Xulka Masar Oo Ka Haray Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika Ee 2013. | Laacib.net
Home » Africa » Xulka Masar Oo Ka Haray Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika Ee 2013.

Xulka Masar Oo Ka Haray Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika Ee 2013.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 1-07-12 10:00 AM

Xulka ugu guulaha badan koobka Qaramada Afrika ee Masar ayaa laga saaray isreebreebka koobka Qaramada Afrika, ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen xulka Central African Republic waxaana ay ku hareen wadar ahaan labada lug guuldarro 4-3 ah.

Xulka Masar ayaa markii labaad oo isku xigta seegi doona ciyaaraha kama dambeysta koobka qaramada Afrika, waxaana ay dhabar jab xoogan ku tahay tababaraha Mareykanka Bob Bradley oo la magacaabay sannadkii hore ka dib markii Masar ay u soo bixi weysay koobkii qaramada Afrika ee 2012.

Masar ayaa lugtii hore ee kulankaas isreebreebka ah waxaa guuldarro 3-2 ay ka soo gaartay Central African Republic iyadoo weliba lagu ciyaarayo gurigooda, waana guuldaradii ugu xumeyd ee minankooda ku soo gaarta ciyaaraha isreebreebka koobka qaramada Afrika.

Lugtii labaad oo ay rajo qabeena waxaa loogu dhameeyay barbaro 1-1 ah, taasoo keentay in Masar ay ku harto wareega hore ee isreebreebka koobka qaramada Afrika.

Xulka Central African Republic ayaa haatan u gudbay wareega ugu danbeeya ee isreebreebka koobka qaramada Afrika ee sannadka soo socda 2013 lagu qaban doono South Afrika.

30 kooxood ayaa isku aad loo sameyn doonaa khamiista iyadoo ay ka soo bixi doonto 15 kulan oo min labo lug ah oo la ciyaari doono September iyo October.

Xulalkii badiya waxa ay ka qeybgeli doonaan kama danbeysta ciyaaraha qaramada Afrika ee Janaayo, iyo sidoo kale xulka martigelinaya.

Masar ayaa heysata 7 koob oo qaramada Afrika ah.

16 Responses to Xulka Masar Oo Ka Haray Isreebreebka Koobka Qaramada Afrika Ee 2013.

  1. Cafaan yare Reply

    08-July-2012 at 10:18 am

    Aad ayan ugu xamahay in masar ay ka harto kobka qaramada afrika xulka faraacinta sidan kuma fiyoba ee hala baaro malaha wa la sixray iam sorry egepty

  2. Tageero ethoipia Reply

    06-July-2012 at 11:03 pm

    Hardheh weyba nadhibte ani wxn ahay tagero ethiopia wayo wxn joga D.D.S mana socoto qarankeyga somalia

  3. Ashcab Reply

    05-July-2012 at 10:00 pm

    In waxlaga badalo barnaamijada laacib.net

  4. C.raxaman mxmd (gaas) Reply

    05-July-2012 at 7:07 am

    Im sory egabti

  5. Zaki camir zaki Reply

    04-July-2012 at 11:35 pm

    Aad ayaan uga xumahay masar waan ku tacsiyaynayaa

  6. Ingiya cadde Reply

    02-July-2012 at 9:38 pm

    Aad iyo aad ayaa ugu xumahay haritanka ay harte masar sawbto ah masar hade soconin qaramada afrika waa shaah aan sonkor laheen masar we imani donta insha.allah

  7. kaahin1 Reply

    02-July-2012 at 8:21 am

    kkkkk masar ayaa la dubtay hada ogow kuwaas saas loogaly itoopiya 2 iyo 0 ayeey kaga badisey walee itoopiya waa xul soo fiirsada koopkan africa ee sandka 2013 itoopiya kaalin muhiima ayeey ka qaadan doonta mar hafii masartii la yaqaaney koox ka badisey eey itoopiyana 2-0 uu dhiibtey viv ethiopia & somali regional satate

  8. Jaaluu Reply

    02-July-2012 at 4:55 am

    Inaad harto wey fcntahay sababtoo ah waa na dhibtay

  9. cabdulaah Xaji Reply

    01-July-2012 at 8:56 pm

    Wan ka xumahay masar oo ka harto qarmada afrika. Qaramada afrika wa cunta aan cusba la heyn hadey ka hartay masar sorry dhaman heyr masar iyo tageyraha calamka ee tageyra xulka masar ee an ani ugu horeyo tageyra ahaan

  10. Baidoa janay Reply

    01-July-2012 at 8:40 pm

    Iam sory

  11. Yaani Reply

    01-July-2012 at 1:43 pm

    Im soooooooooo sorry egapty

  12. Karama Reply

    01-July-2012 at 1:30 pm

    Galada haliska dayo aqyarey

  13. Azuri Reply

    01-July-2012 at 11:16 am

    waxaa kasoo baxay inkaarti Hassan Shahate, abaalkisa ayee hilmaamen Sory Al faraacinah!

  14. adam Reply

    01-July-2012 at 10:38 am

    way soonoqon masar

  15. hasan Reply

    01-July-2012 at 10:29 am

    by by yaa masar waad na dhibte

  16. Salim Reply

    01-July-2012 at 10:10 am

    Aad iyo aad ayaan ugaxumahay masar harkii ay hartay

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>