Juvenuts Oo Ka Codsatay UEFA Inay Magdhow Ka Bixiso Dhaawaca Chiellini | Laacib.net
Home » Europa League » Juvenuts Oo Ka Codsatay UEFA Inay Magdhow Ka Bixiso Dhaawaca Chiellini

Juvenuts Oo Ka Codsatay UEFA Inay Magdhow Ka Bixiso Dhaawaca Chiellini

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 5-07-12 2:38 PM

Kooxda Juventus ayaa waxa ay ka heli doonaan magdhow lacag ah xiriirka kubbada cagta ee Yurub UEFA dhaawaca soo gaaray Giorgio Chiellini tartankii ciyaaraha Yurub isagoo u ciyaarayay xulka dalkiisa ee Italy.

Heshiis is faham ah oo ay kala saxiixdeen hay’ada u qaabilsana ciyaaraha iyo urur ay leeyihiin naadiyada ka dhisan qaarada Yurub bishii March ayaa waxa ay ka rajeynayaan in UEFA ay ogolaato in mushaarka ciyaartoyga mudada uu ka maqan yahay kooxda ee la daweynayo ay bixiso gaar ahaan dhaawacyada soo gaara ciyaaryahanada xilliyada ay u ciyaarayaan wadankooda.

Chiellini ayaa dhaawac ah heerka labaad waxa uu ka soo gaaray markii 21 daqiiqo oo qura ay socotay kulankii finalaha ahaa ee ay xulka Italy iyo Spain ay wada ciyaareen waxana uu garoomada ka maqnaanayaa Chiellini muddo saddex ama shan toddobaad ah si uu dhaawaca uga soo  kabto.

Wararka ayaa tilmaamaya in ko oxda Juve ay heli doonto illaa iyo €420,000 oo magdhow ah iyadoo qarashkaana uu yahay mid ku filan mushaark daafaca reer Italy mudada uu garoomada ka maqnaanayo.

 

11 Responses to Juvenuts Oo Ka Codsatay UEFA Inay Magdhow Ka Bixiso Dhaawaca Chiellini

  1. Hanad yare 10 Reply

    19-July-2012 at 3:31 pm

    Waan tagersanahay sharciga cusub

  2. Ahmedwali Reply

    05-July-2012 at 10:28 pm

    Kal

  3. Nuuradiin axmed Reply

    05-July-2012 at 8:07 pm

    Dhamaan sln sare inta,jacel sports,ka ee kubada cagta Run,ahaantii waa,sax in,ey magdhow kadhiibto dhaawaca soo gaarey ciyaar,yahankaas ee kooxda {.juvantus.} ok marka hadii aad isdhahdo qaabkee looga dhiibikaraa ciyaaryahan,kaas uma uusan dheelin juvantus ee qandaraas ayey lagashey waana sax balse markasto waxaa mas,uuliyad eey kasaaran,tahay u.a.f.a Taaso ah ciyaaryahan kasto aan wali udheelin kooxdi gadatay ayaga mas,uuliyad sidaas usii dheer masaarno oo ah daaweyntiisa waxaa dhici karto hadii uu dhaawacaas kabogsan waayo ama waqtigiisa uu kudhameysto injir ama uuba kakici waayo cimrigiisa lacagtii kaga baxdey kooxdaas ciyaar yahankaas waa qasaaro kuhabsatey kooxda marka dhaqaalaha u,a.f.a ayaa go,aan u,ahaa waligeed dhaqankaas waana qaab dhaqanka ciyaa,raha kubada cagta qofkii fikrad kale wato oo macquula kadhiibo fikradaada dacaayadana waa kamam,nuuc fikradaha isweydaarsiga su,aalaha waa aan kala,faa,ideysano {ogoow meelkasto & goobkasto aad,joogtid xusuusnoow allahii ku,uuntey kunasali nabigaaga c,s,w markaad maqasho magaciisa rasuulkeena c,s,w}

  4. O.H.Kulmiye Reply

    05-July-2012 at 7:44 pm

    Ka tag mesha dheh juve bilash wax ugama baxan viva xita ka qado lcg Lucio bila qarash iigu imataye inter milan inad dishid aya ka raba sidii A.pirlo kkkkkk viva Pirlo & juve

  5. Qawdhan Reply

    05-July-2012 at 6:43 pm

    Waaa waaaw chellini bilaa raxma waa azzuri jira

  6. cabdiraxmaan adan Reply

    05-July-2012 at 6:32 pm

    i lve it because

  7. Diiriye Reply

    05-July-2012 at 4:16 pm

    Waaaw juva caadi ma ahan saas ayan idinkaraba kaqata lacagta kkkk viva macalimuu pirlo

  8. Alax jeesto Reply

    05-July-2012 at 3:48 pm

    Asc Dad Badan Oo Fiirsada Ciyaraha Ayaa La Yaabi Doono sababta Ay Lacagta u Bixineso UEFA Oo Is Leh QOf Hadi U Dhawacmo Isaga Dhawacmay, Inta Qabiir Ku Ah Ciyaraha ayaa garanesa sababta

  9. tarikhi gurey Reply

    05-July-2012 at 3:32 pm

    waaa ay ku qasban yihiin waayo waa xidiga xaga dufaaca kooxda juvantes soo rayso chelina waa ciyaartooy adiga xaga dufaaca

  10. Abdikafi fantastic Reply

    05-July-2012 at 3:18 pm

    Waaw juve maxa gajo miya niheyso

  11. haykal Reply

    05-July-2012 at 2:54 pm

    war meelahaa iska quudo dheh talyaani gaajo ah baa tahaye viva united ma ogtahay naadiga addunka ugu miisaanka culus inay tahay manund kan labaadna realmadrid san sadexaadna barcelona rumayso ama harumaysan

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>