Isku Aadka Wareega Ugu Danbeeya Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2013 Oo La Soo Saaray. | Laacib.net
Home » Africa » Isku Aadka Wareega Ugu Danbeeya Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2013 Oo La Soo Saaray.

Isku Aadka Wareega Ugu Danbeeya Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2013 Oo La Soo Saaray.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 6-07-12 4:10 AM

Isku aadka wareega ugu danbeeya ee isreebreebka koobka qaramada Afrika ee 2013 ayaa la soo saaray, iyadoo 30 dal ay haatan ku soo hartay isreebreebka koobka ka dhici doona sannadka soo socda South Africa.

Madaama South Africa ay martigelineyso iyada banaanka ayay taalaa, taasoo keeneysa in loo tartamo 15 boos ee ciyaaraha kama danbeysta qaramada Afrika, iyadoo 30 xul ay wada ciyaari doonaan kulan labo lug ah.

15ka kulan ee la ciyaaro xulkii laga badiyaa waa uu hari doonaa halka xulka badiyaa uu u soo bixi doono koobka qaramada Afrika ee 2013.

Kulanka ugu xiisaha badan wareega ugu danbeeya ee isreebreebka waa kulanka ay isaga horimaanayaan Senegal iyo Ivory Coast, xulkii laga badiyaa waxa uu ka hari doonaa koobka qaramada Afrika 2013.

Kulamada kale ee xiisaha leh waxaa ka mid ah Ghana iyo Malawi oo isku dhici doona, halka Nigeria ay la ciyaari doonto Liberia, sidoo kalena Algeria iyo Libya ayaa iska horimaan doona.

30ka xul waxa ay ciyaari doonaan kulamo minan iyo marti ah 7 ilaa 9ka September iyo 12 ilaa 14 October markaasoo la heli doono 16ka dal ee u tartami doona koobka qaramada Afrika sannadka soo socda.

Isku Aadka Wareega U Danbeeya Isreebreebka Qaramada Afrika Waa Sida Tan:

 Mali v       Botswana  Guinea v       Niger
 Zimbabwe v       Angola  Sudan v       Ethiopia
 Ghana v       Malawi  Libya v       Algeria
 Liberia v       Nigeria  Cote d’Ivoire v       Senegal
 Zambia v       Uganda  DR Congo v       Equatorial G.
 Cape Verde v       Cameroon  Gabon v       Togo
 Mozambique v       Morocco  Central Africa v       Burkina Faso
 Sierra Leone v       Tunisia

32 Responses to Isku Aadka Wareega Ugu Danbeeya Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2013 Oo La Soo Saaray.

  1. salah Reply

    15-July-2012 at 10:01 pm

    et hanolaato way badin insha allaah

  2. male Reply

    15-July-2012 at 2:00 pm

    sxbyaal ethiopia wxy kamid tahay kuwi establishey koobka afrika Wxyna qaadey koobki 3aad ee lagu qabtey ethiopia insha allah koobkanna waynu qaadi doona

  3. alcadaala Reply

    14-July-2012 at 12:44 pm

    sln kadib ilove laacib.net kadib in taas waxaan islee yahay waxaa qaadaysa koobkan ivory coast waayo waxan kabaqaayey mali lakiin waxaa haysta maanta qalalaasi dowladeed waana tan somalia iyo masar fursada kasaartay maanta
    god bye and good lucky ilove laacib,net
    i say thanks alote

    waxaa tihiin dad aad iyo aad udadalaya waxaana ufududayseen somalida jecel sports-ka thank you very mach.

