Xaqiiqooyinkii Aan Baranay Ka Dib Guushii Spain Ay Euro 2012 Kaga Qaaday Xulka Italy. | Laacib.net
Home » Europa League » Xaqiiqooyinkii Aan Baranay Ka Dib Guushii Spain Ay Euro 2012 Kaga Qaaday Xulka Italy.

Xaqiiqooyinkii Aan Baranay Ka Dib Guushii Spain Ay Euro 2012 Kaga Qaaday Xulka Italy.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 2-07-12 10:32 AM

Qaar ka mid ah xaqiiqooyinka dhacay ka dib markii Spain ay 4-0 kaga qaaday koobka Euro 2012 xulka qaranka Italy.

* Spain ayaa noqotay xulkii ugu horeeyay ee difaacda koobka qaramada yurub, islamarkaana seddex koob oo waa weyn oo isku xiga qaata. Koobkaan waa koodii seddexaad ee Euro waxaana ay barbaro la yihiin Germany.

* Guusha afarta gool ah waa guushii ugu weyneyd ee final qaramada yurub ah.

* Vicente Del Bosque ayaa ah tababaraha labaad eek u guuleysta Euro iyo World Cup, isagoo ku biiraya Helmut Schoen, kaasoo West Germany ku hogaamiyay Euro 1972 iyo koobka adduunka 1974.

* Guushii axada waxaa guushii ugu horeysay ee ciyaar caadi ah oo 90 daqiiqo ku dhamaatay ay Spain ka gaarto Italy tartan rasmi ah.

* Weeraryahanka Spain Fernando Torres ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee goolal ka dhaliyay labo final oo Euro ah, waxaana uu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta kabaha dahabka.

* Guuldaradii ugu danbeysay ee Spain ka soo gaartay koobka qaramada yurub waxa ay aheyd 2006dii markaaso kulan isreebreb ah ay 2-0 kaga badisay Sweden, 29 kulan ka dib weli Spain dhinaceeda dhulka lama dhigin.

* Waa markii seddexaad ee xul uu labo gool dhaliyo qeybta hore ee finalka Euro. Italy ayaa sidaasi sameysay 1968dii iyo Czechoslovakia 1976dii.

* Goolhayaha Spain Iker Casillas ayaa ah ciyaaryahanka labaad ee wadankiisa kabtan u noqda seddex koob oo waa weyn sida Euro iyo World Cup, waxaa sidaasi hadda ka hor sameeyay Franz Beckenbauer.

* Casillas ayaa sidoo kale ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 100 guul la gaara xulka wadankiisa, waxaana uu shabaqa gool ka ilaalshay 76 kulan 136 kulan oo uu guud ahaan u saftay La Roja.

* Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain David Silva ayaa si toos ah ugu lug lahaa shan gool ciyaaraha Euro 2012 (2 gool, iyo 3 caawin), waana in ka badan ciyaaryahan kale waxa uu sameeyay.

* Goolhaye Gigi Buffon ayaa dhaafay rikoorka Dino Zoff ee ugu safashada badan ciyaaraha Euro iyo koob adduun isagoo saftay kulankiisii 25aad. Waxa uu Buffon haatan ka danbeeyaa kaliya Paolo Maldini (36) iyo Fabio Cannavaro (26).

36 Responses to Xaqiiqooyinkii Aan Baranay Ka Dib Guushii Spain Ay Euro 2012 Kaga Qaaday Xulka Italy.

  1. Nasri yare Reply

    07-July-2012 at 7:47 pm

    Runti spain record aye dhigen maxa yelay halgool oo kale aya laga dhaliyay halka aye 12 gool dhaliyen.
    Viva BARCELONA players in Spain

  2. magaca cabdiqakani Reply

    03-July-2012 at 10:57 am

    SPAIN HADAY KUBADA BARATAY HADANA WAA LAGA MADOOBAYN

  3. abdi wasa ''ozil'' Reply

    03-July-2012 at 10:01 am

    viva la rokha da best ever

  4. man city fan Reply

    03-July-2012 at 12:03 am

    waxaa kaloo layaab leh hal goal kaliya ayaa laga dhaliyey spain intuu tartanka socday!!!!!!!!!!!

  5. Sadaq siinay Reply

    02-July-2012 at 11:55 pm

    A s c dhaman bahada is bortiga xiseysa iyo is ku xiraha weyn e laacib net markan u so labto qodobkeg doda fadalan waxan cod sanaya inan laceb boga laacib net buz lo ma furin ina lesku mariyo hawad aflagado iyo wixi lamid ah e waxa lo furay in les dhaf sado fikradaha is bortiga plz eyasan naga tan badini tagera nimad ku ligin inta figrada ka dhibata laacib net ada bada u mahad santihin a s c

  6. Abdiqadir duulaa Reply

    02-July-2012 at 9:14 pm

    Asc all bahda sports iyo shaqalaha sharafta le e shabakada laacen.net salan kadib waxan raba inan kahadlo kulanki axada spain & itaily ani wan arkayay kobka ciida iska le wayna qatay lakin waxan layabanahay hanjabadi baloteli meshay aday

