Video: Casillas Oo Ku Baaqay In Dhaqso La Dhameeyo Ciyaartii Finalka Si Xushmad Loogu Muujiyo Italy. | Laacib.net
Home » Europa League » Video: Casillas Oo Ku Baaqay In Dhaqso La Dhameeyo Ciyaartii Finalka Si Xushmad Loogu Muujiyo Italy.

Video: Casillas Oo Ku Baaqay In Dhaqso La Dhameeyo Ciyaartii Finalka Si Xushmad Loogu Muujiyo Italy.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 3-07-12 12:17 PM

Muuqaal la duubay ayaa muujinaya kabtanka Spain Iker Casillas oo ku baaqaya in daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray in dhaqso la gabagabeeyo si xushmad loogu muujiyo Italy.

Azzurri ayaa lagu qabsay inay 33 daqiiqo ku ciyaarto 10 ciyaaryahan ka dib markii Thiago Motta uu dhaawac ku baxay, waxaana ay Spain 4-0 ku dardartay Italy ka hor inta aan 3 daqiiqo oo dheeri ah ciyaarta lagu darin.

Daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta, Casillas ayaa u jeestay caawiyaha garsooraha ee taagan goolka gadaashiisa isagu ugu baaqayay in ciyaarta la dhameeyo, isagoo dhahaya: “Ixtiraam kooxda naga soo horjeeda. Ixtiraam Italy”.

httpv://www.youtube.com/watch?v=iot5f5qbAyA

Goolhayaha Real Madrid ayaan u codsan in ciyaarta la soo gabagabeeyo si uu damaashaad u bilaabo, lakiin waxa uu ka dhabeeyay ixtiraamka uu u muujinayay Italy isagoo markii seeriga laga dhawaajiyay gacan qaaday caawiyaha garsooraha ee taagnaa goolkiisa gadaashiis.

Casillas ayaa dhigay rikoor cusub oo 509 daqiiqo ah oo aan wax gool ah laga dhalin koobka Euro, waxaana uu sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 100 guul la gaaro xulka qarankiisa, iyadoo Spain ay gacanta ku dhigtay koobkeedii seddexaad afar sanno gudaheed.

20 Responses to Video: Casillas Oo Ku Baaqay In Dhaqso La Dhameeyo Ciyaartii Finalka Si Xushmad Loogu Muujiyo Italy.

  1. X.C.X.H esmax Reply

    11-July-2012 at 6:06 pm

    inkasta oonkasoohorjeedo lakiin waanin uqalma xidignimada golahaynta waanjeclaan lahaaa inan barcenol kuarko lakiiin waa wax aandhacayn byyyyyyyyyyy asxabtay

  2. Macow l.m.10 Reply

    07-July-2012 at 5:50 am

    Sbien

  3. Sayidka Reply

    03-July-2012 at 11:08 pm

    .kkk War Aniga waxaan la yaabanahay heerka uu joogo xulka spain yaa gaarsiiyay . Taas way cadahay wa fcbarcelon .REAL MESHA Magac u yaal ayay ka tahay .teda kale sanada soo socoto ikar iyo iniasta messi .waxba kala haysta .ikar waxan ka sugayna war Albiitaraw saan maxaana loogu galaa ciyaarta naga dhamee .Taasna waxan dhahay Anoo ku kalson best pleyar in the Euro 2012 <> and best pleyar in world <>.

  4. who is who? Reply

    03-July-2012 at 5:53 pm

    soomaalida maahmaahdeedu waxay ahayd aabahay ayaa xoola leh waxaa dhaama anigaa dameer leh waxaan kaloo lee yahay mayd keeba ugu dambeeyay kan hada la sii sido italy way fiican tahay waxaa ka dambaysay waxay noqotay irland oo le marka waxba ha faanin ee itlay ha soo barato ciyaar jeeso iyo sabuurad waa loo dhigay

    plz spain yaanan cidna lala meel dhigin

    thanks all asxaabta

    by realmadrid fun

  5. chelsea man Reply

    03-July-2012 at 4:19 pm

    asxaabta all waa idin salamay salaan kadib LAACIB Casillas goal walaga dhaliye xasuuso ciyaarto spain iyo italy 1 1 ka eheed A.D. Natale ayaa dhilye goal lakin kaas kaliya ayaa laga dhaliye mi kale kama dhalan runtii waa goal haye fiican taas ayaan ku xasuusinaaye thx laacib sida wacan ee aad noogu so gudbiso ciyaaraha

  6. zaki afellay spain b0i.... Reply

    03-July-2012 at 3:32 pm

    Dhoofan dabarey iska hadle nin wayn x0l0 viva spain war wax nayska ken celia n kena.

