
Xiriirka kubada cagta Faransiiska ayaa furay dacwad ka dhan ah afar ciyaaryahan oo xulka ka tirsan ka dib markii lagu eedeeyay inay u dhaqmeen si aqlaaq darro ah intii uu socday koobka Euro 2012.
Samir Nasri, Hatem Ben Arfa, Jeremy Menez iyo Yann M’Vila ayaa lagu eedeeyay inay u dhaqmeen si aqlaaq darro ah, iyadoo arintaan ay u egtahay sidii wixii dhacay koobka adduunka ee 2010 markaasoo afar ciyaaryahan laga ganaaxay xulka.
Eedeymaha lagu heysto ciyaartoydan waxa ay kala yihiin:
Nasri – Waxa uu hanjabaad iyo aflagaado u geystay suxufi ka dib markii France ay guuldarro ka soo gaartay Spain wareegii 8da ee Euro 2012.
Ben Arfa – Waxaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa isku dhac ka dhex dhacay qolka labiska ka dib guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Sweden.
Menez – Waxaa lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay kabtankiisa Hugo Lloris.
M’Vila – Waxaa lagu heystaa inuu iska indho tiray tababare Laurent Blanc isagoo ka baxay garoonka markii la bedelay kulankii Spain.
Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Faransiiska Noel Le Graet ayaa sidoo kale sheegay in lacagihii la siin lahaa ciyaartoyda in haatan la hakiyay.
Waxa uu yiri: “Caadiyan ma jecli inaan wax ciqaabo. Mana jecli inaan fekrado adadag dhiibto. Lakiin ciyaartoydeena waa in la ciqaabaa ama la ganaaxaa”
“Ma doonayo inay u fekeraan sida inay yihiin dhibanayaasha, sababtoo ah ma ahan dhibanayaal”.
Le Graet ayaa sidoo kale beeniyay wararka ay qorayeen maanta saxaafada Faransiiska ee sheegaya in Didier Deschamps uu iska diiday inuu bedelo Blanc.
Waxa uu yiri: “Saaka ayaan arkay iyadoo la leeyahay Deschamps ayaa diiday shaqada France. Taasi waa qalad. Waa wiil aan jeclaan lahaa inaan la shaqeeyo”.
Deschamps ayaa heysta ilaa iyo dhamaadka isbuucaan inuu ku go’aansado inuu qabanayo shaqada France iyo in kale.
Cudud
04-July-2012 at 9:43 pm
Faransisku haday ganaxan samir nasri lacibka da,da yar ya ka celin spain iyo qaramada adadag e kobka adunka….
Mahad celdher
04-July-2012 at 8:58 am
Wa ay dal baden ganaxa nasri waa kan ugu xun ciyar yahanad wuna uqalma in lagacayriyo faranciska
Sami anwar
03-July-2012 at 9:07 pm
Wax ganaax ah uma qalmaan ciyaartoydaas marka laga reebo menez hadii la ganaaxo xulka ayay dhibaato u tahay madaama ay is arki doonan is reeb reebka cup aduunka14ka xulka spain waa waayo farance kama maarmato playrskan gaar ahaan sami nasri
Khalid Juventino
03-July-2012 at 6:40 pm
shaqada france zizu haloo dhiibo
*jordi-alba*
03-July-2012 at 5:23 pm
Sax wa in laganaxa dadkas
Shuceyb soona
03-July-2012 at 5:15 pm
Ayadb a
hassan faqi
03-July-2012 at 5:03 pm
asc,, bahda laacib waxa ay france uga hartey yurub waa cunsirinimo waa sii ay ku hareen koobkka aduunka m. blanco wuxuu rabaa inuu helo frances sax lamana hayo kii hore waa sidaas cunsirinimada
l anelka ayuu buriyey dadka noocani intey joogaan france wax horu mar ah magaareso
hassan faqi
03-July-2012 at 5:00 pm
asc,, bahda laacib waxa ay france uga hartey yurub waa cunsirinimo waa sii ay ku hareen koobkka aduunka m. blanco wuxuu rabaa inuu helo frances sax lamana hayo kii hore waa sidaas bilaa intey heyso cunsirinimada bye sxb,,yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa
l anelka ayuu buriyey dadka noocani intey joogaan france wax horu mar ah magaareso