  4. C/laahi shekh haadi Reply

    14-July-2012 at 10:00 am

    Viva ethoipia 4 ever sxbyaal waan idinku raacsanahay inta taagersan xulka ethoipia,

  5. sanqo barc Reply

    13-July-2012 at 6:04 pm

    xaga koobka sheekhayga waa camroon lkn sheekhayga hadaan saadaal ka bixiyo ethiopia waa xageeda guushu ga soo qayb gal wanaagsan ethiopia sanadka 2o12 waa aqbal iyo ijaabo sheekhayga

  6. mahamedhalgan Reply

    13-July-2012 at 9:23 am

    Asc dhaman aqyarta xiiseysa koobka afrika .sxbyal waxa hubaal ah in xulka qaran ka dal ka ETHIOPIA ay ka guulay san donan xul ka dalka SUDAN kuna qaraci donan 2:1 waayo xulka ETHIOPIA waxa u ciyaraya laacib ka da,da yar ee reer dhire ee SALAXUDIIN

  7. C/raxman youngboy Reply

    12-July-2012 at 9:08 pm

    Asc asxabta waxaan layaabanahay masar xagee aaday sanadkii hore kama sooqeyb galin sanadkana lama arko marka waan layaabanahay waxa ku dhacay xulka masaarida oo ay u cayaaran cayaaryahano caalami ah by taageerayasha masar

  8. Juan mata Reply

    11-July-2012 at 7:11 pm

    Viva drogba

  9. Jeyte Reply

    11-July-2012 at 3:15 pm

    K k k k walee dadkan iskumel dhigaayo xulka sudan iyo ethopian kubada sudan inadan firsan bn umalen,sudan waxay brejo ama kabdisa china iyo every coast halke lagu arkay ethopia o xita ag imatay xulalkan 10 a ugu yar intey u dhibayan marka ethopia iyo jubuti sura gal iney jabuti badiso marka sudan her ficn bn u rajeyna sanadan kop ama sama finalada melaha viva sudan wa china

  10. Makina Reply

    07-July-2012 at 1:18 pm

    Sxboyal wan idin slmay sln kadib koobkan waxa dhici donta koxdi qarni dheq kadib kaqayb qadata e hadana kor uqadata viva ethiopia

  11. anwar.cade Reply

    07-July-2012 at 11:39 am

    wax walpa waxa kadaran sida lo gali dono ethiopia lol viva pala jaapir in khartoum

  12. Maxbuub nani Reply

    07-July-2012 at 9:55 am

    Viva ivory coast and yaye tore

  13. Maxamed Reply

    07-July-2012 at 9:00 am

    Waxaan taagersanahay nigeriya wayna gulaysani lipiyana sido kale

  14. Lovestar Reply

    07-July-2012 at 7:08 am

    I like ethiopia 4 ever 8 goals ethiopi 8:1 sudan

  15. Musa Reply

    07-July-2012 at 2:45 am

    Viva cameroon

  16. C.qadir maskiin Reply

    06-July-2012 at 7:58 pm

    Dhaman asaxbta wan idin slmay qarmada africa ciyartoy koxaha yurub ugu waweyn uciyarto ayaa laweyndonaa haddiba sanad walba kobka laqabanayo 2012 wan aragnay xalidi man city manku katagay yaya toure

  17. C.qadir maskiin Reply

    06-July-2012 at 7:50 pm

    Dhaman asaxabey wan idin slmay marka xiga ciyaraha qaramada africa wey qaraaran raban haddiba ey 2012 qabten iminka hadana 2013ka laqaban rabo sidan ka arkayo qoralka laabic markii horana waxan arkijirnay sanad markii laciyaro sanadka kuxiga lanasto marka africa fursadi ey heli lahayen jiilka yaray ayey lumisay waxan umaleynayaa iney meshey kajogen kubadda calamka ey kor uqadi doonta iney hoos udhacdo meye waxana taas uleyahay ciyartoyda udhesha koxaha waweyn ee yurub wey yaran donan

  18. A.s.c.w jimce wanaagsan asxaabta taageerta cayaaraha sxb yaal sadaasha cupku hadan bayso ee yaa soo baxaya anigu waan ku kal soo nahay wadankaygu inay soodhaafayaan sudan viva ETHIOPIA viva SALAXUDIN SICIID

