
Maalin wanaagsan akhristayaasheena qiimaha leh meel kasta oo aad joogtaan, waa mar kale iyo barnaamijkii xiisaha lahaa ee Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Barnaamijkan waxaan idinkugu soo gudbinaa wararka xanta ah ee wargeysyada qaarada yurub ay ka qoraan maalin walba suuqa kala iibsiga.
Ilaa iyo inta uu suuqa kala iibsiga furan yahay, laacib.net maalin kasta ayay barnaamijkaan idiin soo gudbin doontaa.
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran.
Aan ku bilowno:
INGARIISKA:
Kooxda boorsada weyn ee Paris Saint-Germain ayaa ku dhow inay 8 milyan oo ginni ku dalbato kabtanka iyo daafaca kooxda Chelsea John Terry si ay uga kaxeeyaan Stamford Bridge. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Arsenal Theo Walcott ayaa laga yaabaa inuu si la yaab leh ugu wareego kooxda kale ee ka dhisan London ee Blues. Walcott ayaa hal sanno ay uga hartay qandaraaskiisa, waxaana uu hakinayaa heshiis cusub oo uu u saxiixo Arsenal sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Liverpool ayaa weli sii wada qiimeynta ay ku heyso ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Swansea Scott Sinclair, kaasoo weli hakinaya qandaraas cusub oo looga soo bandhigay Liberty Stadium. Waxaa ciyaaryahanka lagu qiimeeyaa 6 milyan ginni. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Lyon ayaa dareen gelisay kooxo badan ka dib markii ay sheegeen in goolhayahooda Hugo Lloris inuu suuqa saran yahay, islamarkaana ay ku doonayaan 15 milyan ginni. Wargeyska The Sun ayaa qoray in Tottenham ay dooneysa, Daily Star waxa ay sheegeen in Liverpool ay xiiseyneyso goolhayaha taasoo su’aal gelineysa mustaqbalka Riena, halka shabakada goal.com ay qortay in Lloris laga doonaya garoonka Emirates ee kooxda Arsenal.
Ciyaaryahanka la qabsan waayay kooxda Tottenham Giovan Dos Santos ayaa ku dhow inuu ku biro kooxda Malaga ee dalka Spain. Sida ay qortay Daily Mirror.
Liverpool iyo Chelsea ayaa loo sheegay inay tahay inay ugu yaraan miiska soo saaraan 12 milyan ginni hadii ay doonayaan inay la soo wareegaan xiddiga kooxda Wigan Victor Moses. Sida ay qortay Daily Mirror.
“Waa ciyaaryahan Arsenal ah.”: Waxaa sidaasi yiri Roberto Mancini oo qaboojiyay wararka Robin Van Persie la xiriirinaya kooxda Manchester City. Sida ay qortay Daily Mirror.
Gylfi Sigurdsson ayaa ku dhow inuu u saxiixo Tottenham maanta ka dib markii Liverpool ay ka laabatay xiiseyntiisa madaama uu dalbaday mushahar aysan Reds dooneynin inay bixiso, sida ay qortay Daily Express.
Aabaha dhalay Alan Dzagoev ayaa shegay in Tottenham ay dooneyso inay la soo wareegto willkiisa oo u ciyaara kooxda CSKA Moscow, waxaana laga yaabaa inuu noqdo saxiixa ugu horeeya ee tababare Andre Villas-Boas marka si rasmi ah loogu magacaabo tababaraha Spurs. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Adam Johnson ayaa isbuucaan kala munaaqashoon doona tababaraha Manchester Roberto Mancini mustaqbalkiisa. Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara oo 24 jir ah ayaa waxaa doonaya Liverpool, Everton iyo Sunderland, sidoo kale waxaa xiiseyneysa Tottenham. Sida ay qortay Daily Star.
Joao Moutinho ayaa ku taageeray ninka ay isku wadanka yihiin Andre Villas-Boas inuu macalin u noqdo Tottenham, waxaana laga yaabaa inuu u raaco White Hart Lane. Sida ay qortay Daily Mail.
Newcastle ayaa ogolaatay inay shan milyan ginni kula soo wareegto daafaca reer Brazil ee kooxda FC Twente Douglas. Sidaasi waxaa qortay Daily Express.
