Xulka Jarmalka Oo Rajo Ka Qaba In Schweinsteiger Uu Safto Kulanka Semifinalka | Laacib.net
Home » Europa League » Xulka Jarmalka Oo Rajo Ka Qaba In Schweinsteiger Uu Safto Kulanka Semifinalka

Xulka Jarmalka Oo Rajo Ka Qaba In Schweinsteiger Uu Safto Kulanka Semifinalka

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Taariikh: 25-06-12 8:19 PM

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka Jarmalka Bastian Schweinsteiger ayaa laga yabaa in uu safto kulanka Semifinalka ee ay Khamiista kula ciyaari doonaan xulka Italy magaalada Warsaw kadib markii uu ka soo bogsaday dhaawac uu qabay.

Schweinsteiger oo bishii February dhaawac soo gaaray ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la qaadan tababarka xulka dalkiisa.

“Waxa uu qabaa dhaawac fudud mana uusan la qaadan tababarka xulka dalkiisa labadii maalmood ee la  soo dhaafay balse waxaa loo daweeyey si xoog leh,” ayuu yiri tababaraha goolhayaasha xulka Jarmalka Andreas Koepke.

Schweinsteiger oo kamid ahaa laacibiintii garoonka lagu soo bilaabay dhammaan afartii kulan ee xulka Jarmalka uu ciyaaray ayaa sheegay in xanuunka ka haya qoobka uu sababay in uu hoos u dhac ku yimaado awoodiisii iyo dhaqdhaqaaqiisii.

Ma cadda in uu ka mid noqon doono laacibkan ciyaartoyda garoonka ku soo bilaabanaysa kulanka Semifinalka ee Khamiista iyadoo xulka Jarmalka ay rajo ka qabaan in ay soo istaagaan ciyaarta finalaha ee lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Kiev 1da July ayna ku guuleystaan koobka tan iyo sanadkii 1996dii.

Laacibka Mesut Ozil ayaa ku tilmaamay Bastian inuu yahay laacib weyn oo caalami ah xulka Jarmalkana ka dhex muuqda. Waxana uu Ozil rajo ka muujiyey in uu diyaar noqon doono Bastian kulanka muhiimka ah ee Khamiista.

 

8 Responses to Xulka Jarmalka Oo Rajo Ka Qaba In Schweinsteiger Uu Safto Kulanka Semifinalka

  1. mukhtaar Reply

    26-June-2012 at 10:02 am

    ASC aad iyo aad ayaan ugaxumahay inuu dhaawacsoogaadho bastian lkn italy waan garaaci karnaa maaha uune waxaan kaga badin karnaa gremany 5 itafly 0

  2. Theo naldo Reply

    26-June-2012 at 3:10 am

    Rigooradaas oo kale ani ayaa dhalshay asxaabey

  3. Bardhere Boy Reply

    26-June-2012 at 2:08 am

    Aad iyo aad ayaan ugu xumahay fantastic in uu dhaawac soo gaaro mid ka mid xidigaha fara ku tiriska ah ee qadka dhexe kubada ka canaanta lkn xulku waa germany italy ayuuna la dheelayaa marka ha nasto schweinsteiger italy waxaa ka adeegan doono golden boys,young stars,fantastic players. mesut özil&super mario götze viva best defender mats hummels

  4. Bardhere Boy Reply

    26-June-2012 at 2:06 am

    Aad iyo aad ayaan ugu xumahay fantastic in uu dhaawac soo gaaro mid ka mid xidigaha fara ku tiriska ah ee qadka dhexe kubada ka canaanta lkn xulku waa germany italy ayuuna la dheelayaa marka ha nasto schweinsteiger italy waxaa ka adeegan doono golden boys,young stars,fantastic players. mesut özil&super mario götze

  5. siinay Reply

    25-June-2012 at 9:26 pm

    waxa salamayaa dhamaan bahadaa sportiga mel waliba ey calaamka ka jogan ha ahadan tageero amaa ciyaartoy waxa le yahay ciyaarta wa ciyaar an la dhelsa karin lakiin viva pirlo

  6. M.reus Reply

    25-June-2012 at 9:25 pm

    Wan kaxumahay xidigan wax kuyimid lkn wan sugeyna wa xidika kali ah o dhaxda u wado jarmal

  7. Al faara Reply

    25-June-2012 at 9:11 pm

    Waa culeys ba an jarmalku hadu wayo ciyariyahan weyn sida bastian waa waqti aar goosashada 2006 guul aqyarta germany

  8. caadil Reply

    25-June-2012 at 8:54 pm

    waxan ku rajeynayaa inaa kuso bilabata 11ka garoonka waxa tahay amshiinka jarmeny

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>