Tababare Van Marwijk Oo Iska Casilay Shaqada Xulka Holland Ka Dib Wajigabaxii Ay Kala Kulmeen Euro 2012. | Laacib.net
Home » Europa League » Tababare Van Marwijk Oo Iska Casilay Shaqada Xulka Holland Ka Dib Wajigabaxii Ay Kala Kulmeen Euro 2012.

Tababare Van Marwijk Oo Iska Casilay Shaqada Xulka Holland Ka Dib Wajigabaxii Ay Kala Kulmeen Euro 2012.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 28-06-12 9:02 AM

Bert van Marwijk ayaa iska casilay shaqada xulka Netherlands, ka dib markii uu go’aansaday inuusan sii wadi Karin, markii Netherlands ay dhibco la’aan kaga soo hartay Euro 2012.

“Shaki ayaan qabay lakiin ugu danbeyn waxaan go’aansaday inaan talaabadan qaado” ayuu Van Marwijk yiri, isagoo sannadkii hore uun saxiixay heshiis afar sanno ah.

Xulkii Holland ee finalka ka gaaray koobkii adduunka 2010, ayaa koobka qaramada Yurub iyo Poland kaga haray iyadoo laga wada badiyay seddexdii kulan ee wareega group-ka, waana qaab ciyaareedkoodii ugu xumaa ee tartan weyn.

Kulankii furitaanka waxaa 1-0 kaga badisay Denmark, waxaana sii raacday guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Germany iyo Portugal.

Saxaafada Holland iyo taageerayaasha ayaa ku eedeeynayay Van Marjwik guuldarada soo gaartay Orange, inkastoo qaar ka mid ah ciyaartoyda ay taageerayeen tababarahan shaqada ka tagay.

Van Marwijk oo 60 jir ah ayaa qabtay xulka July 2008dii ka dib markii Marco van Basten uu iscasilay. Intii uu macalin u ahaa waxa ay Dutch-ku badiyeen 14 kulan oo tartan rasmi ah oo isku xigta ka hor intii aan finalka koobka adduunka 1-0 looga badin oo aysan Spain ka qaadin.

Holland ayaa sidoo kale isreebreebkii Euro 2012 wacdarro dhigtay, iyagoo badiyay sagaal kulan oo isku xigta ka hor inta aysan Sweden ka badin kulankii ugu danbeeyay ee isreebreebka.

 

5 Responses to Tababare Van Marwijk Oo Iska Casilay Shaqada Xulka Holland Ka Dib Wajigabaxii Ay Kala Kulmeen Euro 2012.

  1. Maslah Abdi Reply

    28-June-2012 at 10:05 pm

    kkkkkkkkkk dadka jarmal iyo portugal aya dhaxda loo galiyaya

  2. cabdiraxaman Reply

    28-June-2012 at 8:54 pm

    war waxa wadanka yuulaharayee katagdhe meesha lakiin maciraaxuma ciyaartooda

  3. Maxamed subane Reply

    28-June-2012 at 2:36 pm

    Ascww waa inuu nagatagaa isaga iyo robben v.persie heitinga marka waxa dhulka lagalay waa kuwaan hadana wxn rajeynayaa inuu noqdo mclnka csb rijkaard ama dic advoocat wxy umuuqata rijkaard good luck

  4. somaliland boy Reply

    28-June-2012 at 1:32 pm

    waa naga tag dhe ..waar wuxu mid muu ahayn ..waa ninka huntlaar oo kooxaha jarmalku saa uga wada baqaan fadhiisinaya oo van persi oo kartoona qadimaya ..waar haloo yeedho frank de boer ninkaasuunbaa imika holland wadi kara ..laba jeer oo isku xigta ayuu Ajax horyaalka dalka gula guulaystay frank . difaacana iska soo hagaajiya dhe oo van der viel danbena yaan arkin kkkk waana inoo brazil 2016

  5. maxamed cabdiwahaab Reply

    28-June-2012 at 9:37 am

    Horta kooxdan saad kawarqabtaan kubad iyada sida lociyaari udayso balsalaakin wax nasiib ah malaha.waad kumahad santihiin fikradayda aan kadhiibtay ogolaansheheeda.Thank you all of the workers in laacib.net

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>