Garoonka Kooxda Anzhi Oo Loo Diidey In Lagu Qabto Kulamada Europa League Xilli Ciyaareedka Dambe | Laacib.net
Home » Maqaal » Garoonka Kooxda Anzhi Oo Loo Diidey In Lagu Qabto Kulamada Europa League Xilli Ciyaareedka Dambe

Garoonka Kooxda Anzhi Oo Loo Diidey In Lagu Qabto Kulamada Europa League Xilli Ciyaareedka Dambe

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 2-07-12 10:46 PM

Naadiga Anzhi Makhachkala ayaa raadin doonta garoon kale oo ay ku martigeliso kulamada gurigeeda ka dhacaya tartanka Europe League kadib markii UEFA ay u garatay in gobolka Dagestan uusan ku habooneyn in lagu qabto kulamada Europa League.

Kooxdan Anzhi ayaa u soo baxday kulamada Europe League xilli ciyaareedka soo socda kadib markii ay kaalinta shanaad ka gashay horyaalka dalka Ruushka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Kooxdan oo ay ka mid yihiin Sauel Eto’o iyo Christopher Samba ayaa waxa ay raadinayaan garoon kale oo ku haboon in kulamadooda lagu qabto kadib markii xiriirka ciyaaraha Yurub uu u gartay in ay khatar tahay in garoomadeeda ay ka dhacaan ciyaaraha Europa League.

Afhayeen u hadlay UEFA ayaa u sheegay www.rsport.ru in go’aankan la gaaray kadib markii la gartay in Anzhi aysan garoomadeeda ka dhici karin tartamada Europa League  ee 2012-13 gaar ahaan gobolka Dagestan.

Anzhi oo ka hadashay arrintan ayaa waxa ay shabakadeeda rasmiga ah ku qortay in 30 June lagu qabtay magaalada Kiev kulan ku saabsanaa arrimaha ammaanka ee Dagestan taasoo si gaar ah kooxda Makhachkala loogaga hadlay.

“Waxaan raadineynaa garoon ku yaal dhulka Ruushka kaasoo buuxin kara shuruudaha UEFA.”ayaa lagu sii daray qoraalka ka soo baxay kooxda Anzhi.’’

Dagestan ayaa loo arkaa in ay tahay meel ay argagaxisada ay howlgalo ka fuliyaan iyadoo bishii May ee sanadkan qarax is miidaamin ah  oo halkaa ka dhacay ay ku dhinteen 14 ruux 122 kalana ay ku dhaawacmeen.

 

 

 

3 Responses to Garoonka Kooxda Anzhi Oo Loo Diidey In Lagu Qabto Kulamada Europa League Xilli Ciyaareedka Dambe

  1. Deqow Reply

    03-July-2012 at 1:20 pm

    Kkkk alshaydana meel walba miyuu jogaa viva eto

  2. C.rizaakh macruuf. Reply

    02-July-2012 at 11:09 pm

    Waa yab yurubna al shabab miya joga allow u mada kaqabo

  3. liiban cali Reply

    02-July-2012 at 10:57 pm

    waa.yabka dunida Qaraxne meel kasta maka jira

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>