Daniel Agger Oo Sheegay Inuu U Furan Yahay Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Daniel Agger Oo Sheegay Inuu U Furan Yahay Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool.

Daniel Agger Oo Sheegay Inuu U Furan Yahay Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool.

Waxaa Qoray: Hanna Ibraahim
Twitter: Taariikh: 20-06-12 1:12 PM

Ciyaaryahanka difaaca dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool Daniel Agger  ayaa daaha ka qaaday inuu wadahadal heshiiska loogu cusbooneysiinaayo kula jiro kooxdiisa Reds.

27 jirkaan difaaca ka ciyaara ayaa Liverpool uga soo biiray kooxda Brondby,Laakiin dhaawacyo isdaba joog ah ayaa u diiday inuu farsado badan ka helo kooxda.

Si kastaba xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Agger ayaa si joogto ah u maamulayey difaaca halbowlaha ee Liverpool taasi ayaana u ogolaaneysa in ninka reer Denmark uu kooxda  ka dhex muuqday xilli ciyaareedkii dhamaaday.

In kastoo heshiiskiisa kooxda ay uga dhimantahay Laba sanadood wuxuu hadana diyaar u yahay inu dhegeysto dalabka kooxda.

“Sir maahan inaan ku faraxsanahay joogisteyda Liverpool.  Hadii kale halkaas ma aanan joogi laheyn Lix sanadood,“ Agger ayaa u sheegay sporten.dk.

“Weli kalama aanan hadlin qandaraas cusub, lakiin hadii ay heshiis ii soo bandhigaan waan la fariisanayaa waana la xaajoonayaa”

“Ma ahan taasi wax  deg deg ah, madaama aan heysto qandaraas ilaa iyo 2014ka ah, laakiin hadii ay I weydiistaan waan dhegeysan doonaa.”

Kabtanka xulka Denmark ayaa sidoo kale qiray inuu la kulmay tababaraha cusub ee kooxda Liverpool Brendan Rodgers isagoona sheegay inuu rajeynaayo in ninka u dhashay  Northern Ireland uu shaqadii Swansea oo kale ka qabto kooxda Liverpool.

13 Responses to Daniel Agger Oo Sheegay Inuu U Furan Yahay Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool.

  1. bishaar Reply

    21-June-2012 at 3:05 am

    salaan sare bahda liverpool sxb yaal sanadkaan mesha qaladku kajiray waxat eheyd difaaca marka agger skrtel hala gado oo rag adag hala keeno mesha

  2. Agger cade Reply

    21-June-2012 at 12:19 am

    Libaaxa layrta jifo waa daniel agger waxan lenahay anfild road waa gurigi lagugu bar baariye ee caasi hanoqon sidii torres ee noqo captain gerrard iyo sxb kaa skartell

  3. C/lahi ole Reply

    20-June-2012 at 11:17 pm

    Daniel Aggle wa Laacib weyn waxana waye diffaca uguqadarsan adunka viva green untd ole

  4. liverpool Reply

    20-June-2012 at 8:11 pm

    Kkkkk Agger asagaa sxb mustaqbalkiisa kaayaqaano liverpool wax ma bahdisho bro ee waa kooxaha aduunka ugu magac wayn la ixtiraaamo

  5. Cali yare Reply

    20-June-2012 at 7:03 pm

    Aad ayan ugu faraxsanahay aggar inu sijogo liverpool waaw

  6. al haji livarepool Reply

    20-June-2012 at 3:27 pm

    livepool waligeed yeey kob qadin ciyartowda ayaa jecel waxeyna kujecladeen nadiga sumcada uu leyahay iyo mida uu ku leyahay aduunka oo dhan iyo sida loga yaqaanoo by

  7. ugaaska Reply

    20-June-2012 at 3:24 pm

    waan soo dhawoynayaa dafaceeba agger
    qandaraska uu ku siijoogayo

  8. xudeyfa syl Reply

    20-June-2012 at 2:31 pm

    wow wan ku fraxsnahy danial ager inu nala sijogo mudo dher wayo wad aragten sanadki dhmady wacdarihi u dhgay viva reds

  9. Capten Faysal Reply

    20-June-2012 at 1:58 pm

    Asc dhamaan bahda laacib.net hadii aan kadhiibto fakarkeeyga agger waan filayay inuu jeclaa naadiga waana midkamid ah lafdhawarada kooxda waxaan leeyahay real madrid iyo kooxaha kale cantuuftiina dib uliqa liverpoolfc guul

  10. fiyoore Reply

    20-June-2012 at 1:37 pm

    Wan ku databases ahay hadii hi soo potato reds waa caadi seen

    Gfhf

  11. mustafe liverpoolfc Reply

    20-June-2012 at 1:29 pm

    AGGER waa laf dhabarta difaaca liverpool waana mustaqbalka naadiga THIS IS GOOG NEWS

  12. bkr awesome Reply

    20-June-2012 at 1:27 pm

    Waan kugu raacsanahay agger sanad dambe wadada haloobaneyoo lfc and captain fantastic gerrard viva suarez

  13. maxamuud maxamad Reply

    20-June-2012 at 1:19 pm

    asc maantay agar maxuu udaraa lifarbuul difaac ka fiican ayaa joogo teeda kale laacibiinta waa bahdishaa wax eey dareeyso malahan

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>