
Sevilla ayaa ku dhawaaqday in weeraryahan Frederic Kanoute inuu ka tagay kooxda isagoo ku biiray kooxda horyaalka China ee Beijing Guoan.
Xiddiga reer Mali ayaa bilowgii todobaadkan sheegay inuu ka fiirsanayo halka uu u hayaamo, hadii ay ahaan laheyd bariga dhexe, China iyo Mareykanka.
Waxaana uu haatan heshiis labo sanno ah u saxiixay kooxda ka dhisan caasimada China, kuwaasoo kaalinta 3aad kaga jira horyaalkooda, waxaana ay 7 dhibcood ka danbeeyaan kooxda Guangzhou Evergrande.
Kanoute ayaa u saxiixay Sevilla 2005tii ka dib labo sanno oo uu la joogay Tottenham, waxaana uu halyeey ka noqday kooxda Ramon Sanchez Pizjuan, isagoo dhaliyay 136 gool 290 kulan oo uu saftay.
Intii uu joogay Spain, ciyaaryahankii ku guuleystay laacibka sannadka Afrika 2007dii ayaa ka caawiyay Sevilla inay qaado labo Uefa Cup, hal Uefa Super Cup, labo Copa del Rey iyo hal Spanish Supercopa.
hassan faqi
02-July-2012 at 2:55 pm
asc, haddii aan ka hadlo fekerkeyga fared omar kanoute waa laacib weyn haddii aadan garaneyn waa lagu baraa sxb waa laacib weyn oo muslim ah wuxuuna ka dhisey masjid weyn magaalada savila masjidka wuxuu qaadaa in ka badan ilaa 2000 qof haddii aadan aqoon waa lagu baraa sxb,ka hore koumentiga soo dhigey baro
Jubous
01-July-2012 at 7:51 pm
kuluu wuxuu ogyahay majirto waxa dhaanta inuu elman ku soo biiro
cabdille
30-June-2012 at 10:21 pm
mustaqbal wanagsan walaal kayow
cabdulaah Xaji
30-June-2012 at 10:06 pm
Guul xidigas waa. Xidig muslim ah
Xaashi c/qaadir(nasri)
30-June-2012 at 6:44 pm
Yes you are good player and muslim player
Messi yare
30-June-2012 at 5:35 pm
Kanoute waa xidig muslim ah o an tagero gul