Del Bosque: Goolka Labaad Ee Alba Waxa Uu Ahaa Furihii Guusha Ee Spain Euro 2012 | Laacib.net
Home » Europa League » Del Bosque: Goolka Labaad Ee Alba Waxa Uu Ahaa Furihii Guusha Ee Spain Euro 2012

Del Bosque: Goolka Labaad Ee Alba Waxa Uu Ahaa Furihii Guusha Ee Spain Euro 2012

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 2-07-12 1:47 AM

Tababaraha xulka Spain Vicent del Bosque ayaa cadeeyey in goolkii labaad ee uu u dhaliyey dalkiisa Jordi Alba uu uga dhignaa in ay si dhab ah ugu guuleysteen koobka horyaalka qaramada Yurub maadaama uu dhaawac weyn u geystey niyaddii xulkii Italy.

Vicente Del Bosque oo 61 jir ah horena u soo leyliyey kooxda Real Madrid ayaa markii saddexaad oo isku xigta xulka La Roja u hogaamiyey in koob weyn ay ku guuleystaan kadib markii ay ku barbarteen xulka Azzuri.

Del Bosque ayaa ku adkeystey inaysan jirin meel dib looga noqdo goolkii labaad ee uu dhaliyey Alba markaana uu xaqiiqsaday in ay markale hanteen koobka qaramada Yurub.

“Kooxdeydu dadaal weyn ayay sameeyeen. Goolkeenii koowaadna waxa uu dhaawacay Italy halka goolkii labaadna uu sii dhamaystirey,” Del Bosque ayaa u sheegay  Telecinco. “Waxaan u haynaa xushmad weyn Italy. Waxana ay ahaayeen koox adag balse annagaa kala hormarnay ciyaartana maamuleynay.”

Farsamadii uu tababaraha Spain xulka dalkiisa ku ciyaarsiinayay ayaa waxaa laga soo jeediyey dhaliilo badan balse waxa uu ku adkeystey in uusan ciyaarta dheelsiin gooldhaliye la yaqaan waxana uu taa ka doortay in lambar 9 been ah uu Cesc Fabregas ka ciyaarsiiyo waxana uu ku adkeystey in ay taasi ahayd go’aan sax ah.

“Waxaan sameeyey waxa aan u maleeyey in ay sax ahaayeen oo wax kale ma aan samayn,”ayuu sii raaciyey. Tababaraha ayaa waxa uu intaa ku sii daray  “Guushan waxaan u hibeeyey kubbada cagta ee Spain gaar ahaan qoyskeyga iyo qof walba.”

Spain ayaa tartankan ku guuleysatay iyadoo uu ka maqnaa laacibkii ugu goolal dhalinta badnaa ee soo mara xulka Spain ee David Villa iyo daafaca Carles Puyol

24 Responses to Del Bosque: Goolka Labaad Ee Alba Waxa Uu Ahaa Furihii Guusha Ee Spain Euro 2012

  1. Walal devaa Reply

    02-July-2012 at 3:28 pm

    Cup ka waxa qaday waa barcelona ciyartana waxa ay u dhaxeysay juve vs barce ninki wax fahmayo viva cabtan gerarrd

  2. Abdinasir Reply

    02-July-2012 at 1:06 pm

    asc hambalyo Spain ugu horeyn tankale dadka dhahaayo waxey aheyd nasiib maxaa ku dhacay madax xanuun miyaa saan? 4-o mala dhihi karaa waxey aheyd nasiib? nasiib waxaa ladhihi karaa hadii ay rigooreyaal ku dhamaa laheyd iyo wax lamid ah marka waxay leeyhay Assurri Addio

  3. Eng. M. C. M Reply

    02-July-2012 at 11:19 am

    marka hore halkaan waxaa ka salaamayaa dhamaan taageeradda xulka qaran ka La Roja Mise aad u garaneysiin Spain waxaan leeyahay Hanbalyo Guusha Aadka u weyn ee aan ka gaarnay xulka Awooda isbidayay ee Azzuria ama Italy waxaan leeyahay xalay waxaa ay aheyd habeen tariikhi ah maadaama xul weyn oo ka soo qeyb galay koobka qaramada yurub loona saadaalinayay in ay ku guuleysanayaa koobka qiimaha leh ay kala kulan arin aad iyo aad u xun Xulka La Roja mise Spain waxaan leeyahay iska suga markale

  4. Klose Reply

    02-July-2012 at 11:14 am

    Aniga Fikir Ahaanteda Hada ka Hadlo Sida Daacada Xulka Azzuro oo Aad u Adka Waxa ka Badiyey Tababarahooda oo ka Qaldey line upka Marka ugu Horeyso Abate kuso Darey kabacdina 3 Goal Dhinacisa ka imaaden Qaladka 2aad Wuxu Coachka inu early isticmalay Badalkisi oo Tiago Motta Cayarto 40 Min Dhimantahay Dhaawac ugu Baxay Kadibna 10 Men ku Dhamesten talyaniga the last 30 Min Midasna keentey ine Niyad Jabaan Labo Goal kalena Logusi Daro Madama Laga Badna Marka Runta yaan la iska indho tirin italia 4 iska dhaafe Ma guulasan laheen Spain lakin Dhaawacyadas ku imaadey coachka Qaladkisa Waxyabahas Dhan Nasiib Waye Marka Nasiib Wacan Spain an Leeyahay inkasto Spain aysan Wax taagero aysan Qabin 4 yrs kahor Hadana waxa kuso Aruuray New ppl oo tagero ay yeeshen Asxabti Barca oo Dhan iska Dhiiben ahahahaaah Forza Azzuro 4Ever

