
Uefa ayaa furtay dacwad ka dhan ah xiriirka kubada cagta Croatia ka dib markii lagu eedeeyay in taageerayaashooda ay ku kaceen fal isir naceyb ah kulankii Italy ee habeenkii khamiista.
Xiriirka kubada cagta Yurub ayaa si degdeg ah kaga jawaabay eedeyn ku saabsan in fal cunsurinimo ah lagula kacay Mario Balotelli iyadoo moos lagu soo tuuray garoonka dhexdiisa kulankii ku dhamaaday barbaraha eek a dhacay Poznan.
Taageerayaasha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay isku jiibinayeen hadalo cunsurinimo ay ku dheehan tahay sida dhawaaqa uu sameeyo daanyeerka iyagoo u la jeeda ciyaartoyda midabkooda madowga uu yahay.
Balotelli ayaa hore u sheegay inuu dili doono qofkii moos ku soo tuura, islamarkaana uu garoonka bixi doono hadii uu maqlo hadalo cunsuri ah, lakiin taasi ma aysan dhicin madaama uusan maqlin eedeynta haatan lagu heysto Croatia.
19ka bishaan ayaa UEFA ay go’aan ka soo saari doontaa dacwadan loo heysto Croatia.
Liibaan
17-June-2012 at 8:17 am
Waxaan oo kale ma fiicano laakiin hadaan dhahaye afrika waxbo uma aragano viva mario
wilki shalay galab
17-June-2012 at 2:26 am
asc bolatellki saan ku jira waligis maskiin dheh waa dilaa ku yeh qofki i caaya somalia miya la joga kkkkkkkkkkkkkk waba qoslay viva my team germny
Gaas gerrard.
17-June-2012 at 2:01 am
Anaguna hadan african nahay eynu ceyno cadaanka waraqda ah.
CHLELSEA
16-June-2012 at 11:50 pm
Waar awaay nin kii raaGaa aha sUpar mario balatole mUxuuu uuu arki wayay midka soo Tuuuray mooska ha kalaa jaaareee viva inta madooow like sUpar mario
Abdala 4m southafrica
16-June-2012 at 10:51 pm
Waa wax aad uxun øo saameyn kuyelankaro koobka Eu 2012 kulamada haray lkn balatoli waxan leehay kalajar qofki wax kashegto jinsiya daada qasatan tan madowga ah adigoo mtalayo dhaman inta madow ee Africa iyo eu ah
muxya
16-June-2012 at 9:40 pm
waa yaab dhibkeeda leh