Ciyaaryahanka kooxda Juventus ee ka ciyaara daafaca Georgeo Chiellini ayaa dhaawac uu ka soo gaaray muruqa lugta bidix qeybtii dambe ee kulankii xulka Italy uu la yeeshay xulka Ireland kaasoo xulka Azzuri ay ugaga badiyeen xulka Ireland 2-0.
Hase yeeshee Chiellini ayaa waxa uu rajo ka qabaa in uu ka soo kabto dhaawaca isla markaana uu safto kulanka adag ee xulka dalkiisa ciyaarta Semifinalka la yeelan doono Khamiista xulka wadanka Jarmalka.
Daafaca kooxda Juventus ayaan ciyaarin kulankii Axada ee Siddeed dhamaadka kaasoo xulka dalkiisa ee Italy ay rigoorayaal ugaga badiyeen xulka England.
Si kasta ha ahaatee, Chiellini ayaa shaaciyey kadib markii uu daawaday rigoorayaashii la yaabka lahaa ee ay xulka dalkiisu ugu soo gudbeen ciyaarta Semifinalka in uu diyaar u noqon karo in uu ciyaaro kulanka ay xulka dalkiisu la yeelanayaan xulka Jarmalka kaaso ka dhici doona magaalada Warsaw.
“Waxaan dareemayaa ladnaan waana arki doonaa maalmaha soo socda balse waxaan rajaynayaa in aan ciyaari karo khamiista,”ayuu u sheegay dadka wararka fidiya Chiellini.
Dhaawaca soo gaaray Chiellini ayaa la sheegay in uu yahay dhaawaca heerka koowaad kaasoo badanaa ciyaaryahanada ay ku qaadato inay ugaga soo kabtaan muddo labaatan maalmood ah.
Hase yeeshee Chiellini wuxuu la sameeyey maanta tababarka ciyaartoyda xulka Italy ee aan safan kulankii Axadda.
Axmed nur sharif osman xasan
28-June-2012 at 4:08 pm
Cheillin waxa dhihi laha sokac cawa waxad garaci lahed xulka awoda isbidayo e garmany
nuur milano
26-June-2012 at 5:02 pm
chelini haduu sookoco weyka sii macdahay dhiiga waaye ninkaan waxbadan lagu faaiidaa asi iyo de rossi forsa azuuuuri
pirlo
26-June-2012 at 9:49 am
cheillini caadi maha waa nin guul ka keeni kara difaaca danbe hadu safto kulanka germany
De Rossi
26-June-2012 at 9:17 am
chiellini welcome back waan guuleysanay ciyaarta germany azzurri caadi ma ahan cupka unbeaten ayaan ku qaadeenaa viva azzurri
Shiikaal
26-June-2012 at 8:53 am
Chiellini waa nin adag germany wuu hakin karaa weerarkooda italy final andrea pirlo
Liibaan
26-June-2012 at 7:58 am
Waxaan rajeeyaan inuu cheliini kulan jarmalka inuu ciyaaro waa daafac weeyne jarmalka waa xul adag insha allaah italy guul ayaan u rajeeynaa
Caaqil114
26-June-2012 at 4:38 am
chelini waxaan rajeeynaa inuu soo kaco..
Xaaji Milaano
25-June-2012 at 11:48 pm
Waxaan rajaynaynaa inuu soo kabsado cheillini kahor ciyaarta qamiista ee aan laciyaarayno xulka labaad ee uku adak europe ee germany waayo talyanigu waxaa hortaala shaqo adak oo ah inay ukudbaan finalka hadii ay suuro kasho