  7. banzema & cannavaro Reply

    02-July-2012 at 8:48 pm

    caslles ayaa waxaas oo dhan waxakadam beeyay ayaa la odhan karaa

  8. said Reply

    02-July-2012 at 7:49 pm

    runtii ciyaartii xalay rag badan otaa geerayay itly baa lahaa waad qaadi doon taan koob ka laakiin waalaga qaaday

  9. farey Reply

    02-July-2012 at 4:12 pm

    Hambalyo ayan leyahay xulka qaranka spain oo xalay so bandhigay ciyartodii ugu wanagsanay intii u qabsomay tartankan euro 2012. La roja way uqalanta inay dufaacato koobkan, oo rero Italy xalay cashar ayaa baray aya la orankara oo ahaa basska ay bixinayeen inesta, xavi alonso iyo silva oo xalay maria palatoli iyo pirlo ay ku wareren, waxana ay barteen cashar wanagsan, J.mata iyo torres iyaguna ma aysan yaraysanayn oo mata ayaaba ka siinixiyey ciryarta o sii dhamanaysay marka o mata badal ku sogal ciyarta guul wngasan spain

  10. Abdiqan farey/;-> Reply

    02-July-2012 at 4:00 pm

    Hambalyo ayan leyahay xulka qaranka spain oo xalay so bandhigay ciyartodii ugu wanagsanay intii u qabsomay tartankan euro 2012. La roja way uqalanta inay dufaacato koobkan, oo rero Italy xalay cashar ayaa baray aya la orankara oo ahaa basska ay bixinayeen inesta, xavi alonso iyo silva oo xalay maria palatoli iyo pirlo ay ku wareren, waxana ay barteen cashar wanagsan, J.mata iyo torres iyaguna ma aysan yaraysanayn oo mata ayaaba ka siinixiyey ciryarta o sii dhamanaysay marka o mata badal ku sogal ciyarta guul wngasan spain

  11. M'o Bossaso Reply

    02-July-2012 at 3:56 pm

    Only (God) can stop spain

  12. C/fataax lucky Reply

    02-July-2012 at 2:59 pm

    Ilaa iyo hada farxad ayaa la kici la.ahay yaa qibrada kubada ineist iyo xavi igu soo wareejiyo

  13. xasan Reply

    02-July-2012 at 2:42 pm

    Waaaaaw akhayarta waa ujedan Italia sida uagalnay wiligen san Uga atkaanena waxi sogalo khatka ciyaryahanada kowabka wawen by kkkkkkkkkKkkkkkkkkkkk hhhhhhhhhhhhhh waaaaaw

  14. Farhio dagan Reply

    02-July-2012 at 1:46 pm

    Wankufaraxsanahay gusha spain

  15. fahadbile Reply

    02-July-2012 at 1:16 pm

    asc asxaabta sharafta leh oo xiiseeyaan bahda sbortrs iyo laacib .net oo siween ugu qeeb qaatay is ku xirka ciyaaraha marka xigta kulan kii xalaya marka aan ka hadlo fikradeeda spain waxa waayey naadia aan caadiu aheen oo isku ciyaar wada aha ciyaatrooyda spain warka waxaan lee yahay farxad wacan

  16. Yaasin Reply

    02-July-2012 at 1:14 pm

    Viva span wan kasugayi waxan iyo wax kadaran sanatka lasodhafay waxan cuqdat kudiray jarmal sanatkanne itali k k k k k k k barazis hadeg igusa adane sidan iyo sikadaran ayan ugalaya k k k k k k viva spain

  17. Suleiman yare arsha Reply

    02-July-2012 at 1:06 pm

    Asc shaqalaha laacib.net iyo aqristayasha hadan uso laabto spain guusha ey ka gaartay italy koley aniga wan ka xumahay wayo waxan watay Italy ayada ayana la jeclaa sory mario and pirlo

  18. Macalimuu Reply

    02-July-2012 at 12:57 pm

    Viva spain

  19. Macalimuu Reply

    02-July-2012 at 12:56 pm

    Kkk

  20. Ismacil xasan Reply

    02-July-2012 at 12:51 pm

    Aad iyo aad ayan ugu farax sanahay guulka weyn ay ka gaartay sanadkan Euro ga xulka spain oo u sii halgamaya koobkii afaraad haatan ay guul daro weyn ka soo gaartay xulka qaranka italy habeenimadii xalay uu koobka u luxay ciyaar yahanka Iker casilas by by kooxda laacib .net

  21. Wadani Reply

    02-July-2012 at 12:35 pm

    Viva spean wlh wan filayay guusha j.s.t.a.all waaw wali lama shegin ciyar finala hadana 4-0 waxba ah spean gul viv

  22. cabdal Reply

    02-July-2012 at 12:30 pm

    sxbiya daka ku washay spain waxan fila in ada kubada hada idunku horeso malaga hadee koob qado xitaa watageri rabtin meeshi koob laga qado ayaa jirtin spain wan ognahay waa maata marka sxbiyal qarmada tageeri jirten iska laabta spain ha tageran ilmaha hada so baxayo nin dhahay spain tagera la lama doodo ilen shalow kubada bartay ok bye inta kubada wax kataqano

