Juninho Oo Qandraaska U Kordhiyay Kooxda Reer Brazil Ee Vasco Da Gama. | Laacib.net
Home » Latin America » Juninho Oo Qandraaska U Kordhiyay Kooxda Reer Brazil Ee Vasco Da Gama.

Juninho Oo Qandraaska U Kordhiyay Kooxda Reer Brazil Ee Vasco Da Gama.

Waxaa Qoray: Hanna Ibraahim
Twitter: Taariikh: 26-06-12 12:10 PM

Vasco da Gama ayaa xaqiijisay inay qandaraas  cusub la saxiixdeen Juninho Pernambucano kaas oo kooxda kusii heynaya ilaa iyo dhamaadka 2012.

37 jirkaan ayaa inta badan la isku waafaqay qandaraas u kordhintiisa isbuucii la soo dhaafay, laakiin kooxda ka dhisan Rio de Janeiro ayaa keliya la saxiixatay galabnimadii isniinta.

Heshiiska cusub ee Juninho ayaa la mid ahaa heshiiskiisii hore waxaana ciyaaryahankii hore Olympique Lyon uu mushaarkiisu ku tiirsanaan doonaan kulamada uu u ciyaaro kooxda.

Waxaana sidoo kale macquul ah inuu Lix bilood qandaraaska ugu kordhiyo kooxda Vasco bisha December  hadii uu caafimaadkiisu taam noqdo.

“Nasiib ayaan u lahaa kusoo laabashadeyda kooxda taasna kor ayey ii qaadeysaa waana inaan mar kale isku dayo inaan ku guuleyso koobab,” ayuu Juninho u sheegay Suxufiyiinta.

“Waxaan halkaan u dareemayaa sida gurigeyga kor ayaan usoo qaadayaa kooxdaan waxaana rajo ka qabnaa inaan ku geeleysano Brasileirao. Waxaan leenahay ciyaaro badan oo soo bixitaan ah sidaas darteed waa inaan dulqaad sameynaa.”

Juninho ayaa lasoo saxiixday Vasco 2011 ka dib markii uu lasoo joogay kooxda reer Qadar ee Al-Gharafa wuxuuna ku soo laabtay Sao Januario ka dib markii uu la joogay intii u dhexeysay 1995 ilaa 2001.

2 Responses to Juninho Oo Qandraaska U Kordhiyay Kooxda Reer Brazil Ee Vasco Da Gama.

  1. Max'ed max'uud Reply

    03-July-2012 at 3:05 pm

    Waa ku jordi alba viva

  2. Maxamednuur amore Reply

    26-June-2012 at 2:58 pm

    Asc pahda laacib juninho wa nin wayo arag ah wa nin halyey ah viva juninho

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>