Danijel Pranjic ayaa xusay inuu u saxiixi doono Everton ka dib markii uu Bayern Munich kaga tagay isagoo xor ah. Sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.
Wadada ayaa u banaan ciyaaryahanka Inter Milan ee reer Brazil Maicon inuu 6 milyan ginni ugu dhaqaaqo kooxda ka dhisan Stamford Bridge ka dib markii Real Madrid ay ka baxday tartankii ay ugu jirtay 31 jirkaas. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Tababaraha kooxda Blackburn Rovers Steve Kean ayaa ku dow inuu Newcastle kala soo wareego Leon Best, waxaana ay ku doonayaan 2.25 milyan ginni si uu u buuxiyo booskii uu baneeyay Yukubu.Sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.
Wakiilka Mario Balotelli ayaa sheegtay in ciyaaryahanka uu wakiilka u yahay inuu u qalmo 200 milyan ginni hadiiba uu xagaagan koox kale u dhaqaaqayo. Sida ay qortay The Sun.
ITALY:
Kooxda Talyaaniga ee Caglairi ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u la soo wareegtay ciyaaryahan Andrea Dossena oo kaga soo biiray kooxda Sampdoria.
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 8 milyan ginni ah ka diiday kooxda Juventus oo ku aadan kabtankooda Robin van Persie, sida ay qortay jariirada Gazzetta dello Sport.
Juventus ayaa sidoo kale heysata 10 maalmood oo ay ku go’aansato ciyaaryahanka heerkiisa sareeyo ee la filayo inay keeni doonaan, sida ay qortay Corriere dello Sport.
Mustaqbalka ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic ee kooxda AC Milan ayaa shaki la geliyay mar kale iyadoo laga yaabo inuu kooxda ka tago sida ay qoreyso Tuttosport.
Ciyaaryahanka kooxda Napoli Ezquel Levazzi ayaa ka degay Paris si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu wareegayo kooxda ka ciyaarta caasimada France ee PSG. Sida ay qortay jariirada Faransiiska L’Equipe.
SPAIN:
Wargeysyada Spain waxa ay maanta diirada saarayeen kaliya guushoodii koobka Euro 2012 ee ay xalay ku guuleysatay xulka Spain. Waxyaabaha ay ka qoraan suuqa kala iibsiga wixii ka bilowda berri ayaan idiin soo gudbin doonaa.
boqorka
09-July-2012 at 7:15 pm
Aad ayaan usalmaaya dhaman akhyarata waxa aan ahay tagere realmadrid waxa aan rajaynayaa in aan qado sanadka kale Spain – Primera División Powered by isha laah
boqorka
09-July-2012 at 7:13 pm
mustafe maxamuud xaaji ninka la dhohow sxbow ku lara ayi ayaan ahay kaka hala cayrsho maycon halakeno thnx sxb
mustafe maxamuud xaaji
03-July-2012 at 6:13 pm
maa daama an taageero kooxda ugu guulahabadan yurub realmadrid waxaan kacod sanayaa maamulka kooxda gaar ahaan jmoriniho in uuna waxba soo iib san hadii lagatagi waayana lasoo iibiyo difaaca maycon kaka na laciyaariiyo
Xk sheeno
03-July-2012 at 1:41 pm
Sxbayal nadiga lcgtaleh ciyariyahan kaste wa helayan terry akahadlehe misse alaweydina lkn malahesela ? Tnk mudanayal nadi weyn oah england maulabto sera b
Dugulo
03-July-2012 at 8:40 am
Walcott welcome blues viva xudun viva ileys and chelsea
muuse
03-July-2012 at 8:36 am
sxbayaal, aniga waxaan qabaa in aadan dacaayadaynin webka balse waxaan webka ku dhaliilayaa in Horyaalka ingiriiska uun ay noo balbalaariyeen, kadib ay noogu baxayeen wargeysyada yurub iyo waxay qoreen, waayo italy oo dhan seddex jiifar ayaad kasoo qaadateen, halka spain aad kusoo koobteen inaad spain guushooda ku mashquulsan yihiin marka cadaalada dhowroo liigaga wada sami oo naga daaya ingiriiska aad sida BBC-da oo kale u buun buuninaysaan
Caaqil114
03-July-2012 at 7:41 am
asc asxaabta waxaan leeyahay anshaxa hala dhoowro is dejiyaya walaalayaal.. laacib.net thanks ayaan leeyahay..