  23. Fabregas Reply

    02-July-2012 at 12:21 pm

    Wacdaraa ka dhacay mario boleteili waa cee boobay miduu germany ku dhigay ayaa looga aaray viva fabregas and iniesta xavi ramoos d.silva SPAIN guul waarta

  24. cabdulaah Xaji Reply

    02-July-2012 at 12:13 pm

    Fadalan laacib waxa ka cotsana tageyrihi sow qora aflaado. Fadlan halaga tirtiro lacib soda khadira oo hatan aflaado sameyay

  25. Wad salaman tihiin dhaman madaxda laacib.net iyo inta tagerta arsenal rial madrid dhaman salan sare hadan ugudbo dhanka figradaha waku farax sanahay iney sbein qado wayo burtugal wey weysay cid ka awod badana ma jiro sbein laga yaabe viva ronaldo

  26. Khedira Reply

    02-July-2012 at 11:50 am

    Spain ana waso iyo wixi tagero spain

  27. Jibriil jacafr shiikh Reply

    02-July-2012 at 11:38 am

    Waaaw marka hore hambalyo SPAIN midakale waxaan aad ugu faraxsanahay xidigagah Chelsea oo finalka goolal kadhaliyay Fernando Torres Juan mata iyo Torres oo kuguuleystay kobaha dahabka Hambalyo Chelsea players ” FERNANDO TORRES” 9 Elnino

  28. Klose Reply

    02-July-2012 at 11:26 am

    Yusufey Bro waa Sax Macalinka Madaxisa Alaha ka Shubo Badal Qaldan isticmalay Abate ukuso bilaabay Ninka Dhankisa 3 Goal ka imaaden waa Damiin Weerarka uku Fiicanyahay Defense Malahan Qaladka 2aad wuxu Ahaa Macalin Dhan oo 60 min Cayarto Socotey iska Dhamayey Badalka waye the last 30 Min Waxe ku Dheelen Azzuro 10 Men wana Niyad jabeen Midas keentey in Lugusii Guro Asxaabta Qaarkod iskama ogo Nimankan in laga badna 4-0 iska leeyihin kkkkkkk Azzuro Ninkas ka bixi laheen xata 2_0 maku Dhamaten i blve ine Weji kale lahaan laheed Cayaarta but dhaawacyadi & coachka qaladkisi Nasiibkas iska saacidey spanishka Anyways Spain Greece Cml iska Ahaan Jiren 5 sano kahor Hadana Taagero ay yeeshen yaab badana umadaan haba kooxdi Koob Qaado ku shamuuman Hade la Dagaayan kkkkkkkkkkkk viva Azzuro Diiqyada yurub 4 World Cup Winners the Second team in the World

  29. jamal cesc Reply

    02-July-2012 at 11:23 am

    asc wali waxbadan aya inoo dhiman hadan nahay la roja fans ilaa aan ku darno world cup 2014 wali waa qabyo intaa kaliya ma aha howsho macalinka la roja hambalyo vicente del posque and players sida cesc fabregas oo noo soo bandhigay ciyaar wanag labada atoore iniesta/xavi fifa la roja

  30. yusufey Reply

    02-July-2012 at 11:20 am

    Coachka ka Badiyey talyaniga Qurunka Macalin Ma Ahen Spain indhaha laga tumi lahaa muku dheelo sidiisi hore germany kula cayaarey why u badala formozionka shyt spanishka ayagana niman nin kasii dhawacmay oo 9 nin ah kusiii gureen caafiya wanili gaadey mafia kkkkkkkkkkk

  31. Dhiidhoco88 Reply

    02-July-2012 at 11:18 am

    Yaab layaab layaab
    caaway waxaa dhacay wixii la sugi la’aa oo hadana lawada rajeynayey laakiin waxaan layaabay horay uma arkin final 4 gool iyo waxba lagu qaadayo viva torres j.alba d.silva iyo j.mata
    MAHADSANIDIIN BAHDA LAACIB.NET

  32. Cabdikadir Reply

    02-July-2012 at 11:08 am

    Xavi oo noqday ciyaaryahanka laba final baas uu dhigay lagu guulaystay

  33. Waxa an waxba ku dhis neyn in ey qado ispian kobka maxa yelay ma eysan arkin xul awod leh sida xulka brazil o kale lakin wayna is arki donan wana la arki dona ispian in ey ka wada awod badantahay xulalka adunka odhan &inkale wabilahi tofiq

  34. Abdulahi shakata Reply

    02-July-2012 at 10:57 am

    La rajo wax celin kara ma jiran kob kasta oo la dhigo iyada qadeyso ilaa sanadaha soo socdo azzuri waxba mesha kuma hayan viva torres kkkk holan germany france england portugal ciyartoyda haleskuso daro markas ine barbaro ku celiyan waa laga yaabaa viva spain

  35. aiman lfc man Reply

    02-July-2012 at 10:54 am

    wan ku farax sanahay spain gusha wacan

  36. maxamed c/rashiid nambula Reply

    02-July-2012 at 10:43 am

    viva spain

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>