
Kooxda Fiorentina ayaa la soo werinayaa inay u sheegtay kooxaha Juventus, Napoli iyo Chelsea oo ay diiradu u saarneyd ciyaaryahankooda Stevan Jovetic inuusan beec ka aheyn.
Waxaa la soo warinayay in ninka u dhashay Montenegro uu ka tagayo xagaagan Stadio Artemio Franchi, iyadoo agaasimaha kooxda Gianfranco Teotino uu hore u sheegtay in kooxda aysan wadada ka horistaagi doonin ciyaaryahanka.
Si kastaba, Fiorentina ayaa haatan dishay wararka xanta ah ku aadan ciyaaryahankooda, iyagoo sheegay inaysan dooneynin inay iska iibiyaan hantidooda ugu qaalisan.
“Anaga tixraaceyna wararka warbaahinta ee la xiriira Stevan Jovetic, milkiile Andrea Della Valle waxa uu shaaciyay in ciyaaryahanka uusan saarneyn suuqa kala iibsiga” ayaa lagu qoray website-ka kooxda ka dhisan Serie A.
Jovetic ayaa Fiorentina uga soo biiray kooxda Partizan xagaagii 2008 isagoona inta badan ay dhaawacyo diloodeen ciyaaryahanka 22 jirkaani ayaana lagu qiimeeyaa mid ka mid ah da’ayrta ugu fiican ee ka ciyaarya Horyaalka Talyaanga.
dynamic xeeb
20-June-2012 at 12:37 pm
mr jovetic waa u qalma inay kooxaha waa wayni daneyaan runtii i like him so waa inuu ku biira napoli