juan mata
03-July-2012 at 3:03 am
asc fadlan codsi dhamaan dhalinyarada ku xiran laacib waxaa ogeysiinaya in cayda la iska dhaafo waxaani waa sports marka waan dareen sanahay xamaasada jirta laakiin waxaa ka haboon in la dhooro anshaxa iyo webka sharaftiisa fadlan taasi waa codsi dhalinyaro hadaan usoo gudbo fikradeydii sanadkan horyaalka ingriska ayaa ugu xamaasad badan maxaa yeelay waa horyaalka ugu fiican caalamka sidaas darteed waxaa taageeraa aniga blues wuuna mahad sanyahay laacib waxaanu leenahay sii wad shaqada aad u heysiin dhalinyarada iyo madadaalada fifa laacib jir oo joog
nashaad
03-July-2012 at 2:43 am
ax axaxa axaax axa xax talyani waan u xishooday xaly waxii ku dhacay iam very sorry way adagyihiin aya laygu wareriyay oo ka seexan wayy laaakin rag aya healy viva spain nadil qarni mucjiso ku soo korodhay caalamka
abshirani
03-July-2012 at 1:10 am
wan idin salamay dhaman asxaabta laacib.ner kabacdi egland labo macalin ayaa joga wana macalin arsenal iyo kam man u , sanadkan kaliya chelsea 8 macalin ayey maresa ee maxay koox ka ogtahay viv arsenal nd fns
Kabtanka kooxda bashaash fc Yaxye bii
02-July-2012 at 10:44 pm
asc dhamaan shaqaala ha laacib.net sanadkaan waxaa keenee naa modric toyota benis iyo joan motinho horay na waxaan u kenay kagawa man utd sanadkaan waxii iska celin la haay ayaa la rabaa taakeero man utd walcoom to manchester uinted
chelsea EREG
02-July-2012 at 5:47 pm
PSG terry kulahaa hoyaden ayey katahay terry inoo bridge ka tago waxab ugu dran 8mlyion kkkkkkkkkkk wad waleen dheh terry iyo 8mlyon taas hakyabina
Juan mata
02-July-2012 at 5:13 pm
Captin fantastic ayey 8 million ku raban way washeen kkkkkkkkk psg terrey is not for sale
cabdulcasiis Qalinle
02-July-2012 at 5:00 pm
marka hore salaan sare laacib.net.
viva chelsea wacadaro ayay dhigaysa sanadkan waana sanad yaab u ah wayo waxaad ka garanyasa siday suuqa u gashay waa sidii raga ayay yeeshay ta kale ee sii dhisaysa waa guushi baladhnayd ee ay ka ka gaadhay cleague iyo fa ka sanadkana afartaba ka eega, welcome modric,welcot, new rightback, attacker all that we wait viva cfc
C/raxman blues
02-July-2012 at 4:57 pm
Asxabey dhmn tiin waa idin salamay sidaad udhantihiin waa markale iyo fikrado is dhafsigeyni qurxoonaa aniga run ahanti waxa igu dambeysay commentiga 19 may habiinki tariikhda inoo galay hadeynu nahay tagerayasha kooxda sanadka ee blues markale iyo is aragti wcn
Mohamed yare
02-July-2012 at 4:26 pm
T0:Arsenal caruur ayaad tahay sxb 4-1 markaa ka hadleeso adiga meeqo sano ayaan iska kaa biidho bidhesanayay yaase badis badan 19 kulan ayaan kaa dheerahay marka soo barbaar sxb Viva Gunners
Zimba
02-July-2012 at 4:20 pm
wn idin sla may lacib kadib wxan jec laan laha inad noo soo tabi saan wararka man u & real m ee suuqa ku jira wanad mahad san tihiin blz!!
