Andrea Pirlo: Xulka Italy Waxaa Kaliya Ka Fiican Xulka Spain. | Laacib.net
Home » Europa League » Andrea Pirlo: Xulka Italy Waxaa Kaliya Ka Fiican Xulka Spain.

Andrea Pirlo: Xulka Italy Waxaa Kaliya Ka Fiican Xulka Spain.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 3-07-12 6:20 PM

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Andrea Pirlo ayaa shaaca ka qaaday in Spain kaliya ay ka fiican tahay xulka Italy haatan, ka dib markii Azzurri laga qaaday koobka Euro 2012.

Xulka Cesare Prandelli ayaa waxaa ay guuldarro 4-0 ah ka soo gaartay La Roja axadii, iyadoo labada xul ay wareega group-ka ku kala bixi waayeen barbaro 1-1 ah.

Pirlo ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay qaab ciyaareedkii Italy ay ku soo bandhigtay Euro 2012, lakiin waxa uu qirtay in xulkiisa uusan u babac dhigi Karin xulka Spain.

“Spain ayaa ah kooxda kaliya ee aanan gaari Karin marka ay timaado wareega kubada” ayuu Pirlo u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Waxa uu ahaa koobkaan mid weyn ilaa iyo finalkii, markaasoo aan ka soo bixi weynay heerkii la inagala filanayay.”

“Doorkeyga koobkaan? Ma doonayo inaan ka hadlo arintaas. Hadii la inagala badiyo, kooxda oo dhan ayaa laga badiyay. Wax faa’ido ah kuma jirto in laga hadlo ciyaaryahankaas ama ciyaaryahankaan”.

15 Responses to Andrea Pirlo: Xulka Italy Waxaa Kaliya Ka Fiican Xulka Spain.

  1. Gagale Reply

    04-July-2012 at 12:39 pm

    Dina tale macalinka afka hore aye ka so tagen italia mida aya kentay guldarada ku timid italia

  2. Aadan deeq Reply

    04-July-2012 at 11:38 am

    Spain xul adag hadeysan ahen sadax koob oo xarir ah ma qaden taas wa taa. tan kale italy kulanki finalka aha waxa lola ciyaray tatikada ay kula ciyaren 2006 xulka farace macnaha waxa la isku howlay in difacoda adag la burburiyo si ay u fududato in golal si sahal ah loga dhaliyo iyo in galinka hore ee ciyarta natijadeda laso gabagabeyo labadina spain wey u suurta gashay lkn aniga dhalisha italy aan isleyahay wey lahayen waxey ahed waxey ku sirmeen kulanki barbaraha ku dhamaday mana ku tashan in spain awodeda laba jibar ka dhigi karan taaso aan is dhihi karo waa mida guul darada biday gl wcn italy

  3. Caaqil yare Reply

    04-July-2012 at 6:03 am

    Birllo maxaqirin kooda spain in ay ugu ciyar wanag santahay kooxda italy lkn italy waxa ugu fii can birllo oo qadka dhexe ka ciyarayey lkn ka ma liitan kooxda spain ayadoo qadka dhexe ka ciyarayey una waday 10 koxda febrikas asigoo ciyartiisa ay wanagsantahay ballotoly asigoo habeenkas loo soo shaac bixiyay ciyarta ugu fiicnayd spain ayadoo italy uhan dadaysa kooxda spain gaar ahaan bufan ayaa handaday waxaana ugu haysta bortiyeriga adunka waa casilas

  4. Macalimuu Reply

    04-July-2012 at 1:30 am

    Kkk

  5. Badriyo Reply

    04-July-2012 at 12:58 am

    Waaaw pirlo wax fiyoow spain ya gari karaa heee halyeyadi barca aya joogaane viiivaa iniesta xavi s.pusqutes pique pedro cesc n valdeees

  6. shankaroon Reply

    04-July-2012 at 12:38 am

    Spain wax gaarikaraa ma la ha sababato maxay tahay?sababto waxaa waaye in ay haystaan xiyaartoy fiican oo kareyeen wadamadi europe soo baxdoo dhan marka layaab malahan sedex cup oo isku cigto inaay qaadaan. Messi baa rabay in team mate kiisa barcelona oo ciyaaraana kooxdiisa in ay qaado coopka finalka ah . Maalinta uu dhahay waxay ahayd maalin ay kulmi rabayn Portugal oo Ronaldo la dhahay Messi meesha ma joo geeh ka badi Spain oo u qaad coopka wadankaada hadii aad ka fiicantahay Messi waa la arki doonaaye. Messi waxuu dhahay spain ka ma rayne karteeno pass ka kubada say yeelaayeen arak badanaa waxaa waaye Barcelona kuwi u ciyaaraayeen Xavi, David Villa,pedro,Alba,Iniesta,Pique,Fabregas,Busquets.

  7. xudeyfa syl Reply

    04-July-2012 at 12:03 am

    pirlo runta ayu kahdlay htan lajogo xulka spain aya dunida ugu fcn viva spain

  8. abdu Reply

    03-July-2012 at 11:19 pm

    spain banoonigeeda caajis waye, maantooo dhan bas ma la og xili natijada imaneso ama ciyarta macaneso. weerar iyo werar calis ayee ciyaarta ku macdahey…. italy xita wa team adag lkn sandydan waxe u sarantahey spain

  9. Veron Reply

    03-July-2012 at 10:27 pm

    Waxaan aniga aamin sanahay anigu in ay spen ka awood badneen xulka italia lakin waxaa kadhex dhacday is fahan la aan

  10. bashka Reply

    03-July-2012 at 7:11 pm

    pirlo runta ayuu ka hadlay wayo spain waa xulka aduunka ugu fiican ee sadex koob oo calami ah qaaday hadan isku xiga waana xul haysta laacibiin tayo leh gaar ahaan qadka dhexe xavi hernends xavi alonzo iniesta sergio busqes david zilva iyo febregas oo del busqes uu 9been ah u isticmaalo pirlo wa laacib inkastoo uu da, yahay hadana waa lacib qadka dhexe ku fiican lkn xavi iyo iniesta ma garayo viva spain & fcbarca

  11. cabdulaah Xaji Reply

    03-July-2012 at 7:00 pm

    Wa run tas lkn. Itly ma lii dato ayadana

  12. Gadaan Reply

    03-July-2012 at 6:52 pm

    Pirllo waa runtiisa maxaa yelle waxaa latuse waxa ka badan ciyaar

  13. Xaaji Milaano Reply

    03-July-2012 at 6:36 pm

    Waa sax hadalka andrea pirlo shaki kuma jiro in europe kaliya ay kafiicantahay spain italy waa inaan iska iloownaa guul daradii qaraarka ahayd ee naku dhacday finalkii euro waa in italy ay usoo baxdaa ciyaaraha aduunka ee brazil kadhacayaa 2014

  14. Maanka Reply

    03-July-2012 at 6:35 pm

    Bahda laacib oo naga haqabtirtay arimaha sportska waxan ka codsanaya iney noso gudbiyaan eey nogu kordhiyaan newska gool dhalinta horyalada yurub

  15. Maanka Reply

    03-July-2012 at 6:32 pm

    Pirlo waa xidiga ugu fcn khadka dhexe adunka

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>