  5. M.daud Reply

    02-July-2012 at 10:53 am

    K.k.k.k.k.k. Waxan hanblyn anlaso kobi karin udiraya dhaman tagerayasha spian hadan gudagalo ujedadayda aya ah spian waa wadanka ugu qabciyarayd wanagan yurub k.k.k. Alba tores

  6. khad ahmed Reply

    02-July-2012 at 10:40 am

    xalay ceeb aanan wali arag ayaa talyaniga ku dhac day waa imid aysan waligood ay san kasoo kab sami doonin

  7. xudeyfa syl Reply

    02-July-2012 at 9:04 am

    hhh nasib majre asxbta wa awod spain karali noqda hatan clamka anaga ka diq ah e waqtigna suga

  8. maxamed cade wadani Reply

    02-July-2012 at 8:56 am

    Marka hore waa salaamantihiiin dhamaaan bahda sportiga marka 2baad nin kasto oo kubad wax uun ka garanaaayo wuu fahmi karaaa waxee tahay spen wa qaranka kaliya o ka dhisan dhinac walbo qaabka cayaareedka ee so bandhigaan cid walbo ee ku qanciyaan xataa kuwa ka so horjeeda waxee cayaaraan kubad ku dhisan kalsooni waxaan aan ku rajo weenhay maaaliin in aan arko qarankeeyga oo sidaaas oo kale u cayaaraayo

  9. Barre.buurfulle Reply

    02-July-2012 at 8:55 am

    Nasib majiro ee wa awood xeed dhafa

  10. kaahin1 Reply

    02-July-2012 at 8:35 am

    nasiib kulaha waad arkeeysen xaley xiitaa danyeerkii mario ahaa in garoonkaba laga waayay kkk viv spain

  11. hanad from seylici Reply

    02-July-2012 at 8:19 am

    dadkan real aye cebenoyan war tegernimo sidaas mahin xulka spain gusha e gaartay barca meesan garin ee qaxa garay qaranka rajo ee hadhihina barca aya gartay waana necbahay waad aragteen ciyaartoyda barca iyo kuwa real sida ee isku jacelyihin marka ee yimaadena xulkooda mida kale inta uusan bilaawan waxa la oranaayay xavi iyo ramos aya isdagalay spain meshaas aye ugu dhamatay lkn meesan dhicin wixi laga filanaayay wax kadaran ayaa sameyen waxaana usabab ah laacibiinteda sida loosoxushay

  12. Musab Reply

    02-July-2012 at 8:09 am

    Italy caawa iney ooyanba uma haboneyn 1-0 ama penelty haa lkn 4-0 final euro cup maxa carlin cup miya kkkkkkkkkk

  13. Abdinajiib Ali Reply

    02-July-2012 at 8:05 am

    Asc aqayarta 4 0 waa awood nasiib mala dhihi karo spain fabrigas alanso iniesta silva xavi lacib net spain

  14. M.khaliif Reply

    02-July-2012 at 7:53 am

    Waaaaaw ciyayar way dhaftey xaley waxa dhacay spain cayaar ceyn walbo leh italy ceeb lama maqal ah

  15. Liiyare Reply

    02-July-2012 at 7:50 am

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk mata tores

  16. Abdinasir Muqdisho Reply

    02-July-2012 at 7:50 am

    Spain Iga dheh Team Wayn Ragan Caadi Ma’ahan Aduunyo Taariikh aye Ku dhafeen

  17. Qaasim Reply

    02-July-2012 at 7:44 am

    Walhi waxa al tusay titaliyo wexey tahay ingiriska iyo jarmalka ayee so rebtay waxey u maleyas in ispin,na afka marsani karto lakin maxey ka faiday mataqana aqyarta 4-0 wan ku farxsanahay k.kkkkkkkjkkkkkkkkk

  18. gerrard Reply

    02-July-2012 at 7:28 am

    kkkkkkkkkkkk xishood majiro halkaan 4_0 miyaa nasiibaa waa awood taas

  19. Farah Reply

    02-July-2012 at 6:47 am

    As.c. Spain markuu haray germany ayey niyeysteen kobka wayo ad ayay u yaqanaan italia

  20. cabdulaah Xaji Reply

    02-July-2012 at 6:34 am

    Sory

  21. Abdibasid Reply

    02-July-2012 at 6:16 am

    Sxb waxa dibka italy 25 gosha marka laga dilayay way niyad jaben

  22. Riise Reply

    02-July-2012 at 5:59 am

    Spain 4_0 Italy Nasiib Lama Dhihi Karø Waa Awøød Abti

  23. Lama filaan Reply

    02-July-2012 at 4:29 am

    Asc wax nasib ladhaho majiraan xulka spain awood ayo w usheegtay xulka italy

  24. C.c.d Reply

    02-July-2012 at 2:32 am

    Nasiib ayaa iga naga hiliyay tageero italy ha iska samraan mid kale aan ka aarsaneynaa spain mahadsanidiin

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>