Lamaak jijigaawi
02-July-2012 at 4:10 pm
Wiilka la magacbaxay To:arsenal sxp horta adi waanku tageeraa runtana waad sheegtaa laacib.net waan idin xisay sanad commen man dhiban lkn waan aqrisan jiray asxabtana wan salamaya sida axmad carrick
captan abtidon
captan kalif
chicharito14
kkk cali bile
mohaa xavi
maxamed kilwa fly
c/qani vidic
Salaan sare qoraaga weyn said mahamed
sharmaarke
02-July-2012 at 3:43 pm
woooooooooooooooooow laaaaaaaaaaaaaaacib.net waaanu idin jecelnahay waadna kasbateeen jecelkeena ee halkaas kasii wada sxbyaaaaaaaaaaaaal
To: arsenal
02-July-2012 at 3:32 pm
war kuwiinan arsenal tageera ma xishootaan kulahaa 5-3 ayaan chelsea uga badinay marka idinku ma ilowdeen 4-1 aan idinku garaacnay emaaradka gurigiina marka bal xisaabta soo barta 5-3=2, 4-1=3 marka labadaa xisaab kala jaroo keebaa badan caruur ayaad tihiin xisaabta barta halka aad muranka ka baranaysaan,
Walal devaa
02-July-2012 at 3:12 pm
Asc dhaman bahda sportska, arsenal hadeysan burinin wingar sare B ayey u labaneysa liverpool na hadeysan ciyartoy tayo leh so iibsanin cup iska dhaafe sanadka danbe championka uma soo bexeyso viva liverpool
Nuur awdile dalka south,Africa rosecky vermaelen wilshar walcott songa sagna arteta oliver giroud robn van
02-July-2012 at 2:57 pm
Waxan ushegi lahaa dadka tagero arsenal niyada heska jebina walcott robin van birsea uma socdan kox kale inta arsenal katagan niyada yana nagala xadin viva arsenal
Nuur awdile dalka south,Africa rosecky vermaelen wilshar walcott songa sagna arteta oliver giroud robn van
02-July-2012 at 2:53 pm
Walcott wajogaa chalsea uma socdo mana rabyo koxow garonkeda 5 kudar daray Thanks laacib.net viva arsenal
Zaki hollandeska
02-July-2012 at 2:33 pm
Anigo feker ahan waxan tager sanahy koxda man united waxana jeclan laha in liso gudbiyo wararka man united
C/ladiif
02-July-2012 at 2:32 pm
Liverpool hala soo wareegto moses&sclair&johnson waan qaadanaynaa liiga sanadkan in shaa,alaah
Axmed cabdi xasan
02-July-2012 at 2:32 pm
Tagirayasha spain hambalyo real madrid chelsea iyo juventus guul
''Capitano Abti Doon'' - ''MacQulsome''
02-July-2012 at 2:28 pm
Thanks Qoraa Sare Saed Mohamed & Dhmn Bahda Laacib.Net.
Mohamed sheikh
02-July-2012 at 2:28 pm
Arsenal gaajo waxan ushegilaha in ay ceshtan ninka ay kuduulan ciyaaryahan kasto in u ugutago lacak la,an waa dhib dhibka dhoon waa tababaraha waaye xita teo wlkot wukatagiraba masher la,an dartisa faqriga ayuu daaqada ka arkey odigaas xunka ah
guner 4ever
02-July-2012 at 2:27 pm
laacib waa mahadsan tihin waxana tihiin bahda kaliya ee naga xaqab tirka wararka isboortiga thanks mar alabaad laacib.net viva guners and viva spain
hassan faqi
02-July-2012 at 2:23 pm
asc,, bahdalaacib.net sln kadib aad ayaad ugu mahadsantihiin inaad noo soo gudbisaaan wararkii ugu danbeyey ee suuqa kala iibsiga cayaartooyda ,, intaas iyo in kabadan waan idin ka sugeynaa sxb,yaal waad ku mahadsantihiin shaqada aad heysiin guul ayaan idiin rajeynayaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa bye
Musa gunners
02-July-2012 at 2:17 pm
Runti uma maleya in wolcott u chelsea u warega hadi u baxaya waxu adaya PSG Viva,arsenal
osman 2012-2013 guneres
02-July-2012 at 2:15 pm
jecliyaa laacb.net