Giorgio Chiellini Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Koobka Super Cup Ee Juve Iyo Napoli. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Giorgio Chiellini Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Koobka Super Cup Ee Juve Iyo Napoli.

Giorgio Chiellini Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Koobka Super Cup Ee Juve Iyo Napoli.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 4-07-12 1:02 PM

Daafaca Juventus Giogio Chiellini ayaa seegi doona Super Cup Final ee ay la ciyaarayaan Napoli, sababo la xiriira dhaawac uu qabo.

Daafacan ayaa la bedelay kulankii finalka ee Euro 2012 dhaawac soo gaaray aawadeed, waxaana ala qiyaasayaa inuu garoomada ka maqnaan doono muddo 40 maalmood ah.

Daafacan dhexe oo sidoo kale loo isticmaali karo daafac garabka bidix ayaa sidaasi darted ka qeyb qaadan doonin kulanka 12ka August ee isku celiska Coppa Italia ee ka dhacaya caasimada China ee Beijing.

Maqnaanshihiisa ayaa laga yaabaa inay albaabka u furto Lucio inuu kooxda u ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah, iyadoo la filayo inuu xilli dhow soo gabagabeeyo ku biiristiisa Juve ka dib markii uu Inter ka tagay jimcihii.

Koobka Super Cup ayaa waxaa ciyaara kooxda ku guuleysatay horyaalka Serie A iyo kooxda ku guuleysatay Coppa Italia.

One Response to Giorgio Chiellini Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Koobka Super Cup Ee Juve Iyo Napoli.

  1. Liban Reply

    04-July-2012 at 11:11 pm

    Napoli maxey qaaday marka waa ogen waxa lagu dhigee seey ku ciyaarayan marka

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>