  19. Mohamed Reply

    06-July-2012 at 3:00 pm

    Firstly iam welcoming all readers of laacib.net and the owners of the web with the islamic greeting “as-salamu calaykum”secondly iam very proud to my country ethiopia to be one of the countries participating in final qualification of african cup of nations 2013 and insha allah we will beat sudan as we did against somalia viva ethio viva jj town

  20. Maxed,calaa weyne,ROSA' Reply

    06-July-2012 at 2:34 pm

    bafaana bafaana an usaadaliye kobkan saaxibade rer ABSA aakuleh

  21. aweys Reply

    06-July-2012 at 1:41 pm

    wasdas

  22. Moha Reply

    06-July-2012 at 10:57 am

    aqyaarey meeshan ugama jeedo xulkeena qaranka somaliyed mise wax kale aya jira oo aana ogeyn afrika kama tirsanin miyaaa mise point five ahaan ayaa noola liida

  23. Salman Reply

    06-July-2012 at 10:15 am

    Asca wargeska lacib iyo inta aqrisata sln kadib cupkan wa bafana bafan ama iver cost ithopia cup ay qado iskadaye wala meed garacaa sudana aqoon niigu laban viva bafana bafana and iver cost

  24. Lamaak jijigaawi Reply

    06-July-2012 at 9:33 am

    Viva ethiopia asxaabey ethiopia strikelkeda waxa la dhahaa salaxdiin waa ciyaryahan fcn khadka dhexena waxa jooga jamaal oo wiil soomaaliyeed ah garabka midigna waxa jooga abdulqaadir oo asagana soomali ah sanadkan hadan soo baxno cid naqabanaysa malaha viva ethio viva jijiga

  25. Mr murad Reply

    06-July-2012 at 9:25 am

    Ethiopia hadi ay kabadin waydo sudan waniskaga taribi bila arintan?

  26. Saadmustafe Reply

    06-July-2012 at 9:23 am

    Kkkkkk ethiopia viva

  27. digow Reply

    06-July-2012 at 8:24 am

    aniga hadan sadaliyo kobka africa ta wey iska cadahay hadey mesha ka maqantahay masar kobka waxa khadimatay chana inkasto lagu adiyay xulka xogo lakaftamikara hadana wala arki dona melay ku biya shubato

  28. Adesh Reply

    06-July-2012 at 7:32 am

    Sxbyaal banoonigu lamasadalin karo marka yan la is dhihin kooxdaas iyo kooxdaas ayaa qadeyso

  29. Nani17 Reply

    06-July-2012 at 7:30 am

    Yixaas yada wabiga niil vs ethopia ayan sugi la’ahay maxa yelay sudan wa xul heysto ciyartoy heer calami dhanka goal hayaha werarka qadka dhexe ethopia xoog bas ayey mesha ku hayan marka laga rebo goal hayaha dhirirka badan.

  30. Xuseen c/laahi Reply

    06-July-2012 at 6:46 am

    Saxibayal yala is daalin wey cadahay iney kobkan ever kosti qadeyso maxa yelay wa kox ciyartoy calami heysato marka waxan dhihi laha hadal badan han ma buxsho by inta arsenal tagerto

  31. Owen Reply

    06-July-2012 at 5:31 am

    Koobkan faafajo chana ayaa ku leh dhamaad iyo bilowba maxaa yeelay waa xul dhameestiran oo dhinackasta ku leh sen. Vs e.coast waa kulanka ugu adag lakiin chana ayaa u soo baxaysa ayaana qaadeysa fifa afirica chana ok

  32. Ibra Reply

    06-July-2012 at 5:20 am

    Sudan vs Ethiopia wa kulanka aan sugi la’ahay, sido kale IveryCoast vs Senigal aya ah asagana mid muhimad gaar ah ii leh

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>