
Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter ayaa sheegay in teknooloojiya xariiqda goosha inay tahay lagama maarmaan ka dib markii garsoorayaasha ay si shaki uu ku jiro u beeniyeen goolka ay Ukraine ka dhalisay England xalayto.
Marco Devic ayaa u maleeyay inuu u barbareeyay Ukraine goolkaasoo ka caawin lahaa inay soo gaaraan wareega sideeda lakiin garsoorayaasha reer Hungary ayaa tilmaamay inay ciyaarta sii socoto ka dib markii uu kubada bixiyay daafaca England John Terry.
Muuqaalo ku celis ah oo la daawaday ayaa soo jeedinaya in kubada ay dhaaftay xariiqda goolka, waxaana Ukraine ay ku baxeen iyagoo careysan, halka England ay qiratay inay nasiib ku lahaayeen inaan goolkaas la ogolaanin.
Tiknoolooyida xariiqda goolka ayaa la filayaa in si rasmi ah loo ansixiyo 5ta July marka ay kulmaan guddiga sharciga ka bedela kubada cagta ee IFAB.
Blatter ayaa u isticmaalay bogiisa Twitter inuu ku taageero fekradaas:
“Ka dib ciyaartii xalay, teknooloojiyada xariiqda goolka waa lagama maarmaan” ayuu qoray madaxweynaha FIFA.
Waxaana xalay cadaadatay sidoo kale inaysan shaqeyneynin qorshaha UEFA ee ah in labo garsoore kale la dhigo goolka gadaashiisa, lakiin iyaga laftooda xalay waa ay guuldareysteen.
Khaalid Cabdulahi Maxamad
21-June-2012 at 5:55 am
Asc dhamaan bahda laacib iyo inta kutaxan webkan, salaan kadib sxbyaal goalki ukrain waxa uu ahaa mid 100% sax ahaa englandna kusoo baxday nasiib. FIFAna marhore ayaa laga rabay.
Khaalid Cabdulahi Maxamad
21-June-2012 at 5:54 am
Asc dhamaan bahda http://www.laacib.net iyo inta kutaxan webkan, salaan kadib sxbyaal goalki ukrain waxa uu ahaa mid 100% sax ahaa englandna kusoo baxday nasiib. FIFAna marhore ayaa laga rabay.
C/lahi ole
20-June-2012 at 11:32 pm
Madaxweynaha fifa hadalgudhahay wa run green united oliech ole
jabril al husein
20-June-2012 at 8:32 pm
Asc aayarta sharafta leh …… Egland uma malenayo ee italy ka so beexeso lkn banoni wa nasibo chelsea ayaa saa aragte UCL ku qaade lkn aan aragno meele garan viva SPAIN
ahmed galkacyo
20-June-2012 at 8:19 pm
asc all akhristayaasha laacib waxan layabahay captain terry adaka inta dawanayay wuxuu badbaadinyay kubada khatar ah u u uu u u uu viva lampard+8
Qays weye
20-June-2012 at 7:53 pm
Bletter wali giis englad ayu ka so hor jeday khaladadka kale kama hadlo iska ooy dheh wax kale mahayside calacalka nagada
maxamed
20-June-2012 at 6:26 pm
wuxuu ahaa goal lkn arbitarayasha ayaa kansalay Ukrine by qabsada boska daawashada.
Caaqil114
20-June-2012 at 5:57 pm
asc waaloo baahan yahay technolojiyada waa laga yaabaa ineey wax kusoo kordhiso caalamka.. si qaladaatka ay u yaraadaan…
Baasma'arke
20-June-2012 at 5:33 pm
Ninkan markan arkabo england ayu kasohorjoodaa cuqdad udhimo
Cabdi,kafi,wariye,madax,banan,ah,from,south,africa,cape,town,bellville,
20-June-2012 at 4:47 pm
Asc laacib.net axmad botte bro ukriun waxey kuso bixi laheyd 2 labada gool o laga dhaliyey french sidas ayey ugu sobixi lahed ukriun midakale teknoolajiga looqelinayo inow wax sokor dhinayo ma umalenayo sababto ah xirirka kubada cagta iyo albiitarayaasha ciday doonan ayey soosaaran sababto ah had iyo jeer waxey kashaqeyaan xiisaha ciyaaraha ineysan hos udhicin bye viva chelsea
sharafudiin
20-June-2012 at 4:27 pm
Horaanba waxaa lagu diidanaa kaliya xiriirka england ayaa soo bandhigay oo kaliya mooyee waa loo baahnaa lkn xitaa hadii xalay lahaa england kor iyo hoos way soo bexeen marka blatter hada ayuu si fiican u dareemay in tegnoolojidaan eysan aheyn wax england dan gaar ah ka leeyihiin ee ey tahay wax dunida looga baahanyahay
kadhac
20-June-2012 at 4:01 pm
asc dhamaan mulimiinta meelwalba oo ay joogaan iyo meelwalba ay kasoo jeedaanba, gaar ahaan somalaii, bacda salaan waxay kugu soo bixi lahayd UKRINIA waxaytahay BRO AHMED BOTTE, waxay kabadisay sweden, sweden ayadane waxay kabadisay france, walibane waxaa lafiirinayaa meeqo ayay kadhalisay sweden , swedense meeqo ayay uga badisay drance, iyo bareejoyinka ay lagaleen england labadoodaba
ahmed
20-June-2012 at 3:19 pm
asc maya kuma so baxden barbaro lkn ukrien gool buu ahaa waxa laga diiday taasi waa shaki la aan 1995 kii liverpool iyo madri buu ahaa liverpoolloo siiyey gool taasi waa ay cadahayna in ay gool ahaana saxaafada engilish ayaa sheegaysana inuu gool ahaa oo nasiib kusoo baxeeen england
Ahmed botte
20-June-2012 at 3:07 pm
Suaal waxan weydina laacib ukrien barbaro see ugu sobixi laheyd ayan karabna
bashka
20-June-2012 at 3:02 pm
wan isdinsalamay salan qaali ah guud ahaan aqyaarta hadii aan ka hadlo xalay wixii dhcay waa qalad balse enlad ma sidaan ayaya u dheeli doontaa/xaly nasiib ayaa u hiiliyayya