Man United Oo Isha La Raaceysa Thiago Alcantara Xilli Ay Baadigoob Ugu Jiraan Luka Modric. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Man United Oo Isha La Raaceysa Thiago Alcantara Xilli Ay Baadigoob Ugu Jiraan Luka Modric.

Man United Oo Isha La Raaceysa Thiago Alcantara Xilli Ay Baadigoob Ugu Jiraan Luka Modric.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 16-06-12 9:07 AM

Manchester United ayaa isha la raaceysa xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Thiago Alcantara, waxaana weli sidoo kale ay rajo ka qabaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Luka Modric sida ay qortay Daily Mail.

Thiago ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn waqtiga yar ee uu fursada u helayo inuu u ciyaaro Barca madaama uu ka danbeeyo ciyaartoy sida Xavi iyo Cesc Fabregas.

Waxaana bixitaanka tababare Pep Guardiola ay keentay in 21 jirkaas uu dib uga fiirsado mustaqbalkiisa Nou Camp.

Kooxda Serie A ka dhisan ee AC Milan ayaa hore u sheegtay inay xiiseyneyso ciyaaryahankaan lagu qiimeeyo 21 milyan ginni.

Lakiin Milan ayaan u muuqan madaama ay iska diiday dalab ahaa lacagtii ugu badneyd ee difaac lagu iibsado oo ay PSG ku soo dalbatay Thiago Silva.

13 Responses to Man United Oo Isha La Raaceysa Thiago Alcantara Xilli Ay Baadigoob Ugu Jiraan Luka Modric.

  1. ali Reply

    17-June-2012 at 12:41 pm

    man united needs thiago very well

  2. Kayse Reply

    16-June-2012 at 5:43 pm

    Sir ka hadii layidhaahdo dhaxdaa kaa xun dadka oodhan miyaad baayacaysaa warninyohow nookeen horta modric iyo badalkii 3 ga 4 ka iyo 5 ka

  3. Mohaaz Reply

    16-June-2012 at 2:25 pm

    Waa macqul sanadkan in man ey ku guleysato kobabka oo idil waa hadi uu sir alex uu kenayo 1 modric’ & thiago siba modric’

  4. Jaranti Reply

    16-June-2012 at 12:43 pm

    K.k.k.k.k.k nin barc jogo mad kuriyonesin war shdnmda aya nidishay xidga 60 mil waye man cty ay gadan karto ama chelsea

  5. Siyad jelle Reply

    16-June-2012 at 12:06 pm

    Thiago welcom to man united old trfd

  6. KUN_MOHA Reply

    16-June-2012 at 11:35 am

    Wa war wanagsan waxasa rajena in asiga iyo modric lakeeno manunited!

  7. Cabdul Hassan (Sandhere) Reply

    16-June-2012 at 10:52 am

    Asc waxaan dhihi karaa waa ciyaaryahan mustaqbal wanaagsan kuleh kubada cagta. Welcome united. Lakin aad ayaan waxaan u jeclanlahay modric inan united ku arko sanadkan. Kagawa modric and thaigo intaa hadu keno alex waxaa uu qadikaraa kobab waweyn good lucky united fans

  8. Abdulah nasip Reply

    16-June-2012 at 10:42 am

    Waxan leyahay dadal dherad ah sameya xidigan wa u uqalma oltrafort viva man u iyo inta jecel

  9. Deqow Reply

    16-June-2012 at 10:22 am

    Welcone to thiago oltrafoqd

  10. Hussein Reply

    16-June-2012 at 10:09 am

    wlcame thiago aad ayaan ugu faraxsanahey ciyaaryahankan da da yar haduu man united imaadey wuxuu kamid noqonaya laciibta khadka dhaxe sida xavi iyo iniesta fabregas

  11. Albashir Reply

    16-June-2012 at 9:53 am

    Wel come to manchister united

  12. Ashan yare arsha Reply

    16-June-2012 at 9:32 am

    Waxan leyahay thiago welcme to man utd Hahahahaha man u aya kuleh next season

  13. Nani Reply

    16-June-2012 at 9:19 am

    Man u ninkan waxay ka dhigi karta lacib muqdo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>