Iker Casillas ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee taariiqda kubbada cagta caalamka ee 100 kulan ku guuleysta isagoo u safan dalkiisa kadib markii xulka Spain ay 4-0 ugaga badisey Italy ciyaartii finalka koobka Euro 2012.
Goolhayaha Real Madrid ayaa kulankiisii 137aad u saftay xulka dalkiisa isagoo sidoo kale jebiyey rikoor uu hore u dhigey Dino Zoff oo 494 daqiiqo aan laga badin isagoo goolhaye ah waxana uu rikoorkan cusub Casillas ku dhigey 511 daqiiqo isagoo aan laga badin kadib kulankii ay mar labaad ku guuleysatay koobka qaramada Yurub ee 2012.
Bilowgii sanadkan ayuu Casillas waxa uu dhaafay ciyaaryahankii hore u haystay inta jeer ee uu ka ciyaaray dalka Spain ee ahaa goolhayihii hore ee kooxaha Athletic Bilbao,Barcelona iyo Valencia Andoni Zubizarreta, waxana uu haatan isagoo 31 jir ah uu gaaray in uu 100 jeer guul la wadaago xulka dalkiisa.
Casillas waa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee boqol jeer kulamo caalami ah ku guuleysta iyadoo laacibka reer Masar Ahmed Hassam ee qadka dhexe ka ciyaara uu 94 jeer guul ah haysto waxaana sidoo kale 94 jeer haysta daaficii hore ee reer France Lilian Thuram, halka ay goolhayihii hore ee Saudi Arabia Mohamed Ali Deayea iyo weeraryahanka reer Iran Ali Daei ay min 89 jeer kula guuleysteen ciyaaro xulkooda.
Laacibka reer Germany Lothar Matthaus oo u saftay xulka dalkiisa 150 kulan ayaa isagana ku sii xiga oo leh 87 jeer oo guul ah.
Casillas ayaa kabtan u ahaa xulka dalkiisa saddex jeer oo ay koobab heer caalami ah ku guuleystaan xulka La Roja oo kala ah Euro 2008, koobkii adduunka 2010 iyo mar kale Euro 2012.
Golden gril mushtaaq honest
03-July-2012 at 8:42 am
Hi wn idin salamay dhaman kadib hadi an nahney tageraha barca aad bn uku farax san nhy gusha spain iyo gusha casilis iyo cyartoda kale aadbn uku farxin messi asagone tageyrey sxbdi runti gushan mad farleh bye lcin messi is the player of world
Owen
02-July-2012 at 6:34 pm
Casilass waa waaya arag dheh koow iyo labo maxaa yeelay waa qibrad goolhaye eh fifa real madrid and casilass
Abshir abdigaani
02-July-2012 at 5:25 pm
Ninkan waxan filaa 100kale oo sosocotana inu kula guulaysan doono xulkisa
mhad
02-July-2012 at 2:00 pm
casilas waa boortaha dunida ugu wngsn
Ahmed_khadar foodcade
02-July-2012 at 11:01 am
Xulka qaranka spain waa xul anan cidna u baahnen madama ay melkasta ka dhisanyihin guuul spain xavi alonso cesca ramos and cassilas
mukhtaar
02-July-2012 at 9:19 am
ASC waan garanayey inay kuwani soo diiqeen cupka markay nareebeen bakhtidu ma garoonkay daawanayeen mise way ciyaarayeen
xudeyfa syl
02-July-2012 at 9:13 am
hhh kuwan ku haya chelsea maxay daalkoda mel ugarsin wayen e naga amusa xulka spain wa brca and real madrd inta kale wa keyda like mata and tores viva spain xul ayn ka hadlena e kama hadlena koox casilas is the best goalkeper in the world
Musab
02-July-2012 at 8:49 am
War meesha wax chalsea layirahdo lagama yaqaanee isku xishoo barca matahay mise real hadii kale ha hadlin
c/samed banzema
02-July-2012 at 8:48 am
Asc waxan salaamayaa marka hore bahda laacib.waxa aan odhan lahaa caslles waa uu uqalmaa wax kasta oo lagu sheego waayo anugu waxan qabaa in haduu caslles ka fadhiisto xulka in uu koob ay qaadan halkaas ay ugu dam bayso gooliye badali karaana abid taarikhda soo mari maayo
Otah ex sh macra
02-July-2012 at 8:44 am
Waa la iska siiyay binjileyda
cadnaan ozel
02-July-2012 at 8:10 am
casilaas waa ciyaaryahaan caalami ah caadi ma ahan hala madrid
Abdinasir Muqdisho
02-July-2012 at 7:59 am
Meshan reer Chelsea Hal miya ugu badan Ragan Cesc aye Benchi Ugu jiraan Marwalbo Miya ka hadleysaan
Diiriye
02-July-2012 at 7:31 am
Spine markan arko barca leen umaleya ane barca waa naecbahay raamos and casilas xavii markan ku ag arko an ayagfane naca
Birqaaye
02-July-2012 at 7:02 am
Asc bahda sportiga hadan dhiibto fikirkeyga dabcan italy kubad meysan ciyaarn lkn sababta ayaa ah tabaraha italay ayaa qalday wayow qaab qaldan buu dheelay spain kubad meesha kuma hayn lehen hadii hal nin lasaari laha xavi waayow kubadihi la dhalshay oo dhan asaa ugu dhextuuray lkn sorry azzuri waa markale iyo spain cabadkan cabadan ka dambeyn doono
Cabdimajiid maxamed
02-July-2012 at 5:58 am
Ma fiicna inaan tageero spain sababuna wa ciyaal ka reer barca ayaan u nacay spain wa xul awood leh lkn way dhamanaysa wakhti dhow vivah cassilas and ramos arbeola and real madrid
warsame
02-July-2012 at 1:58 am
aad ban ugu faraxsanahay guusha spain waana wax iska cad in ay spain ku guulayasto euro 2012 italia waxba meesha kuma hayn difac bay lasoo shirtagen wan ka xumahay italia xasuuqa idinku dhacay
Jorda alba
02-July-2012 at 1:47 am
Waaaaaw Qatar ahaa spain viva torres & cesco
kkkkkkkkkk
02-July-2012 at 1:38 am
chelsea MA mesha dheeleyso spain ayaa dheleyso kacabso hee CESC XAVI INIESTA S.B ALANSO EHEHHEHE Casillas VIVA SPAIN CADI MAHAN PLAYSTATION MIYAA WAXAN MISE WAA TEAM EHEHHEHE KKKKKKKKKKKKK
Barqo
02-July-2012 at 1:28 am
Aad baan ugu xumahey guush espian ee caawa ay gaareen laakin waxaan kali ah oo ku faraxsanahey fernando tores oo caawa ku guuleystey kabaha dahabka ah ee gool dhalinta tartankaan. Iyo jon mata oo inbadan binji lagu cabey halkii maroo ugu horeysey oo uu taabto kubada ku dhashaday gool ./daya indha arsenal weyka xunyihin intaas/viva chalsea for ever