Guardiola Oo Ku Sii Jeeda Ruushka Lana Filayo In Uu Noqdo Tababaraha Xulka Ruushka | Laacib.net
Home » Europa League » Guardiola Oo Ku Sii Jeeda Ruushka Lana Filayo In Uu Noqdo Tababaraha Xulka Ruushka

Guardiola Oo Ku Sii Jeeda Ruushka Lana Filayo In Uu Noqdo Tababaraha Xulka Ruushka

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 6-07-12 10:48 AM

Pep Guardiola ayaa la filayaa in uu soo gaaro magaalada Moscow ee dalka Ruushka Jimcaha maanta ah iyadoo la sheegayo in heshiis bilow ah inuu saxiixay si uu u noqdo tababaraha xulka Ruushka.

Fabio Capello ayaa hore u sheegay in uu damac ka hayo inuu bedelo Dick Advocaat waxana guddiga fulinta ee xiriirka kubbada cagta Ruushka ay sheegeen in Arbacadii ay heshiis la galeen tababare cusub.

Milkiilaha kooxda Spartak Moscow Leonid Fedun ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto mushaaraadka uu qaadanayo tababare Guardiola.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa fasax ku jira waxana wargeyska sida weyn loo qadariyo ee Sport-Express uu sheegay in Pep uu ku soo wajahan yahay Jimcaha magaalada Moscow.

Guardiola ayaa waxa hore loola xiriirinayay in uu noqdo tababaraha Chelsea iyadoo milkiilaha kooxda Blues Roman Abramovich uu muddo dheer u ahaa taageere tababarahan reer Spain.

Balse Abramovich waxa uu ku wareejiyo kooxda Chelsea Roberto Di Matteo isagoo u saxiixay heshiis labo sano ah kadib markii uu tababrahan uu suurtogeliyey in Stamford Bridge la geeyo koobka Champion League kadib guushii ay ku gaareen magaalada Munich bishii May taasoo meesha ka saartay in Guardiola aysan meel uga banaanayn Chelsea.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Spain ayaa sidoo kale daabacay dhowaan in wakiilo ka socday kooxda AC Milan ay wadahadalo la yeesheen tababare Guardiola lamana sheegin wax natiijo ah oo ka soo baxay wadahadaladaas.

 

8 Responses to Guardiola Oo Ku Sii Jeeda Ruushka Lana Filayo In Uu Noqdo Tababaraha Xulka Ruushka

  1. Messi cade Reply

    14-July-2012 at 1:30 am

    Pep waa macalin khabiir ah lakiin ma jecleeyn in uu aado raashka waxaan rabay in uu egland yimaado si uu u muujiyo in uusan u baahneeyn player

  2. cabdi naasir (LAARSON) Reply

    13-July-2012 at 6:15 pm

    Macalinka u ugu fiican aduunka waa mcalin GUARDIOLA macalin waligaa jir

  3. Ahmed Qaire Reply

    09-July-2012 at 11:33 pm

    Sxb waad luntay magacaagana halkaan ayuu ku eg yahay Barcelona oo kalana ma arkaysid ciyaartoodeena ayaa wax kaa dhigayn

  4. Shirwacyare magan Reply

    07-July-2012 at 4:51 pm

    Guardiola wuxu koj wanagsan run ahantina qibradan u leh kubada cagta

  5. cabdulaah Xaji Reply

    06-July-2012 at 5:21 pm

    Ani fikirkeya waxa waaye awal ayuu heystay ciyaar yahano wanasan braca uma maleynayo wax uu ka keyni karo wadanka ruushka ama koox nadi ah ah meesha xive majogo iyo inyesta sxb wa waa luntay hada ka sow tagatay barca seeee you bebe

  6. Asc laacib net pep guardiola iska rushka iyo ac milan sababto ah chelsea roberto dimatteo macalin kafican malaha maxayelay waxow kasbaday ciyaartooda dhan ayaatagera buuxo kahesta viva r.di matteo 4 ever

  7. haykal Reply

    06-July-2012 at 12:11 pm

    war qabow yaanu ku dilin dheh adeer brca ayaa laguu qaatay daaqadaad ka baxeysaa adeer awalba nasiib baa ku waday ee

  8. maxamed osmaan maxamed Reply

    06-July-2012 at 11:29 am

    Guariola waan macalinka mucjisada ayaa ladhihin karaa haduu kubiiro xulka ruushkana meel wanaagsan ayuu geen doonaa lkn maba aheen inuu kubiiro xul oodhan maxaa yeelay waa macalinka aduunka oo uu kunoqday sadax sano koox marka koox inuu qabto ayuu kuwanaagsanaay intaas ayaan usoo koobayaa fakarkeyga waxaana kunoolahay south africo marka by laacib.net thanks

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>