  7. Dhoofaan dhabareey Reply

    03-July-2012 at 2:43 pm

    Lakin spain yeeysan hilmaamin italy waxay ahaayeen 10 men so that mida kale taariikhda spain iyo italy waxaa taariikh weyn italy waxan lahadleyna spain markeey soo qaado 4 world cup and 4 uero italy w hormuddka iyo maskaxda yurub ee kubada cagta qof kasta ayaa og

  8. Ilker wa ciyaryahan sharaf mudan,lkn buffon kama liito isna taarikh wu ku leyahay kupada cagta

  9. Xaaji Milaano Reply

    03-July-2012 at 1:42 pm

    Wuu ku mahadsan yahay cassilas xushmada uu u haayo xulka talyaaniga waana nin wax garad ah fahamaaya in xulka azzuri uu yahay xulka labaad ee uku badan hanashada koobka aduunka Reer egland reer germany fadlan wax lahara waa qirsanahay in nala xasuuqay laakin waxaa shaki kujirin inaan nahay azuuri ahaan teamka labaad ee europe uku fiican

  10. Aqabinho Reply

    03-July-2012 at 1:25 pm

    Waanin xushmad badan casilas best golkeebar in the world sorry italy viva özil ramos di maria

  11. banzema & cannavaro Reply

    03-July-2012 at 1:19 pm

    Waxa aan umalay nayaa in anu kabtan kale saa. yeelayn yurubna iminka waxa ay kumash qulsantahay cidii ka badin lahayd spain in ay raadiso. habeen dhawna haduu alle ka dhigo caslles waxa uu odhan doonaa ilaali sharafta barca oo dhamee ciyaarta realmadrid guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  12. M'o Bossaso Reply

    03-July-2012 at 1:15 pm

    walhy spain iyo realmadrid waxan ku taageray casillas dartiis wa qof hiba ilahay siiyey waxu udhaqmaa( sida isin ama nabadoon oo kale) hadu hanunida, dinta islamka Uqorantahay waxan ilah u su’aalaya inu islamka u iftimiyo.

  13. abdulhamid mahamed nor Reply

    03-July-2012 at 12:59 pm

    captain ikar waa captain sharaf leh dulqad badan oo aad dagaalka u neceb iyo xushmad ku leh aduunka. Waxaana uu uqalma goolhayaha aduunka ebed ilaa ku qatarsan inta ka dhinto. Viva iker iniesta xavi ramos alonso sergio and abaayo caasho torres. Wada all viva.

  14. Maxamed Reply

    03-July-2012 at 12:55 pm

    Waagoolhayaha_aduunkaufiican+unanasiibkawacan

  15. Waxan lehay koxdisa ayaa ka dhigtay wasa boqor cade viva arsenal rial madrid salaamad laacib.net

  16. axmad yare Reply

    03-July-2012 at 12:44 pm

    Nin i kadheh nin real madrid boorta u’ah waa laku yaqaan sidaas. Viva madrid

  17. Dugulo Reply

    03-July-2012 at 12:37 pm

    Nin sharaf leh oo wax garada weeye icer casillas waan tageera ninka sidaas oo kale ah viva chelsea viva ileys xudun viva our herro drogba torres hazard hulk

  18. dayniile mrno&cr7 Reply

    03-July-2012 at 12:33 pm

    Iker wa ciyariyahan sharaf leh qofka sharafta lehna caadiyan dadka kale wuu sharfa marka italy we’re sorry koob spanish hala tartamin after ths waxana leyaha gusha waxaa wada leh spain iyo tagerayasheda lkn marka laga hadlo saxda waxa leh kabtankena iker casilas

  19. abdi wasa ''ozil'' Reply

    03-July-2012 at 12:32 pm

    runtii waa nin aad iyo aad u fican maxa yelay nin kale ma garteen sidaas
    viva capitano cassilas galactique

  20. Carrick Reply

    03-July-2012 at 12:31 pm

    Wa nin fiican

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>