2012 at 4:57 pm

    Asc adaa fikradeda dhiibta goolki 2 ayee la ooyday lkn waan ku qoslay an wlh hada xataa viva barc & elman

  25. xaq udood Reply

    06-July-2012 at 4:50 pm

    war midkaan ma xishoodaha ah ee gabadha aflagaadeynaya laacib.net wax maad kaqabataan

  26. Nimco Reply

    06-July-2012 at 4:24 pm

    Asc qofka aniga i aflagadeenaya waxaa xisaabtameyna malinta yoomul qiyaamaha mahad sanid

  27. Hazard Reply

    06-July-2012 at 4:01 pm

    Wey qaldantahay uefa iney waxas sameyso

  28. Fanole Reply

    06-July-2012 at 3:44 pm

    Somalida waxaka buuxo dad aad uxun hada gabadhan maxaku aflaga deneysa fikir keda kaliya ayayka hadashiye yab badana

  29. JIILANE Reply

    06-July-2012 at 3:22 pm

    UEFA WEY KU QALDAN TAHAY INAY REPLAY KADHIGTO LIVE,WAANA INAY RAALI GALIN KABIXISO,HADII KALE DHIBAATO XOOGLEH AYAA KA IMAANAYSA…….

  30. nimco wase Reply

    06-July-2012 at 2:03 pm

    ani waxan udhan laha nagtan fikirka dhibtay ee nimco anaa wasa ee iska ilaaliya

  31. Nimco Reply

    06-July-2012 at 1:57 pm

    Asc hadii aan fakirkeyga ka dhiibto waa arin sharci daro uefa waa iney raaligalin ka bixisa by

  32. M. arteta Reply

    06-July-2012 at 1:44 pm

    uefa waa in ay raali galin ka bixisaa arintaas

  33. ahmed Reply

    06-July-2012 at 1:01 pm

    waxay ila tahay meel ka dhac bay ahayd in wax la duubay live la ga dhigay ana waan daawanayey waanse u haystay live markaa waa inaanay u dhicin mar danbe aragtidayda

  34. Maxamed deeq Reply

    06-July-2012 at 10:54 am

    Wlhi wa arin ubahan in rali galin laga bixiyo lkn xamasadu mar mar way dhacda

  35. Cabdi asiis muse bare Reply

    06-July-2012 at 10:34 am

    Haa k.k.k.k.k. Wa Sax runti aniga Xataa Wan arkay Lkn Hadiiba Ay Saas Tahay Waaba Wax Laga Xumaado Runti?

  36. Man of the mach is roney Reply

    06-July-2012 at 10:31 am

    Waxaas waa sharcidaro waa in ee uefa raligalin ka bixiso

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>